Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland Youth get seminar on Peace and Security in Garowe's PDRC

Recommended Posts

Garoowe: Agaasimaha xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Puntland (PDRC) C/raxmaan Cabdulle Shuuke oo Aqoon iswaydaarsi kusaabsanaa doorka nabadda ay ka qaadan karaan dhallinyarada Puntland uga furmay xarunta PDRC!

 

Sabti, November 18, 2006

 

APL

 

Fadhigii furitaanka Siminaarka

 

Cabdiraxman Cabdulle Shuuke Agaasimaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Puntland (PDRC) oo furaya 18kii Nofember 2006, Aqoon iswaydaarsiga

 

Gabdhaha Puntland oo Aqoon iswaydaarsiga ka qayb galaya

 

Wiilasha Puntland oo Aqoon iswaydaarsiga ka qayb galaya

Garoowe (AllPuntland)- Aqoon is waydaarsi ay kasoo qayb galeen dhammaan dhallinayarada gobollada dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka furmay xarunta cilmi baarista iyo horumarinta Puntland ee PDRC .

 

Waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayay aqoon is waydaarsigan doorka dhallinyaradu ka qaadan karto nabad galyada, nabad abuuridda iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada dhexdeeda.

 

Dhallinyaro kor u dhaafaysa 50 ayaa hoolka shirarka ee PDRC isugu yimid , waxayna isugu jiraan gabdho, iyo wiilal xubno ka ah ururada iyo dalladaha dhallinyarada ee ka jira Puntland.

 

Sida qudbaddii furitaanka ahaydba ku sheegay agaasimaha xarunta horumarinta iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC C/raxmaan Cabdulle Shuuke waxaa siminaarkan dulucdiisu tahay laba qodob oo midka koowaad yahay in dhallinyarada la xusuusiyo inay yihiin dad bulshada Puntland qayb muhiim ah,kaga jira, isla markaana door muhiim ah ka qaadan kara ammaanka, iyo amman dhalinta intaba, qodobka labaad ee ujeedada siminaarkan waxay ahayd in dhallinyarada Puntland oo aad u badan marka hore wakiilladooda iyo ururadoodu ay is bartaan , si kulamo kale iyo wada tashiyo kale ay u yeeshaan.

 

Shuuke wuxuu ka dhawaajiyay in markii ugu horaysay ay dhallinyarada u qabteen kulan aysan cidi ku wehelin, halka horay kulamo loogu qaban jiray odayaasha , isimimada iyo haweenka .

 

Agaasimaha xarunta PDRC wuxuu sheegay in maadaama xaruntoodu qaabilsan tahay ammaanka, ay doorbideen, ammaanka iyo muhiimaddiisa la fahansiiso dhallinyarada.

 

Wuxuu intaasi raaciyay in qodobbada casharadooda iyo doodohooda kamid noqon doona ay ku jiri doonto sida dhallinyaradu u dhiiri galin karto ammaanka, si ay usii wataan waxbarashadooda iyo horumarka mustaqbalkooda.

 

Aqoon is waydaarsigan oo socon doona muddo laba casho ah waxay dhallinyaradu yeelan doonaan dood cilmiyeedyo, kulamo gaar gaar ah oo ay isku baranayaan, dood hawleedyo kusaabsan ammaanka.

 

Dhallinyaradan ayaa la filayaa marka ay casharadan dhammaystaan , dibna ugu noqdaan halka ay ka kala yimaadeen inay dhallinyarada gobolladooda ay ku dhiiri galiyaan muhiimadda nabadda iyo dhowrista nabadda.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

Some of the pictures taken:

 

normal_Muuqaalka_guud_ee_Siminaarka.jpg

 

Girl on the left is my future 'wife' inshallah, that is if she's still available ofcourse!

normal_Gabdhaha_ka_qayb_galayay_aqoon_is

 

normal_dhallinyarada_PL.jpg

 

normal_Agaasimaha_PDRC.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Putting up pictures of girls and drooling over them now passes for politically worthy posts, is that it?

 

To say this place is facing decay of standards is to be generous.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this