Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

War Degdeg Ah: Addis Ababa Oo Uu Ka Socdo Abaabul Gudi Dowlada KMG Ah Soo Badbaadiya

Recommended Posts

War Degdeg Ah: Addis Ababa Oo Uu Ka Socdo Abaabul Gudi Dowlada KMG Ah Soo Badbaadiya

Addis Ababa, 12/12/2006 - War degdeg ah oo hadeer ay ina soo gaarsiiyeen ilo muhiim ah kana tirsan dowlada dhexe ee Itoobiya, waxaa xarunta Madaxtooyada ee Itoobiya laga wadaa shirar qarsoodi ah oo lagu dhisayo gudi loogu magacdaray "Risk Management."

 

Gudigan ayaa ka soo shaqeyn doono sidii dowlada KMG ah ee Soomaaliyeed iyadoo bad-qabtaa loo keeni lahaa magaalada Godey hadii uu dagaal ka dhaco magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowlada KMG ah.

 

Gudigan oo noqon doono gudi qarsoon, ayaa wuxuu ka koobnaan doono Saraakiil sarsare oo Tigreey ah iyo kuwo ka soo jeedo Deegaanka Soomaalida ******ya.

 

Gudigan ayaa saldhigiisa ugu weyn uu noqon doonaa magaalada Godey, iyadoo xubno ka tirsana u kala gadhin doonaan magaalooyinka Baydhabo iyo Addis Ababa.

 

Warkan ayaa intaa ku darayo in gudigan uu yeelan doono qoondo lacageed oo gooni u ah, isla markaana awood loo siin doono inay xafiisyada maamulka gobolka Godey ay la wareegi karaan hadii Baydhabo uu dagaal ka dhaco si dowlada KMG ah ee Soomaaliyeed ay ugu sii shaqeyso.

 

Gudigan ayaa sidoo kale waxey awood u yeelan doonaan inay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ku qasbaan inay yeesho wax kasta oo ay u arkaan inay iyada ku bad-baadeyso, xitaa hadey noqoto inay Baydhabo ka qixiyaan iyadoonan uu wali dagaal ka dhicin.

 

Wixi ka soo kordhaa gudigan waanu la socon doonaa ee Wabishabeele isha ku hay.

 

Faysal Macalin

Wabishabeele

Addis Ababa

 

www.wabishabeele.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

by kamaalu diin

leave somalia affairs .Somali ethiopians surprise me.

I think there is still Somali in your discription there so why leave Somali business alone?

 

 

If he was Ethiopian purely...then I would understand and what allows Meliz (who is Ethiopian PM)to interfere our business and not Axmed Gurree who is a Somali as far as I am concerned?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this