Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Big companies and ego's caught in sweep

Recommended Posts

Muqdisho: Maxamed Dheere: “Waxaa cad in shirkadda Telcom Somalia aysan aheyn shirkad Ganacsi oo Hoggaamiye Kooxeedyo ay yihiin”.

10. June 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxaemd Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa ku eedeeyay shirkadda Isgaarsinta Telcom Somalia in aysan aheyn shirkad ganacsi balse ay tahay shirkad Hoggaamiye Kooxeed.

 

“Waxaa cad in shirkadda Telcom Somalia aysan aheyn shirkad ganacsi oo Hoggaamiye kooxeedyo ay yihiin” ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoo intaa raaciyay in maamulkiisa uu si buuxda ula xisaabtami doono isla markaana go’aan cad ay ka qaadan doonaan guddiga iyo hey’addaha amaanka.

 

Hadalkan ayaa yimid kadib markii shirkaddaha ganacsi ay horay u gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin cadadka hubka ay hayaan, iyadoo shirkadda Telcom ay gudbisay in labo qori oo lagu ilaalinayo xarunta shirkadda hase ahaatee baaritaan ay ciidamada Booliska ku sameeyeen garaash shirkadda Telcom ay laheyd laga soo bixiyay noocyada kala duwan ee hubka waaweyn taasoo ka careysiisay Maxamed Dheere.

 

Lama oga tallaabada Maxamed Dheere iyo maamulkiisa ay ka qaadan doonaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this