Sign in to follow this  
RedSea

Silaanyo takes a giant leap.

Recommended Posts

Liibaan   

Cowke adaa kadaran, ka qabyaalad badan

 

If you copy Cowke, and post'ana waa ikan' threads, it is your choice

 

 

Waxba haa calaacalin marka runta laguu sheeqa

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

 

 

Guddoomiye-Siilaanyo-251x300.jpg

 

“Walaalayaal waxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.

 

Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.

 

Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.

 

Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.

 

Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.

 

Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan, haddaynu nahay reer Kulmiye ee
Somaliland oo dhan baa guulaysatay
, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:

 

* Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.

* Waxaa guulaystay
Balli Gubadle
, Xaruntii Halganka.

 

* Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland.
Berbera
,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.

 

* Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee
Burco.

 

* Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay.
Boorame
ayaa guulaysatay.

 

* Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka.
Ceerigaabo
ayaa guulaysatay.

 

* Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah.
Oodweyne
ayaa guulaysatay.

 

* Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada.
Gabiley
baa guulaysatay.

 

* Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee
Laascaanood
.

 

* Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha.
Saylac
baa guulaysatay.

 

* Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa
Hargeysa
mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.

 

* Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.

 

* Waxa guulaysaty nabaddii .

 

* Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.

 

* Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.

 

* Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.

 

* Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.

 

* Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.

 

* Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye.

 

* Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.

 

* Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.

 

* Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.

 

* Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto.

 

* Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.

 

Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.

 

Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.

 

Allaahu akbar.

 

Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.

 

Aamiin eebow.”

5star.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liban tell me what is wrong with this list

 

The members of the committee are:

 

Mr. Muse Bihi Abdi, Chairman – Kulmiye party

Mrs. Edna Adan Ismail, Vice-Chairwoman – former Foreign minister and Edna Adan Hospital president

Pro. Hussein Bulhan, Chancellor of University of Hargeisa

Dr. Mohammed Saed Gees former Foreign minister (from Eastern Sanaag)

Dr. Mohammed Rashid Sheikh, UCID Party Vice-Chairman (from Borama)

Pro. Ismail Mumin Aar, former Kulmiye Vice-Chairman, Columbia University graduate and founding member of Amound University

Mr. Abdul-Aziz Mohammed Samaale, the first deputy speaker of the House of Representatives (Kulmiye)

Mr. Bashe Mohammed Farah, the second deputy Chairman of the House of Representatives (from Laas caano)

Dr. Mohamed Abdi Gabose, Medical graduate and member of Somaliland Medical Association, Kulmiye campaign manager

Dr. Hussein Mohamoud Hoog

Dr. Ahmed Kijandhe, MP

Eng. Mohamed Hashi Elmi, political advisor (Kulmiye)former of minster of comerce and former of mayer of hargeisa

Mr. Abdulrahman Yusuf Artan, MP and Sanag region representative (Kulmiye)

Sheekh Mohammed Ali Gadhle, religious order

Mr. Munir Haji Abdullahi (Abusite), President of Daallo Airlines

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by NGONGE:

^^ Now that's PR. Did he hire a speech writer you think?
:D

Naah. smile.gif Speech writer would have left out the "reer guuraageena" bit. I'd like to believe Xaaji Axmed fine-tune it to perfection over the years. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Drs Adna Aadan, ohhhhh no!

 

I thought we were rid of her and her obsession with kissing British butt, I thought she went quietly in the win! She is by far the biggest qabiilist coming out of the NW Somalia camp, calling Puntland (*******taniya).

 

It's expect though when a president is elected from the triangle, that he'll pick with him some of his tribal hawks.

 

Definitely helps in alienating many other regions, which has already been done with the elections that only allowed one group to run, and focused in one area!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

NG, :D

 

Awoowe, I didn't start out as mucarad. At first I was 100% behind Rayaale when he was elected. Then over years my opposition to him and his party grew. It was very understandable in my part. You're a bit skeptical that I can live with, but awoowe being mucaraad this early does worry me a bit although knowing the kinda fellow you're I'm assured when push comes to shove and called upon you will be counted on and that sir gives me a great deal of comfort.

 

 

Originally posted by 'Liibaan':

quote:Originally posted by Qhalib:

quote:

Originally posted by 'Liibaan':

One-clan list, includes extreme qabiilists/fools, led by die hard qabiilist mujrim Muuse Biixi

Sick minded troll, get lost. Your nonsense is not wanted here. Go take your calacal and cabaad to people who give fu^CK.
and you are crazy person, full of qabyaalad, a cheerleader of Dhiigyacab warlord Siilaanyo and warlord Biixi

 

Waa adi qofka jiran ee qabyaalad iyo cuqdad ka buuxdo

 

Here Somalia Online in case you don't know, take your qashin to somalidiid forums
I'm not gonna even respond to your comical matag. I won't be dragged down and force to baby sit you. Man up and hadalkaaga sumad u yeel sidii dhoocil yar aniga waxba ha tirin e.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Qhalib:

I'm not gonna even respond to your comical matag. I won't be dragged down and force to baby sit you. Man up and hadalkaaga sumad u yeel sidii dhoocil yar aniga waxba ha tirin e.

No one need your response, first you need to learn how to debate, waxaa taqaana sida loo caytamo uun, markaa dhareerkaaaga iska leexi

 

Cid kula hadlasa ayaanba jirin, wax waalan ayaa tahay oo waad riyoonasaa, maxaa lagala hadlaa xayawaan.

 

Anuu wax jiran sideeba lama hadlo markaa halkaa ku jooji, cid kula tirsata ayaad rabtaa, markaa raadso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good Move indeed. I thought the new president has already set up his plans even before the election.

 

 

Liban, don't worry adeer ,, Xagla-toosiye will be included in the next committee ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

JB,

Respect Hogaanka SSC Xaglatoosiye

 

He is not somalidiid, so he will never be part of somalidiid committee,

 

 

There is millions of people and numerous politicians from northwest Somalia who support Somalia and Somali unity like Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Xasan Ibraahin dheeg, wasiirka Caafimaadka Maxamuud Jirde Xuseen, wasiirka warshadaha C/llahi Boos Axmed, Buubaa, Safir, Kaluun etc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Yes, It is politics adeer, Riyaale and Siilaanyo were both former employees of Siyad Barre Government, and in near future if they get opportunity they will both join TFG as Wasiiro like Yuusuf dheeg, Buubaa, Maxamuud Jirde,C/llahi Boos, sifir, Kaluun, etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this