Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The De-Mining Process In Sool Region

Recommended Posts

Waxaa maanta soo gaadhay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood hay’ada miinada Somaliland uqaabilsan oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeisa ee xarunta maamulka Somaliland hay’adan oo utimi Gobolka warbixino ku saabsan khatar badan oo miino taal Gobolka ay ku haso taas oo ay doonayso inta ay joogto inay soo af jarto.

 

 

Hay’adan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaabilayna Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax Indho Buur oo kusoo wareejiyay wafdidii hay’ada miinada Somaliland dhamaanba magalaada Laascaanood iyo xarumaha ay warbixinta ku hayeen ee ay ka buuxday miino iyo qaybo kale oo ka kamid ah walxaha qarxa.

 

 

 

Hadaba Gudoomiye kuxigeenka Somaliland,Siyaasiga ku sugan Gobolka Sool ee Xaabsade iyo masuuliyiin kala duwan ayaa waxa ay tageen xarun ay ka buuxdo walxaha qarxa oo tan iyo intii ay burburtay Dawladii dhexe ee Somalia yaalay halkaasi iyadoo ay ka tageen walxahaasi Gaasaskii ciidanka ahaa ee daganaan jiray Gobolka.

 

 

 

Hadaba meeshan oo muddada intaa leg uu ilaalin jiray mid kamid ah saarkiishii hore ee Somalia kana tirsanaan jiray Gaaskii dhanka Galbeed ee magaalada deganaan jiray khibrad gaar ahna ulahaa walxahaasi ayaa waxa uu war bixin naga siiyay sida ay khartarta ugu hayeen shacabka iyo waxa kasoo maray taasoo oo uu ku sheegay inay khatar aan la koobi karin ku hayeen umada taas oo isaga wal wal gaar ah ku haysay ayna maamulkii hadda baneeyay Gobolka in badan u bandhigay waxna aan ka qaban.

 

 

 

Wafdidan miinada oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta miinada Police-ka Somaliland uqaabilsan Cumar C/laahi Qaasaali ayaa waxaa sidoo kale Gobolka kusoo dhaweeyay Hay’ada SMAC oo ah hay’ad miinada ku shaqo leh fadhigeeduna yahay Laascaanood uuna madax u yahay Faarax Cabdi Yare.

 

 

 

Mar aan wax ka waydiinay Taliye Qaasaali sida uu u arko goobtan ay ka buuxdo waxyaalaha qarxa sida xabada BMka,Hoobiyayaal,anti taanfgiyo iyo waxaala kale oo qarxa kuna taal bartamaha magaalada ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay aad unasiib wanaagsanyihiin marka loo eego waxa dhex yaala iyo sida ay khatarta ulee yihiin ayna si dagdag ah uga gurayaan miinadan maanta ilaa barri iyadoo maalinta barri ah la qarxi deoono laguna qarxin doono duleedka magaalada waxaana uu intaasi ku daray isagoo la hadlaya shacabka reer Laascaanood inuu aad uga xun yahay maamulkii soo maray Gobolka oo aan waxba kaqaban hawalahi ayna dadku hadda ogaadaan cidda wax uqaanaysa iyo kuwa kale.

 

amiino1.JPG?0.5992637992273377

amiin3.JPG?0.9717259890412655

amiino4.JPG?0.2786399026685229

amiino7.JPG?0.45786767894960006

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta lagu qarxiyay duleedka magaalada Laascaanood meel 8 km ujirta walxaha qarxa oo maalintii shalay laga uruuriyay magaalada Laascaanood la isuguna geeyay goobtaasi walxahaas oo isugu jira xabada Bm,hoobiyayaal,anti taangiyo iyo qaybo kale oo aad ufara badan.

 

 

Walxahan ayaa maalintii shalay laga uruuriyay qaybo badan oo kuyaal magaalada ayna ugu badnayn guri kuyaal xaafada lagu magacaabo daaraha maraykanka kaas oo laga qaaday 39 xabo oo xabadaha BM-ka ah iyo qaybo kale oo aad ufara badan iyadoo la isugu geeyay dhamaanba qaybahaas goobta maanta lagu qarxiyay.

 

 

 

Hadaba saaka inta aysan bilaabmin qarxinta walxahaasi ayaa dhamaanba waxaa la wacyi galiyay shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo ciidanka Military-ga si aysan umadu ula yaabin walaacna ugu abuurin qaraxa ka dhacaya duleedka magaalada Laascaanood iyo military-ga ciidanka Somaliland ee ku sugan magaalada.

 

 

 

Waxaa kasoo qayb galay qarxinta walxan dhamaanba masuuliyiinta Gobolka,Degmada,Police-ka,Military-ga iyo waliba masuuliyiin ka socda madaxa hay’ada SMAC ee xarunta guud ee Hargeisa uuna meesha marayay Gudoomiyaha hay’adaasi Dr: Axmed Cali Maax oo xalay kasoo kicitimay magalaada Hargeisa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo si ay uga qayb galaan qarxaasi lagu samaynayo walxa qarax isla maantana dib ugu laabtay kadib qarxaasi markii uu ka qayb galay magaalada Hargeisa.

 

 

 

Kadib markii uu dhacay burburinta qaraxu ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule oo mahadnaq ujeediyay Police bomb oo ahaa kuwii burburiyay walxahaasi waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay Taliyaha Police Bomb oo si wayn ugu codsaday inay dadku ka caawiyaan in wixii qarxa ee ay arkaan soo sheegaan si ay wax uga qabtaan isagoo sidoo kalena sheegay in halkan laga aasaasayo team ah Police- bomb oo ka shaqaya hawlahaasi kaas oo ka jira Gobolada kale waxaana ugu danbayntii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalada SUNGO Fahiima Jaamac koosafaare oo ku hadlaysa magaca daladaasi si wayna uga mahad celisay hawshan balaadhan ee la qabtay iyo sida loogu guulaystay.

 

 

 

Hadaba waxaa halkaasi lagu burburiyay dhamaanba walxihii qarxi jiray dhibtana ugaysan jiray shacabka magaalada Laascaanood oo dad badan oo aan aqoon dheeri ah ulahayn ay wax yeelooyin kala duwan soo gaadhsiin jireen iyadoo qaraxa burburinta ah ee lagu sameeyay walxahaasi laga wada maqlayay guud ahaan magalaada iyo agagaarkeeda.

 

aqarax1.JPG?0.9007950983523706

aqarax2.JPG?0.182261629302094

aqarax33.jpg?0.8561416072379175

aqarax4.JPG?0.7188711533085808

aqarax5.JPG?0.5364733792180999

Share this post


Link to post
Share on other sites

beenta iska wata! ask your self few simple questions before you bring the few shows the somaliland sycophants in las anod are puting on for propaganda. few explosives in storage sense or even before the fall of the somali government are a threat to the people? You landers are sure gallible!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Key person in that pic is Habsaade, where he pledges alligence to determines who lascaanod is administered by. That's why your president tried to visit the city and was almost assasinated and couldn't even stay a day, the soon after Puntland let habsaade go, things changed. I know you've heard it before and you'll never stop hearing it to. He'll go to the highest bidder, you'll see. Those are the true facts!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^LooooooooooooL,

 

 

And LoooooooL@clanish wailers...This is from people whose entire State's existance is owed to Qabiil movement.

At least they're honest about it..They don't want nothing to do with Somalia.

 

What is pl doing exactly?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this