Sign in to follow this  
SOO MAAL

Waxaan noqonayaa sidii Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Md. Aadan Cadde

Recommended Posts

SOO MAAL   

MAXAMED CABDI XAASHI: “Waxaan noqonayaa sidii Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Md. Aadan Cadde oo siyaasadda waan ka nasan doonaaâ€

 

Kaddib markii uu sabtidii ku guuleystay jagada Madaxweynimada maamul goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xersi ayaa Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Maxamed cabdi xaashi waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeyay maalintii lagaga guuleystay tartankaasi uu noqon doono siyaasi rug cadaa ah oo la mid ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Md. Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

 

“Waxaan idiin sheegayaa in maanta wixii ka dambeeya aan la I dhihi doonin Maxamed Cabdi ayaa wax qasaya, waxaan uun igu ogtihiin in aan idinka gacan siiyo wixii aad qabsan weysaan oo idinku cuslaada†ayuu yiri Maxamed cabdi xaashi oo shalay khudbad ka jeediyay xafladii uu xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub Jen. Cadde Muuse, “Waxaan noqonayaa sidii uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee soomaaliya Md. Aadan Cadde oo siyaasadda waan ka nasan doonaa, sida aad ii arki jirteena wax baan ka bedeli doonaa oo xitaa ilaaladeyda waan iska reebi doonaa, si aan kaligey ugu lugeeyo xaafadaha dhexdooda†ayuu sii daba dhigay hadalkiisa Maxamed Cabdi Xaashi oo markii uu hadalkaasi yiri ay si weyn ugu sacbiyeen dadkii ka qeybgalay xafladaas xil wareejinta ahayd, waxaanaahlkaaslagusoo bandhigay sugaan ka hadleysa midnimada iyo nabada kuwaasoo marka qaarkood lagu soo dhexdaraayay magacyada xaashi iyop cadde waxaa jira siyaasiyiin ka tirsan kuwa butland oo aan ku wel soo if-baxin kuwaasoo aan ku qanacsaneeyn doorashada jagada madaxweeynenimada loo doortay jen.cadde balse jen.cadde muuse ayaa dhowaan laga sugayaa in uu soo dhiso gole xukumadeed maadama xukuumadii horew uu waqtigeedii dhammaaday.

 

Doorashada Jen. Cadde Muuse ayaanay weli ka hadlin maamulka Somaliland oo ah maamulka ay is-hayaan kan Puntland, waxaase magaalada Hargeysa laga dareemayaa in lagu faraxsan yahay doorashadiisa maadaama uu Jananku muddo dhowr bilood ah uu si magangelyo ah u joogay meelo ka mid ah gobollada uu maamulka Somaliland ka taliyo.

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka mid ah hoggaamiye dhaqameedyada aan aaminsaneyn gooni isu taagga Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka sheegay inuu aaminsan yahay in Jen. Cadde Muuse uu xal u heli doono muranka iyo colaada u dhaxeysa labada maamul, isagoo waliba xusay in ay raadin doonaan cid kala xiriiraan Jen. Cadde Muuse, si ay uga wadahadlaan nabad ka dhex dhalata dadka walaalaha ah ee isku haya gobolka Sool.

 

Sidoo kalena Saxaafadda magaalada Hargeysa ayaa maalmahan dambe aad u hadal heysa doorashada Jen. Cadde Muuse, iyadoo ay ka qoreen Wargeysyada faallooyin iyo aragtiyo ay dadweynaha ka ururiyeen, kuwaasoo ay kaga hadleen aqoonta ay u leeyihiin Jan. Cadde Muuse, waxaana fallooyinkaas lagu xusay hadal uu horay u yiri Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Md. Ismaaciil Aadan Cusmaan oo ahaa in Jen. Cadde Muuse uu yahay nin ka abaal dhacay Somaliland oo faafiyay sirta maamulka Somaliland uu ku qarsaday intii uu Jen. Cadde martida u ahaa Somaliland.

 

Somaliweyn Information Center

Magadisho /Somalia

 

 

Do so-called Somali politicians retire?

Is Mr Haasha the first one to retire since civil war began?

It seems good idea

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

loooool

 

they all say that when get run out of town.

 

expect someone to get off at hargeisa airport pretty soon :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this