Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidanka Qardho oo xalay soo qab qabtay dad ay ka mid ahaayeen Jamaaco Tabliiq

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidanka magaalada Qardho oo xalay soo qab qabtay dad ay ka mid ahaayeen Jamaaco Tabliiq ah

 

Beerdhiga 21.05.2008 18:26

 

Xalay saqdii dhex ayay ciidamada amaanka ee magaalada Qardho waxa ay qab qabteen dhali yaro kala duwan oo qaar ka mid ahi ahaayeen jamaacada tabliiqa kuna sii jeeday magaalada Boosaaso halkaas oo uu ka dhacayo Ijtimaaca sanadlaha ah ee ka dhaca Masjid Addacwah.

 

Dadka ay xalay soo qab qabteen ciidamada ayaa kala ahaa labo qeybood oo qeyb ka mid ahi ahayd Jamaacada tabliiqa halka kuwa kalena ay ahaayeen dhalin yaro kasoo safartay gobolaada Koonfureed ee dalka kuna sii jeeday

 

Madaxa ciidamada magaalada Qardho oo lagu magacaabo Abshir Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay dadka ay xalay soo qab qabteen ciidamadu waxaanu sheegay in dadka ay ciidamadu ganacta ku soo dhigeen looga shikisanaa falal amaan daro in ay maleegayeen.

 

Sidoo kale waxa uu sarkaalkan sheegay in ay sii daayeen qaar ka mid ahaa dadkii ay ciidamadu soo qabteen oo uu ku sheegay in ay ahaayeen Jamaacada tabliiqa kuna sii jeeday magaalada Boosaso wuxuuna sheegay in baaritaanada ay ku sameyeen ay u sheegeen in ay u socdaan Ijitmaaca ka dhacaya Majiska Addacwah ee magaalada Boosaaso.

 

Dhinaca kale qaar dadkaas ka mid ayuu sarkaalkaasi sheegay in ay wali baaritaano ku wadaan isla markaana ay u sheegeen in ay ka lala yimaadeen gobolada koonfureed ee dalka isla markaana ay ku socdaan magaalada Boosaaso is ay uga shaqeysteen halka qaar kalena ay sheegeen in ay ka yimaadeen magaalada Gaalkayo ayna soo booqanayaan qaar ka mid ah eheladooda oo halkaa ku sugan.

 

Ilaa iyo hadda ma jiraan war dheeri ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamada waxaana sidoo kale socda dadaalo ay wadaan qaar ka mid ah wax garadka magaalada oo isku howlay inay ogaadaan xirnaanshaha dadkii ay xalay ciidamadu qabteen.

 

Ma cada ilaa iyo hadda wax ka dambeeyay dadkan ay xalay soo qab qabteen ciidamada amaanka ee magaalada qardho waxaana loo maleynayaa in ay ka qeyb tahay howlgalo amaanka lagu xoojinayo oo bilowgii bishan ka bilowday qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamada Puntland qab qabtaan dad looga shikiyo in ay abuurayaan falal amaan daro, waxaana magaalooyinka waa wayn sida Boosaaso Gaalkacyo iyo Garoowe ku soo badanayay falal ka dhan ah amaanka.

 

Dhinaca kale waxaa maalintii 9 ku xiran xabsi ku yaalada dekadda magaalada Boosaaso 5 nin oo ay ciidamada kooxda Ashahaado la dirirka ee P.I.S loo yaqaano ka qabteen Madaarka guud ee magaalada xiligaa oo ay ku soo wajahnaayeen magaalada ilaa iyo haddana ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka P.land oo ku aadan xirnaanshada 5-taas nin.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this