Sign in to follow this  
Liqaye

Congratulations to this years new graduates of Amoud

Recommended Posts

Liqaye   

Ardey ka qalin jabisey Jaamacadda Camuud

 

Axmed Siciid Cige-BBCSomali.Com

Jaamicadda Cammuud oo ku taalla deegaan qurux badan oo buuro iyo dooxooyin

u dhow oo ilaa sagaal Km dhinaca woqooyi bari kaga toosan magaalada Boorama, ayeey Sabtidii u ahayd maalin weyn.

 

Waxaa Sabtidii dadka halkaasi isugu tegay oo qaarkood ay meelo dheer uga yimaaddeen ay goob joog u ahaayeen qalinjebinta 24 arday oo ku dhammeystay Jaamicadda Cammuud waxbarasho Jaamicadeed.

 

Dufcaddii labaad

 

Ardeydaasi waxa ay yihiin dufcaddii labaad ee ka baxda Jaamicaddaasi, iyadoo afar ka mid ahi ay gabdho yihiin. Dhammaantood dufcaddani waxay wax baranayeen muddo shan sano ahayd oo ay ka qalin jebiyeen kulliyadda maamulka iyo maareynta ganacsiga, siduu ii sheegay guddoomiyaha Jaamicadda Cammuud professor; Suleemaan Axmed Guuleed,

 

Guddoomiyaha oo isagu rasmi ahaan kaga dhawaaqay xafladdaasi qalin jebinta

dufcadda labaad wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay in durbaba qaar ka mid

ah ardeydan qalin jebisay Sabtidii ay shaqooyin heleen oo la sii carbuuntay, iyadoo buu yidhi dufcaddii ugu horreysay ee ka baxda Jaamicadda Cammuud ay

haatan wada shaqeeyaan.

 

Prof. Soleyman Axmed Guuleed

 

Professor Suleemaan Axmed Guuleed wuxuu hadalkiisa ku xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay taageerada Jaamicadaha Cammuud iyo Hargeysa ee dawlad iyo shicibba si ay u taabbagalaan ayuu yidhi.

 

Ardeyda qalinjebineysay Sabtidii ayaa lebbisnaa jubbaddo iyo koofiyaddo madow oo ah dharka ay caanka ku yihiin marka ardeygu dhammeysto tacliintiisa Jaamicadda.

 

Jawigana waxaa sii bilay iyadoo roobabkii gugu ay ka da'ayeen maalmahanba

gobolladan.

 

Qeybaha Jaamacadda

 

Jaamicadda Cammuud waxaa rasmi ahaan loo furay sannaddii 1998kii, waxayna ka koobantahay ilaa iyo hadda kulliyadaha waxbarashada, caafimaadka, iyo maamulka iyo maareynta ganacsiga.

 

Waxaa kaloo ka furan Jaamicadda Cammuud barnaamijka tababarka macallimiinta oo heer diploma ah oo ay maalgeliyaan Ururka midowga reer yurub iyo dowladda Denmark.

 

Dufcaddii ugu horreysay ee dhammeysata waxbarasho Jaamicadeed waxay ka qalin jebisay Jaamicadda Cammuud 23kii bishii Julay ee sannadkii 2003da kuwaas oo ahaa 32 arday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this