Sign in to follow this  
Thierry.

President Sh Ahmed holds meeting with former Cabinet Ministers and City leaders: Spir

Recommended Posts

Thierry.   

sheikhSharif070209.jpg

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo shir looga hadlayo Ammaanka Dalka ku shir guddoomiyay Magaalada Muqdisho

 

Axad, February 08, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta wuxuu xarunta madaxtooyada ku shir guddoomiyay shir looga hadlayay Ammaanka Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa wuxuu la yeeshay madaxweynaha Wasiirro ka socday Xukuumaddii hore ee Soomaaliya, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo xubno ka socday Guddiyadii Ammaanka TFG-da iyo ARS, iyadoo shirkaasna warbixinno ku saabsan ammaanka dalka lagu siiyay madaxweynaha.

Afhayeenka Xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo shirkaas ka qeybgalay ayaa saxaafadda u sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay ugu muhiimsaneyd in ciidamo mideysan oo ammaanka suga si dhaqsi ah loo sameeyo.

 

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu Xarunta Villa Somalia ka wadaa kulamo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir, wuxuuna haatan shirar la leeyahay Culumaa’udiinka musaalixada iyo sixtaanka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha ******.

 

Wixii ka soo baxa kulamada dambe, halkan kala soco haddii Alle idmo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this