Sign in to follow this  
Jumatatu

The breaking up of Yeey and Geedi group of the TFG...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Labadi Xaqdaro ku heshiso xaqey ku dagalaan...!

All signs are showing the emergence of a rift between the President and the PM. Thought it is at its early stages but it is so fundemental that it could speed the complete disintegration of this TFG camp. The PM who was expected in London cancelled his trip and flew back to Nairobi inorder to make his vow to move the government to Jowhar and Baydhabo 28/5/05 come true.On the other hand the President in one of his interviews stated that it was pre-mature for the PM to make such announcement. It is believed that this undermining by the President has angered the PM and change his plans of meeting the President in London.

Anyway everything will be clear and come to horizon from Saturday onwards and see who is more bold the PM or the President. The PM has already this afternoon(Friday 27-05-05) reiterated his plans to move tommorow to Jowhar and Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Raiisal wasaare Geeddi oo sheegay cidii wasiir ah oo aan bari safrin in uu xilka ka qaadi doono

Ra´´iisal wasaare Geeddi oo wax yar ka hor soo gaaray magalada Nairobi ayaa sheegay wasiirkii bari qaadan waya amarkiisa in uu xilka ka qaadi doona asagoona sheegay in maalinta Bari ah ay safrayaan gar iyo gardaro xubno wasiiro ah kuwaas oo u kala baqooli doono Baydhabo iyo Jahwar.

 

 

Ra´´iisal wasaare Geeddi magalooyinka Baydhabo iyo Jowhar uu sheegayo in maalinta Bari ah ay adayaan wasiirada ayaan ka jirin wax qaban qabo ah oo loogu diyaar garoobayo xubnaha soo adayo magalooyinkaasi soo dhaweyntooda ,tasoo ka fajacisay xubanaha wasiiradaha oo markii hore xaga fikirka ah ka mideysnayey Geeddi hadalka micnadarada ah uu ku riyoonayo ayagoona caawa laga layahay in badan oo wasiiro ah hoteladii ay daganayeen sababo aan la macneynin .

 

Warar hoose oo laga helaya dhinaca Geeddi ayaa sheegaya in maalinta Bari ay u baqoolayaan magalada Jowhar oo kaliya Xubno wasiiro iyo xildhibaano ah oo u badan beelaha ****** ee ku siyasada ah kuwaas tiradooda gaari doono12 .

 

Isku soo duub hanjabaada Geeddi ayaan la heyn wax ka qabasho ah madaama uu yahay nin afrikaan ah howsha uu hayana ay tahay mid ku cusub uusan xamili karin asagoona lagu tilmaami karo in uusan warba u haynin waxii 15 sano qoriga looqatay e aheyd caburinta noocaas oo kale ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Maxamed Dheere: hadii dowladda imaanwayso bishaan Jowhar iyo Baydhabo tii Cabdi qaasim waa ka liidataa ,waxayna waayee taageeradda shacabka.

Hogaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb( Maxamed Dheere) oo khadka telefoonka wareeysi ku siiyay Waagacusub ayaa markii ugu horeeysay ka dhawaajiyay hadal ka duwan kii hore loogu yaqiin.

 

Maxamed dheere oo ka jawaabayay su'aal ahayd sidee u aragtaa dib u dhacyadda soo wajahayo dib u soo laabashadii xubnaha labada gole ee lagu waday inay yimaadaan Jowhar iyo Baydhabo?ayaa ku jawaabay ,anigu waxay ila tahay arrinkaasu ceeb ,waxaanse kuu sheegayaa madaxda dowladda waxay noo sheegeen inay soo guurayaan dhamaadka bishaan ,waana loo heelan yahay hadii ay imaan waayaan bishaan xubnaha labada gole Jowhar iyo baydhabo tii Cabdi qasim waa ka liidataa waxayna lumineeysaa kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed sababtoo ah waxa loo doortay maaheeyn inay dibadda iska joogaan oo Hotelo iska seexdaan ee waa inay hoowlahooda guda galaan ,Madaxweynaan noqohaa,Ra'isulwasaaraan noqohaa waana cabsahaa aduunkana yeeli maa Soomaalina yeeli mee,anigu waxaan qabaa inay dalka deg deg ku soo galaan hadeey rabaan inay waqtigooda ku dhameeystaan dibad joogna waxaan ogahay maaha shaqana kuma lahi.

 

Waxaa kale oo aan weeydiinay Maxamed Dheere hadii ay imaan waayaan oo balantii la qabtay ay ku soo guuri waayaan maxaa kuu qorshe ah?wuxuu yiri taas iyada maa dhib leh aniga gobolka aan ka taliyaan madax u ahay isagaan wadaa hoowshiisa awalba aniga dowlada wasiir iyo Xildhibaan midna kama ahayn.

 

Sidee u aragtaa hoowlaha nabadeeynta ee laga wado Muqdisho ayaan ugu dambeeyn waydiinay wuxuuna yiri:ma xumo liana xumo waxaase la rabaa inay noqdaan kuwa ay dhab ku tahay laakiin waxaan ogahay inay gorgortan siyaasadeed rag ka tahay ,hada waa ka soo horjeedaa siyaasad ahaan hadiise dowladda soo guuriwayso iyagana wax muuqda ka qabtaan xamar markaasaan ka hadlaa waxay ila gudboon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xuseen Ceydiid: Ciidamadda SNA kama soo horjeedaan hoowlaha nabadeeynta Muqdisho ,waxaanse ka qeeybgalkeena ku xirayaa hal sharuud

Ra'isulwasaare ku xigeenka XKFKMG ah Xuseen Maxamed Ceydiid oo ah Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya ayaan la yeelanay Wareeysi gaaban ,waxaana ugu horeeyn weeydiinay sidee kula tahay rajada laga qabi karo taabagalnimadda dowladda aad Wasiirka ka tahay?wuxuuna ku jawaabay'anigu hore waan u ogaa hadana iigama muuqato rajo wanaagsan sababtoo ah intii uu shirka socday waxaan ku talinay in qaab Isbaheysi wax loo qeeybsado waxaana la yiri ,waa in qabiil wax loo qeeybsadaa markaas ayaan Isbaheysigii SNA oo dhan aniga kaligeey ka soo galay baarlamaanka laakiin taas waxaaba ka sii daran Ragga madaxda dowladda nooga noqday oo aan waligood isfaham dhexmari doonin sababtoo ah Cabdilahi Yusuf wuxuu ahaa hogaamiye kooxeed Jabhad ah oo Puntland xoog ku maamulayay soona marin maamul dowladeed sidoo kale Ra'isulwasaare Geedi wuxuu ahaa Xeeldheere Caafimaadka Xoolaha oo NGO ku shaqeeysto,Gudoomiyaha baarlamaanka isagana waa ganacsade siyaasadda daaqadda ka soo galay oo aysan waxba uga biloowneeyn marka Ragaas maxay soo kordhin karaan jawaabtu waa isfaham waa,waxaana shacabka u sheegayaa in dowladaan shanta sano ku dhameeysaneeyso dib u heshiisiin is jiid jiid oo qura.

 

Sidee u aragtaa hoowlaha lagu xareeynayo Maleeshiyaadka ee nabadeeynta Muqisho?wuxuuna kaga jawaabay,aniga waxaan u arkaa mid Riwaayad ah oo waxaan aqaan dunta ragga horboodayo oo hada isu kaashaday la dagaalanka Cabdilahi Yusuf laakiin beri marka ay ka adkaadaan hadana iyaga isku soo laabanayo oo is cunaya,waana rag ku caanbaxay wax qabad la'aan ,ninba nin ayuu hoosta ka cunayaa,hada marka aan ookiyaalaha araga dheer ku eegay waxaa ugu daacadsan Muuse Suudi inta kale waxbaa u qarsoon,anigana waxaa oo dhan siyaasad ahaan waan ka soo horjeeday,waxaa cadaadis weyn I saaray taageerayaasheeyda dal iyo dibad la taliyaasheeydana waxay igula taliyeen inaan taageero laakiin waxaan ku xirayaa hal sharuud taas oo ah in qof waliba loo madaxbanaaneeyo hoowlaha Wasaaradiisa tusaale ahaan Dhismaha gobolka anigoow I hoos yimaadaa cid kalana xaq uma lahan marka waa inay saxiixaan heshiiska nuucaas ah hadii taas dhacdo waxqabad muuqdana keenaan waxaan noqon doonaa Mas'uulka ugu dambeeyo ee Ciidamadiisa geeynaya xeryaha ,inta ka horeeysana hal xabad kuma ridi doono ,waligeeyna waxaan ka shaqeeynayay nabada.

 

Waxaan kale oo aan weeydiinay sidee u aragtaa Ciidamo shisheeye in la geeyo dalka gaar ahaan kuwa ka socdo safka hore ee loogu magacdaray deg dega?wuxuu yiri Xuseen Ceydiid aniga kuwa ogol iyo kuwa diidanba saaxiib ayaan la ahay mid waliba sida uu jecel yahay ayaan la jeclahay laakiin siyaasad ahaan waxaan waligeey qabay inaysan Somaliya ka qeeybgalin hubka dhigis laga sameeyo dowladahii ka qeeybqaatay kala taageerida garabyadda isku haya Somaliya,sida Itoobiya,Kenya,Jabuuti,Ereteriya,Uganda,Sudan,Masar,Liibiya,Italia,Ingiriiska,Mareykanka,sidaasna aduunka waa ugu sheegay balse waxaanba kuu sheegayaa Ciidamadda la sheegayaa in Soomaaliya la geeynayaa suurtagal maaha waxay qaadan doonaan sedex sanadood waxaana ka horeeyso Golaha amaanka ma aqoonsan doonaan marka hore,waxaa kale oo meesha taal arrin weyn oo u dhaxeeyso Puntland iyo Somaliland oo Puntland waxay ka soo horjeedaa in hubka dhigis lagu sameeyo………la soco qeeybta dambe wareeysigga oo uu Xuseen Ceydiid ku shaaciyay warbixin sir ah ……..

 

Waagacusub News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Ra'isulwasaare Geedi: Madaxweynaha ma lahan awood uu ku iclaamsho xilliga la guurayo ,aniga ayaa madaxa sharci fulinta 'ninka la yiraa yusuf bari barina ma aqaan meel lagu magacaabay iyo cida uu u hadlo.

Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi oo ku soo laabtay Magaaladda Nairobi ayaa isla markiiba la hadlay qaar ka tirsan xubnaha labada gole ee siyaasadiisa taageersan.

 

Cali Maxamed Geedi oo khudbad dheer u jeediyay Mas'uuliyiin gaaraya 52 ayaa si rasmi ah u ridiyay hadalkii uu BBC da siiyay Madaxweyne Cabdilahi Yusuf iyo mid kale oo "Afhayeen"bari bari siiyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

 

Ra'isulwasaare Geedi waxaa uu yiri Madaxweyne Cabdilahi yusuf malahan awood uu ku iclaamiyo xilligga la guurayo aniga ayaana ah madaxa hay'ada sharci fulinta sidaas darteed balanta waxay ku egtahay xilligga aan qabtay ee 28-ka bisha Wasiirkii aan u hogaansamina wuxuu ku weeynayaa xilkiisa ,waana inay raacaan diyaaradda ayuu yiri isagoo intaa sii raaciyay hadeey hada baydhabo tahay goob amaankeeda xun yahay waxaan tagi doonaa Jowhar ,wafdigii Xuseen Ceydiid madaxda u ahaana waa inay tagaan xamar oo aan iska meeyrnaa magaca dowlad dibad joog ah .

 

Ra'isulwasaare Geedi waxaa uu si ba'an u weeraray Yusuf bari bari waxaa uuna sheegay in mudadii uu socdaalka ku marayay Paris iyo Roma uu arkay wareeysi uu siiyay wakaaladaha qaar kuwaas oo uu ku sheegay in 28-ka bisha June guureeyso dowladda .

 

Cali Geedi wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuusan aqoon Yusuf bari bari cida uu u hadlo iyo halka lagu magacaabay marka laga reebo inuu yahay qaraabadda Madaxweyne Cabdilahi Yusuf sidaas darteedna ay nasiib daro tahay inuu beeniyo war uu isaga maalin cad sheegay ,sidaad ogtahiinba inta aanan ka bixin Nairobi ayaan xubnahina labada gole idinkuugu waramay qada sharaftii Safaripark waxaana idiin sheegay in la guurayo 28-ka bishaan marka waa la yaab in hadalkaas keeyga ah laga dhigo mid waxba kama jiraan ah oo nin iska sheeganayo Afhayeen uu warbaahinta siiyo,waxaana xukumadu la gudboon inay arrimaha nuucaas ah go'aan ka gaarto sababtoo ah Mas'uuliyiintii aan la kulmay dhamaan waxay na weeydiiyeen dowladiina intee afhayeen ayay leedahay 28-ka may ayaad sheegtay 28 June ayuu "afhayeen" bari bari sheegay .

 

Cali Maxamed Geedi wuxuu si cad shaaca uga qaaday in saakay ay bilaaban doonto dib u guurista xubnaha dowladda sidaas darteedna loo baahan yahay in dhamaan ay is liis gareeyaan isagoo ku hanjabay in cidii ka hortimaad uu xilka kaqaadi doono amar diidmo iyo hoowlgudasho la'aan.

 

Hadalkaan Geedi ayaa ku soo aaday xilli la isla dhexmarayo inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isagga iyo Madaxweyne Yusuf

 

Waagacusub News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this