Sign in to follow this  
Liibaan

76years old warlord SiilaanyoI Want to Impeach You Riyaale,I don't want to negoiate

Recommended Posts

Liibaan   

76 years old notorious warlord Siilaanyo "I Want to Impeach You Riyaale, I don't want to negoiate"

 

 

Hargeysa(Bnn)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa ka jawaabay eedayn uu Madaxweyne Rayaale ku eedayey inay ka dambeeyaan Rabshadaha dhimashada keenay ee ka dhacay Hargeysa.

 

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo BBC-da u waramayey ayaa sheegay inaanay iyagu ka dambeyn Rabshadaha balse ay keentay Xukuumada oo Faro galisay buu yidhi hawlmaalmeedkii Golaha Wakiilada una diiday Xildhibaanadu inay galan Golaha. Isagoo ka hadlaya Rabshadaha dhacay wuxu yidhi

"Marka hore waxan is waydiinayna arintani siday ku dhacday iyo siday ku timid iyo cida masuuliyadeeda leh . Waxay ku dhacday golihii wakiilada golihii umadusoo dooratay ee shacbigu soo doortay oo hawshii wata shaqadiisana wata ayay dawladu intay u timid Qafil ku xidhay oo tidhi galimaysaan oo booliis loo soo diray oo dibada looga tuuray, Arinta buuq iyo qaylo farabadan ba ka dhacday shacbigu wuu taageeray asxaabta mucaaradku way taageertay dunidu way taageertay aad iyo aad baa loola yaabay , Markii u rayaale ka baqay in wax ale wuxuu doona ayna u fulikaraynin ayuu qofil ku xidhay golihii shacbigu soo doortay Markii taasi dhacday ee hawshii la dhex galay ee ilaa jamciyada quruumaha ka dhaxaysi soo gashay ee la yidhi golahi wuxu xaq u leeyahay inuu fadhiisto oo muftaaxii loo geeyo shirkiisiina fadhiisto Ayaa maanta laga carqaladeeyay iyaga iyo shacbigii usoo bixi lahaa ee taageeri lahaaba ama eega siday wax u dhacaan ha is yidhaahdeen shacbiga meesha yimiye waxay rabeen inay hubaan inay goloyaashii fadhiistan .Golayaashi ba la iska hortaagay inay galaan . Xabad baa dadkii lala dhacay . Shacbigu xabad ma wadan dagaal ma wadan dhagax ma tuurayn ,iyagoo wax ala waxay siteen aan jirin ee waxa ugu badan ay aheyd inay meesha yimaadaan taagarana siiyaan golohooga. Ayaa xabad lala dhacay oo la laayay Oo inta la sheegay iyo inkale oo badan oo la sheegayay iyo in dhaawici ba ay jiraan Arintaana waxan u aragna anagu in masuuliyadeeda iyo xilkeedaba leeyahay daahir rayaale kaahin in dawladu leedahay maamul xumadaa".

 

Mar la waydiiyey inay iyagu wadaan Mudaharaadka wuxu ku jawaabay "Goobta saaka waxa iskugu yimid Ururada oo dhan KULMIYE, UCID, UDHIS iyo inta isbadal Doonka ah ee xisbiga UDUB laftigeedu intaasiba waa u dhaneyd dadka iyo shacbigayna taageerayeen".

 

Axmed Siilaanyo wuxu intaa ku daray in Madaxweyne Rayaale uu isagu masuuliyada leeyahay Xoogna ku qaatay Furayaasha Golaha Wakilada markii dambe ee uu furayaasha bixiyayna ku amray ciidamadu inay ka hor istaagan Xildhibaanda inay galaan Golaha.

 

Mar la waydiiyey Sababtay ku diidayaan Gogosha wada hadalka ee Madaxweyne Rayaale u fididyey wuxu Axmed Siilaanyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ku dooday inaanay ogolayn gogosha uu fidiyey tan iyo intuu kusoo noqonayo Xeendaabka Sharciga kana noqonayo Go'aamadii uu kaligii qaatay waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Jawaabta Axmed Siilaanyo ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Rayaale ku eedeyey Xisbiga KULMIYE iyo Shirgudoonku inay wadanka khalkhal ka abuuriyaan oo ay doonayaan inay burburiyaan nabada.

 

Golaha Wakiilada oo saaka Shirgudoonku Galay iyo ku dhawaad Toban Xildhibaan oo Mucaarad ah ayaanay kasoo xaadirin Xildhibaanada Muxaafadka waxayna muuqata inay xaaladu sii cakirantay.

 

Borama News Desk

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this