Maaddeey Posted March 4, 2010 Shabelle: MUQDISHO Madaxweynmaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo manta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya in ay nabada qaataan islamarkaana ay la heshiiyaan dowladiisa. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta barqadii shir jaraa’id oo uu kaga hadlay qodobo kala duwan ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay xarakada Mujaahidiinta AL shabaab iyo Ururka Xisbul islaam inay la heshiiyaan dowladda KMG islamarkaana ay joojiyaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG ee Soomaaliya sida uu tilmaamay. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in wixii ka dambeyeay markii la soo dhisay dowlada uu hogaamiyo ay bilaabeen in ay ku baaqaan wadahadal ay la galaan dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada lagula jiro dowladiisa oo uu tilmaamay in dad farabadan oo rayid ah ay ku dhimanayaan. Sidoo kale madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa iyo Ururlka Xisbul Islaam inay joojiyaan khilaaf uu sheegay in uu xiligaan ka dhaxeeyo islamarkaana ay la midoobaan dowlada KMG ee Soomaaliya. “Maanta dadka Soomaaliyeed diin ahaan iyo Xaalad ahaan uma baahna in la yiraah xabad ayaa la idinku toosinayaa, waxaa ay u baahanyihiin in wixii diintu na fartay oo ah in aan wanaag u sameyno in aan u gurmano iyo in aan wanaag ka shaqeyno, waxaana rabaa in aan ugu baaqo in ay dagaalka ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu wax lala yaabo ku tilamaamay Xayiraadii Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa ay saareen hay’adda Cuntada aduunka ee WFP isagoo sheegay in saameynta ugu badan taasi ay ku yeelanayso dadkii ka barakacay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho. “Kooxahaan dowlada ka soo horjeeda ee Shabaab oo diiday in dadkii gar gaar la gaarsiiyo iyo khilaafka ka dhaxeeya WFP iyo Maraykanka waxaa ay sii murjinmayaan dhibaatooyinka shacabka waxaana laga maarmaan ah in la helo hab wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed wax lagu gaarsiin karo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif. Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu talaabo lala soo daahey uu ku tilmaamay xayiraadii dhawaan dowladda Ingisriisku ay saartay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa isagoo ugu baaqya dowladaha kale ee Caalamka in ay qaataan go’aanka ay qaadatay dowladda Ingiriiska. “Marka ugu horeysa in dowladda Ingiriisku ay Kooxaha argagixisada ku darto Al Shabaab waxaa uu ahaa go’aan lala soo daahey, shaki kuma jiro in ay yihiin argagixiso marka dhibaatadaasi dalka ayay ka jirtaa oo su’aal uma baahna”ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku soo hadal qaaday arimaha burcad badeeda Soomaalida isagoo sheegay in Maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya aysan awood u laheyn in ay cirib tiraan burcad badeeda sidaasi darteedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la garab qabto dowladda si ciidamada dowladda ay bariga iyo bada kula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida. Waxaa uu walaac ka muujiyay lacagaha malaayiinta doolar ee la siinayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida taasoo uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo qalalaasaha ka jira Soomaaliya iyo jiritaanka dowladda KMG ee Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 4, 2010 , Awkeey Shariif waa jilcay ma is dhahdeen! aaway bootadii sanadka cusub! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Johnny B Posted March 4, 2010 Not really!. Sharif's government is stronger than ever, both in Militarily and popularity, It's just that you terrorist supporters that are too eager to interpret this good-will getsture as weakness , since the term peace is inferior to a Terrorist whose motivation is beyond the Somali politics. The President wants peace with his fellow Somali Islamists , but not with Al-qaida. Now that is a difference, Maaddka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted March 4, 2010 Originally posted by Maaddeey: , Awkeey Shariif waa jilcay ma is dhahdeen! aaway bootadii sanadka cusub! Indeed wax uu haayo maleh - idinku ninka la heshiya ama mesha ka buriya - labadas mid aya idin banan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 4, 2010 ^Asaga waaba la gartayoo Taangi Yugaandhees oow ka galaa bahashee, Adiga, Aw-Juujoow yaa kuu Muslima? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted March 4, 2010 War hedhe Soomalida horey uu tiiri 'nin tur leh asa yaqaan sidu uu sexaan laha ' - e bal idinku go'an gaara - ama heshiska mantey la idin fidshey qaata ama ha lagu kala baaxo mesha nama wada qaade. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted March 4, 2010 TFG haday rabto heshiis waa inay waqti u qabtaa kabitixaanka Ugandeska meesha jooga - hadii kale waa waqti dhumis waxooda! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 4, 2010 ^Go'aan aan qaadannee, 'Waa tir-tireynaa'dii Sanadka cusub & 'ur days r numbered'daadii ma ka tanaazusheen? 'nin tur leh asa yaqaan sidu uu sexaan laha 'miyaad tiri?, tabta ma ka mid baa inaad sida Xildhibaan Badbaado, Bakaaraha iska soo xaadirisid? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sherban Shabeel Posted March 4, 2010 The President of the Somali Republic, Allah grant him a long life insha'allah, has always been a gentle man whose only purpose is peace for the Somali people. Perhaps, one day, the usurpers will open their eyes and realize the people don't love them, and that the only way forward is to make peace with the rightful ruler of Somalia. For the great purpose of ending this cancer that has plagued Somalia for two decades, their treason will be forgiven. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 4, 2010 Shariifku waa caajizay. alshabaab want war. He shall give them one, if he can Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted March 4, 2010 if he can Xiin, walaahi waan qosley markaasuu galkii i agfadhiyey shaqada gave me that look of what? Looks like inaad Shariifkii quus kasido maanta.....war warka nuggu boob maxaad ogtahay sxb ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 4, 2010 ^^War ninyahow ninka waan rabaayye, ee some time wuu iga xaanjiyyaa wallaahi. Waxaad moodaa inuu malicii Macallin Nur ee Suuqa Miijiska ku yaaley xooga xer ah ku haysto Rag baa dirirayya oo weliba caqiida faasid iyo gacmo shishe ku dhex jiraan markaasu ku leeyahay dawladda haku biiraano having said that, anaa maca shariif Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 4, 2010 ^ Anaa maca Ghuzayyah.. in Ghawat Ghawaytu eesh Calaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 4, 2010 ^^Waraa Jacaylbaro, ninyahow si kalaan aan u sheekeysannee computerka kale tagoo magacaaga kusoo gal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 4, 2010 lol...Waxaan waa iska hadal diblomaasiyadeed inkastoo aad moodid inuu is burinayo haddii meelna uu ka leeyahay argagaxiso hallagu daro meelna uu kala heshiinayo. Ma u malaynayo in Shabaab nabad iyo heshiis rabaan, X Islaam iyaga nin xanaaqsan oo xukun doon ah ayaa sameeyey waana ka kala dhantaalmeen oo hadday sidii tusbax go'ay u kala firdhi rabaan. As Xiin said Madaxweynuhu jileeca ha iska daayo oo ha is adkeeeyo, haddii kale meesha haka wareego rag adag halloo dhiibee...lol Quote Share this post Link to post Share on other sites