Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: huge demo in support of NRC: PICS

Recommended Posts

Banaan bax lagu taageerayo shirka dib u heshiisiinta oo ka dhacay Muqdisho.

 

Mogadishu, 24 July 2007 (HornAfrik Media)Banaan bax lagu taareerayo shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa galabta ka dhacay garoonka kubada cagta Stadium Koonis ee magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxaasi lagu taareerayay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee haatan ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta gaadiidka booliska ee degmada Shibis ayaa banaanbaxaasi waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badanaa.

 

Waxaana sidoo kale ka soo qayb galay banaanbaxa gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", gudoomiyaha gudiga gudoominta shirka weynaha beelaha Soomaaliyeed Mudane Cali Mahdi Maxamed, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka mida gudoomiyaasha degmooyinka gobolka.

 

Maxamed Dheere oo banaanbaxaasi qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in dadka wax tuur tuuraya ay yimaadaan miiska wadahadalka ee shirka haatan ka socda Muqdisho si waxa ay tabanayaan looga qanciyo kooxahaasi.

 

Dhanka kale gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran Cali Mahdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in waqti xaadirkaani shirka heshiisiinta beelaha uu meel fiican marayo loona baahan yahay in ay qaybaha kale ee aan weli ka soo qayb galin ay kus soo biiraan shirkaasi ka soconaya magaalada caasimadaa ee Muqdisho.

 

Banaanbaxaasi ayaa ah kii ugu horeeyay ee lagu taageero shirka dib u heshiisiinta ee ka dhaca magaalada Muqdisho waxaana amaankiisa sugayey cutubyo ka mida ciidamada xukuumada federaalka KMGka ah ee Soomaaliya oo dhamaanba xiray wadooyinka waa weyn ee soo gala garoonkaasi kubada cagta ee Koonis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maamulka gobolka iyo shirguddoonka shirka oo Bannaanbax aan loo kala harin laguna Taageerayey Shirka dib u heshiisiinta ka qeybgalay galabta

 

24. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Qiyaastii ilaa iyo 25-Kun qof oo isugu jiray qeybaha bulshada Degmooyinka Gobolka Banaadir, madaxda maamulka gobolka, Degmooyinka, mas’uuliyiin ka tirsan shirka dib u heshiisiinta, fannaaniinta Qaranka, Ciidamada Bambeyda, Ubaxa G/Banaadir iyo Suxufiyiin ayaa maanta waxay ka qeyb galeen bannaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta Qaran isla markaana ka dhacay Garoonka K/Cagta Stadium Konis.

 

Guddoomiye Maxamed Dheere oo maanta ka hadlayay bannaanbax aad u ballaaran oo G/Banaadir uu ku taageerayay shirka dib u heshiisiinta ayaa si gaar ah ugu baaqay kooxaha lidka ku ah shirka dib u heshiisiinta, isagoo yiri: “Kooxaha wax tuurtuuraya waxaan ugu baaqeynaa inay shirka dib u heshiisiinta soo fariistaan oo ay danahooda ka hadlaan”.

 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo maanta Garoonka K/Cagta ee Stadium Konis kula hadlayay kumanaan ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir uu si cad u muujiyay taageerada iyo soo dhoweynta ergooyinka shirka dib u heshiisiinta, isagoo sheegay in gobolka banaadir uu yahay gogosha shirka dib u heshiisiinta Qaran isla markaana uu yagleelida Qaranka gobolku hormuud u yahay, wuxuuna intaa raaciyay in 17-ka gobol ee dalka sidoo kale looga baahan yahay in shacabka ku dhaqan uu u muujiyo taageerada shirka iyo dowladda.

 

“Kooxaha wax tuur tuuraya waxaan ugu baaqeynaa inay shirka dib u heshiisiinta soo fariistaan oo ay ka hadlaan waxa ay tabanayaan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere.

 

Bannaanbaxaasi oo ahaa mid si weyn loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan iyo heeso guubaabo ah oo lagu taageerayey shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

wareega dhexe ee garoonka Stadium Conis ayaa waxaa si raxan raxan ah u soo marayey degmo kasta oo darees hal midib leh xeran iyadoo sidoo kale kooxda Baybeyda ay ku soo bandhigeen gaardi ka ciyaar soo jiitay indhaha kumanaanka kasoo qeybgalay bannaanbaxaasi.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: CALI MAHDI: “Waxaa noo cadaatay sida madaxda iyo shacabka G/Banaadir ay u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta”

24. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo shalay ka hadlayay bannaanbax dadweynaha G/Banaadir ay ku taageerayeen shirka, ayaa sheegay in si rasmi ah shacabka iyo madaxda maamulka G/Banaadir ay u muujiyeen taageeradooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta Qaran, isagoo intaa ku daray in mahad celin iyo bogaa-din ay u jeedinayaan haddii ay yihiin guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran.

 

Cali Mahdi waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in taageerida shacabka G/Banaadir ay tahay mid muhiim u ah shirka isla markaana loo baahan yahay inay sii wadaan.

 

Hadalada Cali Mahdi ayaa waxa uu ka jeediyay bannaanbax aad u ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir isla markaana loogu talagalay in shacabka iyo maamulkaba ay muujiyaan soo dhoweynta ergada iyo taageerida shirka dib u heshiisiinta Qaran.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax lagu taageray shirka

24 Jul 24, 2007 - 12:35:23 PM

 

Bannaanbax ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan dadweyne oo ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa galabta ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Stadium Conis ee degmada C/casiis kaasoo ay ka soo qeybgaleen maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga shirweynaha dib u heshiisiin.

 

Bannaanbaxan oo lagu soo bandhigayey taageerada ay dadweynaha gobolka Banaadir u hayaan shirweynaha dib u heshisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadalo ka jeediyay xubno uu ka mid ahaa Guddoomiyaha shir guddoonka shirweynaha dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in maanta ay beenoowday in dadweynaha ay ka soo horjeedaan shirweynaha isagoo u mahad celiyay dadweynihii kasoo qeybgalay iyo maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay iska ilowdo wixii horay u soo dhacay iyadoo loo istaago dantooda iyo tan Soomaalinimada.

 

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M/Dheere) oo isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa baaq u jeediyay kooxaha ka horjeeda Dowladda ee rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka geysta gobolka.

 

 

Guddoomiye Maxamed Dheere oo maanta ka hadlayay bannaanbaxaasi maamulka G/Banaadir uu ku taageerayay shirka dib u heshiisiinta ayaa si gaar ah ugu baaqay kooxaha lidka ku ah shirka dib u heshiisiinta, isagoo yiri: "Kooxaha wax tuurtuuraya waxaan ugu baaqeynaa inay shirka dib u heshiisiinta soo fariistaan oo ay danahooda ka hadlaan".

 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo maanta Garoonka K/Cagta ee Stadium Konis kula hadlayay kumanaan ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir uu si cad u muujiyay taageerada iyo soo dhoweynta ergooyinka shirka dib u heshiisiinta, isagoo sheegay in gobolka banaadir uu yahay gogosha shirka dib u heshiisiinta Qaran isla markaana uu yagleelida Qaranka gobolku hormuud u yahay, wuxuuna intaa raaciyay in 17-ka gobol ee dalka sidoo kale looga baahan yahay in shacabka ku dhaqan uu u muujiyo taageerada shirka iyo dowladda.

 

 

Md. Maxamed Dheere ayaa waxa uu dadka Muqdisho ku ammaanay sida ay ugu heelan yihiin soo celinta nidaamkii dowladeed, isagoo sheegay in bannaanbaxaasi uu daliil cad u yahay rabitaanka shacabka ee ku aadan dowlad wanaagga, isagoo intaa ku daray in Gobolka Banaadir uu yahay hooyada Qaranka Soomaaliyeed isla markaana uu soo dhoweynayo midnimada iyo horseedida sidii calanka dhulka looga qaadi lahaa.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo si aad ah farxadi ay uga muuqatay xilligii uu khudbadda jeedinayay ayaa waxa uu mahad celin iyo bogaadin u soo jeediyay shacabkii gobolka Banaadir ee soo xaadiray bannaanbaxaasi oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca gobolka banaadir isla markaana lagu muujiyo taageerada shirka dib u heshiisiinta.

 

Cali Muxiyaddin, GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Name: Warlord Mo dheere

Occupation:Tigree worker/Calooshiis ushaqeeyste

Famous quote:"Oday cayaal suuqa"referring to Yeey

Stronghold: Some parts of Northern Mogadishu.

Todays demo in North Mogadishu:An excersise to impress his Tigre masters and keep Yeey in a cell.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhanka kale, waxaa galabta Muqdisho ka dhacay banaanbax balaaran oo ay soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, laguna taageerayo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee curdanka ah ee ka bilowday magaalada Muqdisho.

 

Isu-soo-baxan oo lagu qabtay Garoonka kubbada cagta ee Studium Conis oo ku yaala degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid ay ammaankiisa aad u adkeeyeen ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo taageeradooda ay u hayaan shirka dib u heshiisiinta iyo qiiradooda waddaninimo ku muujinaya banaanbaxan ayaa waxaa kala soo qeyb galay masuuliyiinta gobolka Banadir oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, Md. Cali Mahdi Maxamed iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

 

 

Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida, Md. Cali Mahdi oo kulla hadlayay Studium Conis dadkii dibad baxa taageerada sameynayay ayaa u sheegay in shirkani uu noqon doono shir ay ka soo baxaan wax Soomaali u wada cuntami kara iyo dib u heshiisiin dhab ah.

 

Maxamed Dheere oo la shacabka ayaa codsi ujeediyay kuwa wax tuurtuuraya, xasilooni darada iyo qaraxyada is daba joogga ka wada magaalada in ay danahooda ka hadlaan shirka dib u heshiisiinta ka soo qeyb galaan, isagoo Duqa magaaladu uu carrabka ku adkeeyay in loo naxo hooyada iyo caruurta Soomaaliyeed haloo naxo.".

 

Waxaa hore loo qabtay shirar dib u heshiisiineed oo gaaraya illaa iyo 14 shir oo lagu qabtay dalka dibaddiisa, kuwaasoo inta badan aanay ka soo bixin maxsuul Soomaali wada qancin kara, ayaa shirkani wuxuu uga duwan yahay in dhibaatadu ay heyso Soomaalida, iyagii oo aan waddamo shisheeye u kala dulaaleen inay iskood u wada heshiinayaan ayaa ifafaalo wanaagsani ka soo baxayaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this