Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Anti ICU sentiments is on the rise

Recommended Posts

Sheekh kusheegay in ICU ay badaleen uun Jabhadihii ka jiray Somalia

 

Ganacsatada dhoofisa Dhuxusha ayaa codsatay in loo kordhiyo xilligii loo qabtay in la joojiyo dhoofinta sharci darada ah ee Dhuxusha.

 

Ganacsatada ayaa bilooyinkan dambe waxay maraakiib ugu rarayeen dhuxusha si caqli ka bax oo u qalma kumanaan sano inaysan dooneyn in ay dhoofiyaan dhuxul dambe.

 

Dekadaha Ceelmacaan iyo Baraawe ayaa ah kuwa ugu daran ee laga dhoofiyo dhuxusha waxaana gacanta ku haya Midowga Maxkamadaha Islaamka.

 

Dhoofinta dhuxusha oo la mamnuucay ayaa waxaa ka harsan maalmo yar waxayna codsadeen in loo kordhiyo mudadda waayo ayey yiraahdeen waxaa nalagu lee yahay kharashaad fara badan oo ay hormaris u qaateen.

 

Ganacsade dhoofsada dhuxusha ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Maxkamadaha Islaamka balse daneenayaan in la tixgeliyo codsigooda.

 

Deegaanada Sh/Hoose iyo dhexe ayaa waxa la xaalufiyay daaqii iyo dhirtii oo ay kooxaha ka ganacsada dhuxusha ka doorbideen xoogaa lacag ah.

 

Dhirmiroodka ayaa waxaa kaloo baabi'iyay ganacsato ka iibisa kuwa sameeya Alaabta Jiifka guryaha iyo xafiisyada, waxaana la gubaa dhamaan dhirta si aan kala sooc laheyn kadibna ay kala baxaan qeybtii ay daneenayaan.

 

Qiimihii kala iibsiga dhuxusha ayaa arrintan waxay ku keentay sicir barar kaasoo qiimihiisa kor u kacay uu dhibaato ku yahay shacabka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

 

 

Ahmad Dahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Khamiis ,Nov 16, 2006

 

Banaanbaxyo aad u balaaran oo rabshado wato oo ay dhigayaan qaar ka mid ah dadka ka ganacsada qaadka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

November -16-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Banaanbaxyo aad u balaaran oo rabshado wato oo ay dhigayaan qaar ka mid ah dadka ka ganacsada qaadka ayaa ka socoanaya Baar Ubax iyo Black sea ee magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxan ayaa maanta lagu gubay Taayaro badan iyadoo Haween badan oo isugu jira kuwa Qaadka u soo daga iyo kuwa ka ganacsada ay banaanbaxaas sameenayaan.

 

Dadweyne aad u badan oo isugu jira Rag iyo Haween qaarkoodana Qaadka cuna iyo kuwa ka iibsada Qadka iyo Carrurta darbi jiifka ah ee garaabooyinka ama jaadka la naco aruuriyo ayaa dhamaantood isugu soo baxay goobta.

 

Ciidamada maxaakiimta islaamka oo goobta yimiad ayaa xabado ku kala eryey dadkii isugu soo baxay iyadoo xabadaha markii kor loo rido ay kala cararayaan haddana dib ugu soo labanayaan wadooyinka iyagoo si xad dhaaf ah taayrada u gubay.

 

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay Qaad laga keenay magaalada Hargeysa kana yimid dalka Itoobiya ay maxkamadaha sheegeen in Itoobiya lacag Soomaali ay leedahay ay u gudubto ayey ganacsatada isku dayeen inay shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha ee Muqdisho ay si rakaab ahaan u soo saarteen kaddib markii Kartoomo ku soo baceeyeen balse ilaa iyo hadda ay sheegeen in Jaad ay leeyihiin dadkaas oo badan uu ilaa iyo imminka ku xayiran yahay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

 

Mid ka mid ah Haweenka qaadka iibiya ayaa sheegtay inay banaanbaxan ay u sameenayaan in Qadkii maanta u yimid laga xanibay.

 

Dhinaca kale, Haweenka ka ganacsada Qaadka ayaa cabasho ka muujiyey gubista loo geysanaya qaadka xilli nolol maalmeed badan ay ka helaan dad badan oo ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Magaalada Muqdisho oo caawa bandow lagu soo rogay laga bilaabo 09-ka Fiidnimo ilaa waaga uu ka baryayo.

 

November -16-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Golaha maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay galabta inay Bandow tahay magaalada Muqdisho laga bilaabo 09-ka Fiidnimo ee caawa ilaa waaga uu ka baryayo.

 

Golaha maxaakiimta Islaamka ayaa galabta sheegay inay bandow tahay magaalada Muqdsho habeenkii laga bilaabo 09-ka fiidnimo ilaa waaga uu ka baryayo taasna waxa ay ka dambeysay kaddib markii maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wato oo ay sameeyeen qaar ka mid ah ganacsatada Qaadka iyo dhalinyarada ka howlgala goobaha Qaadka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxa ammaanka gobolka Banaadir C/laahi Macalin “Abuu-Quteyba” oo bandowgaas ku dhawaaqay galabta ayaa sheegay in Sagaalka Fiidnimo ilaa waaga uu ka baryayo wixii ka dambeeya ciddii lagu arko iyadoo socota ama banaanka taagan ay tahay dambiile.

 

Madaxa ammaanka gobolka Banaadir waxa kale oo uu shegay in saldhigyada ciidamada maxaakiimta Islaamka lagu wargaliyey inay howlgalaan islamarkaana ay soo qabtaan cid kasta oo jabisay amarka Bandowga, waxa uuna intaa raaciyey in Bandowga uu socon doono ilaa inta ay shaqaaqooyinka ay istaagayaan xaaladda nabadgalyana ay dib u soo noqoneyso islamarkaana ay joogsadaan rabshadaha ay sameenayaan dadka qaarkii gaar ahaan ganacsatada Qaadka.

 

Maxaakiimta Islaamka ayaa sidoo kale sheegay in dadka u shaqeeya Hey’adaha iyo shaqaalaha habeenkii shaqeeya looga baahan yahay inay soo qaataan aqoonsiyo muujinaya goobaha ay ka howlgalaan.

 

Waa markii ugu horeysay muddo 16 sanno ah oo xaalad bandow ah lagu soo rogo magaalada Muqdisho iyadoo ay ugu dambeysay Bandow xilligii dowladdii milatariga aheyd mana cadda sida uu Bandowgan uga dhaqan galayo magaalada Muqdisho oo in muddo ah marti u aheyd dagaalo sokeeye shaqaaqooyin iyo fowdo.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Banaanbaxyo dad ay ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

November -16-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Banaanbaxyo dad ay ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Isgosyada baar ubax Black sea iyo Albaraka ayaa maanta waxaa hareeyey banaanbax balaaran oo ay sameeyeen inta badan Haweenka iyo Ragga ka ganacsada qaadka iyo Carruurta garaabiistayaasha kuwaas oo noloshooda ay ku xiran tahay la shaqeynta Haweenka iibiya Qaadka oo ay ka raadsada nolol maalmeedkooda.

 

Banaanbaxyaasha ayaa sheegay in mamnuucida jaadka islamarkaana lagu gubay hantidooda ay tahay mid si aad ah ay ugu xun yihiin iyagoo sheegay inay tageero u ahaayeen golaha maxaakiimta balse imminka si aad ah uga xun yihiin.

 

Isgosyada ay maanta ka dhaceen banaanbaxyada ayaa ilaa iyo hadda inta la og yahay waxaa ku geeriyooday hal qof iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale.

 

Mid ka mid ah dadka maanta banaanbaxaas dhigayey oo HornAfrik wax ka weydiisay arrintan banaanbax ayaa sheegay inay banaanbaxa wadayaan, maxaakiimtana ay rasaas ugu jawaabeen maanta.

 

Sidoo kale, Haweenka iibiya Qaadka ayaa sheegay inay qaadka ka masruufan Carruur badan oo Aabahooda nooleen iyagoo sidoo kale xusay in Haweenka inta badan Qaadka iibiya ay yihiin kuwa ay ku kaliftay daruufta waxa ayna sheegeen in imminka aaney heynin wax shaqo ah marka laga reebo Jaadkii laga joojiyey iyagoo xusay in golaha maxaakiimta Islaamka ay u sameeyaan mashruuc ay ku howlgalaan si noloshooda ay uga soo saartaan.

 

Haweenka ka ganacsada Qaadka ayaa sheegay in hanti badan oo jaadka uga jirtay looga gubay iyagoo ka xumaaday in marka hore loo baahnaa in lagu wargaliyo si ay uga digtoonaadaan balse ay xuseen in Qaadkii shalay laga gubay uu ka yimid dalka Itoobiya kaas oo cadowtinimo kala dhaxeyso dalka Soomaaliya islamarkaana ay dowr bideen inay dalka Kenya ka keensadaan kuwaas oo soo marsiinaya diyaaradaha ka shaqeeya Muqdisho iyo Kenya balse ay sheegeen in golaha maxaakiimta markii ay dareemeen in waxa la sido uu yahay Qaad ay u diideen inay kala soo baxaan garoonka Muqdisho taas oo markii dambana la gubay.

 

Hantidaas ayey sheegeen in golaha maxaakiimta looga baahan yahay inay gartaan inay leeyihiin shaqsiyaad loona baahan yahay in aan hantida qofeed lagu ciyaarin.

 

Banaanbaxan maanta laga sameeyey magaalada Muqdisho ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee ka dhaca goobaha ay ka taliyaan golaha maxaakiimta iyadoo banaanbax midkan la mid ah hore looga sameeyey magaalada Kismaayo kaddib markii lagu soo rogay xayiraada Qaadka

 

 

Don't do as I do, do as you please

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

^^ Are you implaying that the majority of people in Muqdisho consume this nacotic substance (qaad), that ICU will loose popularity and suppor if they erdicate qaad? Uni wal aragni, cajiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bakar Bakar baabuurka ii jooji

cajalada wadaadka mucaardka ah ma dhagaysatay. hadii aadan dhagaysana soo dhagayso oo markaasna wax lee sheeg. waxaan ku dhahayaa first move, second move and so on. ........ ha u maleenin in ay meeshaas cayaartii ku dhamaatay walaakiis. cayaari waa galinka danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Originally posted by Kamalu Diin:

.... ha u maleenin in ay meeshaas cayaartii ku dhamaatay walaakiis. cayaari waa galinka danbe

KD, cayaaraha gobolada maad umalaysay in meesha lagu haayo? Widaay cayaar mar hori dhamaati! Sheekada waa fad ama hafadin, waa lagu fadsiina. Abaaba, bring your surfboard, or get smashed into to the rocks of geel laq. If you are from Xamar and used to swim, you would know geel laq and mool dooro. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bakar how old are you?

Where did you born?

Did you participate M...ry....n uprising?

What is your acheivements?

and hopes and dreams?

Have been raised with xalaan or xaaraan?

Have you even seen clean people?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

They allow the burning of trees and the exporting of charcoal because the clan courts themselves ran those businesses. Very soon it will be these same clan courts that will be importing and distributing khat to the somali masses.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They got the gun, and they have support of taliban, and the likes. The are no other powers In Mogadishu. I realy believe they don't have respect for themselves and forget about the other and the world. Druglords

Share this post


Link to post
Share on other sites
hayow   

^^^ ICU are the only people in somalia that call to the sharia and allah bless them for it

 

Allah is with the people that call to his sharia not the secular dogs that run puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Originally posted by Kamalu Diin:

Bakar how old are you?

Where did you born?

Did you participate M...ry....n uprising?

What is your acheivements?

and hopes and dreams?

Have been raised with xalaan or xaaraan?

Have you even seen clean people?

Jawaab:

 

1- Old enough to be like your father. Hence address me Adeer!

 

2- Boondher, Xamar

 

3- Going back to Xamar and take the title Abuu (Abuu Bakar)and become gudoomiyaha boondheere is my dream :D

 

4- Xalaal

 

5- Yes, the person that is sitting next to me doesn’t have a bad smell, so I guess he/she is clean.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawaab:

 

1- Old enough to be like your father. Hence address me Adeer!

 

2- Boondher, Xamar

 

3- Going back to Xamar and take the title Abuu (Abuu Bakar)and become gudoomiyaha boondheere is my dream
:D

 

4- Xalaal

 

5- Yes, the person that is sitting next to me doesn’t have a bad smell, so I guess he/she is clean. [/QB]

you only ansered little bit more then I expected, but there are more to go. Please answer the remaining questions, otherwise !!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banabax balaaran oo looga soo horjeedo golaha Maxaakimta Somaliyeed ayaa kadhacay koonfurta magaalada Galkacyo

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Axad,Nav 19,2006

 

 

 

Baanabaxaasi ayaa waxaa iskugu soo baxay kubanaan qof oo kasoo horjeday maxakamadaha dadkaas ayaa waxa ay kudhawaaqayeen arayo kadhan ah dooni mayno iyo waxaay rabaan in ay dhulkeena xoog ku qabsadan banana baxaas oo kufiday waqooyiga magaalada Galkacyo ayaa maantay magaalada waxa ay aheed magaalo xamaasadi ay kamuuqatay banaabaxaas ayaa waxaa lagu canbaareyay maxakamadaha oo sida gardarada ah ay oogu soo duleen gobolada ay kataliyaan Dowlada Goboleedka Galmudug Steta iyo gobolka Hobyo iyo meello kale oo ay kataliyaan Gakmudug

 

 

Sidoo kale shir ay iskugu yimaadeen 4 galabnimo ee maantay ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan madaxda maamulka Galmudug Steta iyo nabadoonada,Culuma udiinka, dhalin yarada ,Haweenka iyo mas uuliyiin kale , ayaa waxaa lagu qabtay guriga Col Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid shirkaas waxaa loogu hadlay xaalada colaadeed oo ay maxakamaduhu ay kuqabsadeen gobolada iyo degmooyin ka mid ah dhulka ay kataliyaan Galmudug State waxayna kageysteen barakac iyo xasuuq Waxaa la isku shegay in galkacyo dhexdeeda maxakamadaha ay kawadaan abaabul colaadeed.

 

 

Sidoo kale waxaa la isla gartay in lala dagaalamo dal iyo dibadba cadowga weerarka ku ah Maamulka Galmudug State .

 

 

Xasan Yare

GalMudug State

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha oo shaaciyey in dhaqaalaha ka soo gala Gidida diyaaradaha iyo Dekadda weyn aysan ka badneeyn ciidamadooda

 

Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa sheegay in lacagaha ka soo gala Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekeda weyn ee Muqdisho aanu ka badneyn Ciidamada Maxkamadaha islaamka Soomaaliya ee ku kala sugan Gobolada Dalka.

 

Xoghayaha Maaliyada Maxkamadaha C/qaadir Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay in Wixii qarasha ah ee Maxkamadaha ka soo gala Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha uu yahay mid aanan ka badneyn Ciidamada Maxkamadaha.

 

"Lacgaha Dekeda iyo garoonka ka yimaada, waa wax aan ka badneyn Ciidamada Maxaakiimta ee jooga Agagga Dagaalka, sida Jubooyinka, Gobolada Dhexe iyo goobo kale"ayuu yiri.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan kuwa kale oo aan xitaa Mushaar qaadan, kuwaasoo oo uu sheegay in Alle dartiis ay u shaqeyaan.

 

Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay isku koobeen Dhaqaalaha ka soo gala Garoonka iyo Dekeda, kuwaasoo ah Ilaha dhaqaale ee ugu weyn soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah ay ku isticmaalaan Hantida qaranka Soomaaliyeed, oo ay dantooda oo kaliya ku fushadaan.

 

Arrintaas ayaa hadaba keentay in ay Maxkamadaha ay jawaab waafi ah ka bixiyaan, iyagoo iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay Maxkamadaha Islaamigu.

 

waxaa soo diyariyey

C/asiis Xasan Maxamed (GOLF

 

Ceelbuur Net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this