Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Bangiga Dubai oo codsaday inuu xarumo ku yeesho Puntland!!

Recommended Posts

Garowe:- Madaxda Baanka Dubai oo shalay safar kusoo gaaray deegaanka Puntland ayaa codsaday in ay ka hawlgalaan deegaankan.

 

Wafdiga ka socda Bangiga Dubai ayaa shalay kasoo degay Airporka Garowe ee Konoko, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey madax sar sare oo ka socota maamulka Puntland oo ay hogaaminayeen Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdinuur Biindho, Wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga, Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Siciid Qorsheel, wasiir kuxigeenka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiweli C/raxmaan Geyre.

 

Wafdigan oo shalay la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xassan Daahir ayaa ka codsaday maamulka Puntland in Bangiga uu ka bilaabo Puntland furitaanka xarumo sal dhig u noqon doona hawlgalka Bangigaasi.

 

Maamulka Puntland oo asagu dhankiisa soo dhaweeyey mashruucan ayaa sheegay in ay u fududeyn doonaan Bangigaasi wixii maal gashi ah oo dalka lagu sameenayo iyo mashruucyada ah horumarinta deegaanka.

 

Wafdigan oo kormeer kusoo mari doona magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland ayaa lagu wadaa in ay diyaariyaan mashruuc xarumo Bangiyo ah uga furaan magaaladaa iyo magaalooyin kale oo ku yaal Puntland.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta soo gaaray Xarunta Maamul Goboledka Puntland Garowe Wafdi ka socda bangiga Dubai, wafdigaas oo ka soo degey Garoonka diyaradaha ee magalada Garowe (Conoco).

 

Wafdigan oo uu Hogaaminayey Xasan Jibriil oo ah Guddoomiyaha dib u dhiska dhaqaalaha iyo la dagaalanka Saboolnimada ee Bangiga Dubai ayaa waxaa ku weheliyey socdaalkiisa Afar xubnood oo kale oo iyaguna ka tirsan Bangiga Dubai.

 

 

Waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garowe Masuuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamul Goboleedka Puntland Mud. Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Bindhe), Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Siciid Jamac Qorshel, wasiir ku xigeenka wasaarda Qorshaynta iyo xiriirka Caalimiga ah Cabdiweli C/raxmaan Geyre iyo xubno kale oo wasiiro iyo madax kale isugu jira.

 

 

 

Xubnaha ka socda Bangiga Dubai ayaa Markii ay soo gaareen Xarunta DGPL Garowe waxay si toos ah ugu gudbeen Xarunta Madaxtooyada waxayna halkaas kula kulmeen Madaxweyne ku-xigeenka DGPL Xasan Daahir Afqudhac.

 

 

 

Madaxa wafdigan Mr. Jibriil oo saxaafdaa dalka u waramayey ayaa sheegay in ujedada socdaalkoodu ay la xiriirto sidii ay uga samayn lahaayeen Goboladda Puntland bangiyo ganacsi oo badaxbanaan.

 

 

 

Axmed Maxamed

 

Radio Garowe-Puntland,Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastoo ay Mashaariic Howlo lafilin doono kusoo dhacaysay Dhagaha Shacabka Reer Puntland tan iyo Markii Ladoortay Madaxwayne Cadde Muuse ayaan haddana Muuqan Dhisme ama Howlgal Ballaaran oo lagu dardar galinayo Horumarinta Gobollada Puntland............

 

Bank.jpg

 

Madaxwaynaha Puntland Mudane: Cadde Muuse Boqor oo isagu Gacan Saaxiibtinimo laleh Dowladda Imaaraadka ayaa sheegay In Dowladda Imaaraadku Hirgalin doonto Dhowr Mashruuc oo ay kamid tahay Dhisidda Garoonka, Dibu haynta Dakadda, iyo Geedo Kubeeridda Magaalada Boosaaso.

 

Sikastaba ha ahaatee Waxaa Maalintii Shala Kasoo degay Gagida Diyaaradaha Caasimadda Puntland Wafdi Afar Qof ah oo uu Hoggaaminayo Mr: Xasan Jibriil oo ah Madaxa Dib udhiska Dhaqaalaha iyo Ladagaallanka Saboolinimada ee Bangiga Dhexe ee Dubai.

 

Wafdiga oo Duhurnimadii Shalay Garoonka Conoco kasoodagay ayaa waxaa soodhaweeyey Wasiirro, Wasiir Kuxigeenno iyo Saraakiil Sarsare oo Katirsan Xukuumadda Puntland, ,Waxaa kaloo ay Wafdigu lakulmeen Markay soodageen Kaddib Madaxwayne Kuxigeenka Puntland, ahna Madaxwaynaha Puntland ee Wakhtigaan Mudane Xasan Daahir Afqurax, Maadaama uu Madaxwaynihii Punt-land Ka amaqan yahay Waddanka.

 

Sikastaba ha ahaatee waxay Wafdigu sheegeen in Ujeeddadoodu tahay sidii ay Bangiyo uga Hirgalin lahaayeen Gobollada Puntland, Gaar ahaanna Magaalooyinka Laascaano, Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this