Sign in to follow this  
MoonLight1

Now the war echo moves to DHARKEENLEY MADIINO.

Recommended Posts

Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir oo bilaabay in ay guryahooda ka cararaan.

 

Posted: 5/27/2009 10:01:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay Ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay guryahooda uga barakacaan cabsi la xariirta in degmadaasi ay dagaalo ku dhexmaraan ciidamada dowladda iyo Xoogaga ka horjeeda kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada xafadahaasi.

 

 

 

Kadib markii dhawaan qeybo ka mid ah degmada dharkeenlay ee gobolka Banaadir ay soo dageen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa degmadaasi ka bilowday cabsi ay dadku ka qabaan dagaal ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ku dhexmara gudaha degmadaasi.

 

 

 

Xaafado ay ka mid yihiin Abbe Godey,Shuuriga,Dabaq eynka iyo Suuq Liif ayaa waxaa ka bilowday barakac Aan badneyn iyo cabsi dadka deegaanka ay ka qabaan in dagaal halkaasi uu ku dhexmaro labadaasi dhinac sida uu Idaacada Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Casaanyo oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in halkaasi ay ciidamada u geeyeen sugida Ammaanka sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Wel welka iyo cabsida ay qabaan dadka deegaanka ayaa waxaa ay tahay in xili walba ay filanayaan dagaal degmadaasi ku dhexmara dhinacyada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka kaasoo sababi kara barkac iyo qasaare soo gaara dadka deegaanka.

 

Shabelle media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this