Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: TFG troops complete training

Recommended Posts

Kismaayo: Dawladda Federaalka oo si buuxda u qalabaysay ciidan tabobar ugu soo xirmay xerada Luglow.

 

3. Mar 2007

 

Kismaayo(AllPuntland)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta hub iyo dirays u qaybisay ciidan tabobar in muddo ah uga soconayay xerada Luglow ee ku taalla gobolka Jubbada hoose.

 

Ciidamadan oo dhowr boqol oo askari gaaraya ayaa waxaa hubka iyo dirayska ku wareejiyay saraakiisha sar sare ee ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Col: Cabdi Mahdi C/salaan oo ah abbaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorsha tabobarka ciidamada wajigiisii koowaad ay ku guulaysteen.

 

Col: Mahdi wuxuu sheegay in wixii baahi ahaa ee ciidanku u baahnaa sida hubka , dhirayska iyo adeegga kale ee ciidan si rasmi ah ciidankaasi loogu wareejiyay .

 

Taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada federaalka Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in ciidamadan aysan horay u haysan wax hub ah .

 

Ciidamadan tabobarku usoo xirmay ee maanta la qalabeeyay ayaa waxaa loo kala diri doonaa gobollada dalka qaarkood , halkaasi oo hawl gallo ammaan ay ka fulin doonaan.

 

Ciidamadan tabobarku soo xirmay ayaa warar madax bannaan sheegayaan inay qayb ka yihiin ciidamada sugaya ammaanka caasimadda dalka Soomaaliya.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Ethiopian-ka oo hub u qeybiyay ciidamadii tababarka loogu soo gaba gabeeyay xerada Lugloow.

 

Kismaayo, Sabti, March 3, 2007 Simba Radio

 

Ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta hub iyo saanad Military u qeybiyay ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo gaba gabeeyay xerada Lugloow.

 

Xaflad maanta lagu gudoonsiinayay hubka ciidamada Dowlada Federaalka loo tababaray ayaa waxa ay ka dhacday gudaha Xerada Lugloow.

 

Taliyaha guutada 3aad ee ciidamada Jubbooyinka Ismaaciil Khaliif Shire ayaa Idaacada Simba u sheegay in hubkaasi loo qeybiyay qaar ka tirsnaa ciidamadii tababarka kusoo dhameystay xerada Lugloow ee aan hubka heysan.

 

Jeneraal Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa Idaacada Simba u sheegay in maanta ciidamada hubka la gudoonsiiyay ay aad ugu mahadceliyeen ciidamada Ethiopian-ka maadama ay heysatay hub la'aan.

 

Sarakiisha ciidamada Ethiopian-ka ayaa sheegay in tababarka ay siinayaan ciidamada loo tababarayo Dowlada ay tahay inay Dowlada hesho ciidamo aad u tababar oo difaaca dalkooda.

 

Si kastaba ha ahaatee, Tababarka loo dhameystiray ciidamada loo tababarayay Dowlada Federaalka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Saraakiisha Ethiopian-ka ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub loo qaybiyey ciidamo tababar ku qaatay xerada Luglow ee Kismaayo

 

 

Ciidamada Ethiopian-ka ee tababarayey ciidamada dawladda ee ku jirey xerada Luglow ee magaalada Kismaayo ayaa maanta halkaasi ku soo geba gebeeyey tababarkii iyaga oo u qaybiyey hub iyo saanad militari si ay xasilinta dalka uga qayb qaataan.

 

Ciidamada hubka loo qaybiyey ayaa lagu sheegay kuwo aan horay wax hub ah aan u haystan, waxana munaasabaddii hubkan lagu guddoonsiinayey ka qayb galay saraakiil sarsare oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Qaar kamid ah saraakiisha Ethiopian-ka ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo tababar wanaagsan qaba si ay u difaacaan dalkooda iyo danaha qaranka.

 

Leyla Shiikh Aadan

 

SBC Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

duke so you think i support the clan govt?

maybe if only the clan govt wasnt an ethiopian puppet.

we well know who runs Kismayu and a matter of fact somalia.

so i dont differenciate btw a dhabodilif from OG or from Puntland.

but i have never seen an entire clan that seems to be full time dhabodilif more than puntlanders.

whats the thrill of being Xabashi servant?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yap everyone is a clanist but the degree defers

And am at the lower scale(mild) while sadly you are in the upper scale(adverse).

 

I can get the antedote but surely your condition is beyond cure :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

The noise level has greatly been reduced?

They have been put in there place in other words.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^dude maybe they have gone into hybernation phase so dont count the chicks before they hatch.

 

anyway dukes confusing me with Horn.

coz they had one thing in common

Kismayu :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this