Sign in to follow this  
General Duke

Warbixin: Daahir Riyaale oo Kacdoon Gudaha ahi

Recommended Posts

Warbixin: Daahir Riyaale oo Kacdoon Gudaha ahi kubilaabmay

ASW, Bacda Salaan

 

Waxaa dhibaato xoogleh ay soo foodsaartay oo xagga Siyaasadda Arrimaha Gudaha Madaxwaynaha Somaliland , Madaxwayne Daahir Riyaale kaahin, arrinkan oo ay kadanbaysay arrimo xasaasi ah oo soo ifbaxay muddo dhaw, kadib markii dad soomaliyeed laga qafaalay Magaloyinka Hargaysa, Ber-Bera, Iyo Boorama , dadkaas oo ka kala yimid Gudaha somaliya iyo Itoobiya Iyo

jabuuti, aya waxay hadda isu badashay in qafaalka ka dhacay Magaaloyinkaas kore mid la mid ah oo ay ku dhan yihiin dhamman waxkastaa oo aan u wanagsanayn Somalinimada ay hadda ka socdaan Magaloyinka Muqdisho, Barawe, Marka, Beledwayne, Diridhaba oo itoobiya ah,Jig-jiga iyo waliba Kismaayo.

 

Arrinkan waxa la bilaabay muddo hadda laga joogo Bil, waxa Magalada Muqdisho lagu afduubay dad u dhashay Somaliland, gaar ahaan Beesha Reer Shiikh Isxaaq, dadkan la afduubay waxaa dabaaq looga dhigay qafaalkii foosha xumaa ee ka dhacay Somaliland gudaheeda.

 

Baabuur Ganacsi ah oo laga lahaa Hargaysa oo tiradoodu ay gaarayso 40 Gaari ayaa lagula wareegay Gudaha Itoobiya xadka Somaliland, baabuurtaas oo ay qafaasheen dadka ku abtirsadaa Jamhadda ONLF oo rag badan oo ka tirsan jabhaddaas iyo beel ahaan BEESHA ****** ayaa qafaashay Gaadiidkaas, ka dib markii Guddomiya Ururka ONLF oo fadhigiisu yahay Magalad London, uu iclaamiyay in lala jihaado Somaliland , madama ay Cadowga somaliya ee Itoobiya ay gacanta u gasheen dad somali ah.

 

Haddaba , iyada oo ay taasi dhacday ayaa markii ay ahayd Taarikhdu 13-01-2004 waxa magalada Burco, ee Gobolka Togdheer ka dhacay shirar kala duwan oo ay soo agaasimeen dhamaan wax garadka , ganacsatada iyo siyaasiinta qaarkood , waxa looga dooday shirkaas in lagu gorfeeyo arrimaha xasaasiga ah ee taagan, tasoo ay isla soo qaadeen waxgaradkaasi in loo bahan yahay in la furfuro siyaasadda somaliland, oo aan laga godoomi karin somali inteeda kale, taasi waxay keentay in Xuduudkii Itoobiya ee Somaliland iyo midkii Puntland uu xirmay, halkaasna waxa ku baaba'ay dhaman isu

socodkii nololmaalmeedka Iyo ganacsi oo idil, tasookeentay gadood fara badan oo gudaha somaliand hadda ka jira.

 

waxkasta waxa ka darran qafaalka dadka oo lagu sheeganayo Lacag fara badan in lagu leeyahay dadkaas oo reer somaliland ah.

 

Idaacadda BBC'da qaybteeda Af-ka somaliga ah ayaa waxay waraysi ka qaadday Nin Ganacsade ah oo Reer Somaliland ah, oo laga waraystay magalada Hargaysa, Ninkasi waxa uu si aad ah ugu ridiyay Go'aanka Dowladda Somaliland, isaga oo xusay in Reer Somaliland aysan ka maarmi karin somali, waxa kale oo uu xusay in Mdaxwayna yashii hore ee soo maray somaliland,

Allaha U naxariistee Cigaal iyo C/raxman Tuur inay lahayeen qaab siyaasadeed oo ay ku hagi jiren dadka reer somaliland, xiriir wanagsanna ay lalahaayeen dhaman Umadda somaliyeed, Nolosha dadka ayaa hadda xanibantay ayuu yiri ninkasi, oo markii danbe xabsiga lala begsaday.

 

Xabsigii la dhigay ganacsadahaas ayaa waxa uu keenay in weerar gaystay dhimasho lala beegsado Taliyihii Ciidanka Poliska ee somaliland oo hadda moottan muddo 25casho ah.

 

kacdoonka dadka iyo qaybaha bulshada, ganacsatada iyo waliba ciidamada qaarkood ayaa maalinba maalinta ka danbaysa isa sootaraysa, iyadoo laba jeer Ciidanka somaliland lagu soo abaabulay inay weeraraan Puntland ayaa hadda ciidamada sarakiisha wadataa waxay ka gadoodeen sida la sheegay in la fashiliyay awooddooda ciidan oo markastaa inta la'abaabulo haddana dib

loosoo ceshay tasoo hadda ay ugu wayntahay in ciidamadu aysan ku niyadsamen qaabka loo maalmulayo hogaankooda,

 

Midda xigtaa waxa shaki wayn kala galay sarakisha ciidamada gudahooda, ka dib markii ay soo ifbaxeen in Beelaha ciidamada *****ga ahi oo ku jira dhinaca somaliland looga shakiyay in dagalka lala beegsanyo Puntland aysan daacad ka'ahayn, iyadoo deganka labada aag ay deggan yihiin dad reer Puntland ah, tasoo baa layiri Ciidamada laga soo abaabulay hargaysa iyo

boorama ay shaki ka muujiyeen arrinkaasi, oo ay soo jeediyeen in sarakiisha *****ga ah oo kamid ah mamulka Somaliland laga saaro dagaalka oo hargaysa lagu xanimo, markale ayay taasi muujisay ciidamada u dhashay *****ga ee kujira somaliland ay ka gadoodeen oo hadda ay joogaan Yagoori, halka kuwa laga soo ababaulay Hargaysa, saylac iyo Boorama ay iyaguna isku aruursadeen meesha looyaqaanno OOG.

 

Wixii aqbaar ah ee kasoo kordha waannu soo gudbin doonaa insha allahu.

 

Mahadsanidin

 

Maxamed Yare

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this