Sign in to follow this  
Xoogsade

Alshabaab Oo XararDheere Dadka Deggan Kaga Digay Burcad Badeednimo

Recommended Posts

Xoogsade   

Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Saaka La Hadley Dadka Ku Dhaqan Xarardheere.

Beerdhiga 18.05.2008 17:20

 

Xoogag ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo gaarey deegaanka Xarar Dheere ee Gobolka Mudug ayaa dadweynaha deegaanka saaka meel fagaare ah uga khudbeeyey,waxa ayna kala Hadleen arimo ku saabsan amaanka deegaanka.

 

Xoogaga Mujaahidiinta al-shabaab ee saaka Xaradheere dadka deeganka ugu khudbeeyay, ee xaley halkaa gaarey iyaga oo wata gaadiid aan aheyn kan dagaalka, ayaa dadka deegaanka u sheegay in ay muhiim tahey in amaanka guud ee deegankaas kala qeyb taataan sidii loo hor marin lahaa,.

 

Waxa ay sidoo kale Xoogaga Mujaahidiintu dadka u sheegeen in ay sidoo kale muhiin tahey in kooxa burcad badeeda ah laga hor tago, iyaga oo hanjabaad kulul u jeediyey kooxahaas uguna baaqey in ay ka waantoobaan howlaha ay ku guda jiraan.

 

Kooxaha burcad badeeda, ayaa Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab waxa ay ku eedeyeen in qeyb Muhiim ah ka qaateen sicir bararka baahsan ee ka taagan wadanka, iyaga oo bay yiraahdeen xanibey in badan oo ka mid ah badeecadihii imaan lahaa wadanka cabsi ay iyaga ka qabaan.

 

Dhanka waxa ay dadka deegaanka ugu baaqeen in ay joojiyaan taageerada dhinac walba leh ee ay u fidiyaan kooxahaas, iyaga oo ugu baaqey haddii arimahaas ayna joojin in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid walba oo xariir la leh kooxahah bur cad badeeda.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this