Sign in to follow this  
General Duke

Celebrations in Jowhar and Middle Shabele: Supporting the new President

Recommended Posts

Isu Soo Bax Balaaran Oo Lagu Taageerayay Col. C/laahi Yuusuf Guushii Uu Ka Gaaray Tartanka Madaxweynenimada Oo Maanta Ka Dhacday Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe Ee Jawhar & Degmooyin Ka Tirsan Isla Gobolka.

 

- Monday, October 11, 2004 at 14:53

 

Banaanbax lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee xukuumadda fedaraalka ah ee soomaaliya Md. C/laahi Yusuf Axmed ayaa maanta gelinkii hore ka dhacday gudaha degmada jawhar ee gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyin ka tirsan isla gobolka,

Banaanbaxaan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka ka dhisan gobolka ayaa dadkii isugu soo baxay ay siteen boorar ay ku qornayeen halkudhegyo qiimo leh oo ay dadku ku sheegayeen dareenkooda ku aadan dhamaanshaha dib u heshiisiinta soomaaliyeed iyo magacaabista madaxweynaha ku meelgaarka ah ee 5sano ee soo socota.

 

Dibadbaxaan oo ahaa kii ugu baaxad weynaa oo ay sanadihii la soo dhaafay isu soo baxaan dadka ku nool xaafadaha ay degmadaasi ka kooban tahay, ayaa waxaa qudbado xamaasad leh ka soo jeediyey madax kasocotay maamulka gobolka.

 

Cusmaan Xaaji C/lle caqiil oo ah ku simaha gudoomiyaha oo lahadlay dibad baxayaashii sheegay dadka ku nool gobolka shabeelaha dhexe dad ka nasiib badan dadyowga kale ee ku nool gobolada kale,waayo buu yiri waxay haystaan wax aysan haysan asagooda kale,taas oo ah Nabad,waxaana waajibku yahay in ay ilaashadaan jawharadda ay haystaan,kana ooman yihiin umado dhan.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Mukhtaar Max’ud Seefaale oo ah wakiilka xanaanada Xoolaha,wuxuuna dadkii banaabaxayey ku booriyey in ay taageeraan xukuumadda cusub ee uu garwadeenka ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Mud::Seefaale waxa uu ku booriyey dadkii isugu soo baxay dibad baxaas in ay ka faa’iidaystaan xiliga dayrta oo dhawaan ka curtay qaar ka mid ah dhulka soomaaliya,wuxuuna kula dardarmay in ay dhawraan walaaltinimadooda iyo wada jirkooda,iskana ilaaliyaan kuwa doonaya in ay wax yeelaan nabad sugidooda

 

Ugu dambeyntii wakiilka waxa uu u rajeeyey dhamaan dadka ku nool gobol waynaha shabeelaha dhexe kuwo ku sii jira wada jirka ay haystaan oo mar kasta ka qayb qaata waxa soomaali oo dhan u daneynaya.

 

Sida uu u sheegay shabakadda warbaahinta ee guulane shaqsi muhiim ah oo u dhashay degaankaas ayaa cadeeyey in demooyinka Raage Ceelle,warshiikh,Cadale,iyo Mahadaay Weyn oo intaba ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ay iyaguna ka dhaceen dibad baxyo la mid ah midkii saakay ka dhacay Degmada Jawhar,ilaa xalay iyo manta galinkii dambe dadka degaanka,waxay ku hawshoonaayeen fantasyaha doorashada madaxweynaha cusub.

 

Guulane.com

 

 

 

 

Guulane.com

Copyright ©Guulane.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this