Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Expected Conference in Tukaraq

Recommended Posts

Garoowe(jidbaale.com):-Issimadda SSC intooda badan ayaa saaka ka anbabaxay Magaalada Garoowe marka laga reebo hal Issim oo isaguna lagu wado in uu ka daba tago, iyaga oo u baxay dhinaca Magaaladda Tukaraq halkaas oo ay maalmihii ugu danbeeyey hadal hayeen in lagu qabto shir wadatashi oo ay beeshu yeelato.

 

Safarkan saaka ay Issimadu ugu guureen dhinaca Tukaraq ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli saaka ay ciidamo ka soo gadooday jiida hore oo tiro badani soo galeen magaalada Garoowe, warar xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadan soo gadooday ay ka cadhoodeen mushahar la'aanta ka taagan ciidamada iyo iyaddoo muddooyinkan danbe ay bilaabmeen dhalin yaro badan oo u dhalatay Gobolka Mudug in ay la fakadaan gawaadhi tikniko iyo kuwa madaxba isugu jiro.

 

waxaana gawaadhidaas lala fakaday ugu danbeeyey Gaadhigii taliyaha Ciidamada daraawiishta Cali Baadiye oo ay la fakadeen sadex wiil oo uu adeero u yahay, lana galeen magaalada Laascaanood, xaaladan cusub ee ku soo koradhay jiida hore ayaa keentay sida ay sheegeen ilo xog ogaal ahi ina saraakiil badani ay ciidanka jiida hore fadhiya shaki weyni kala galo.

 

Issimada SSC ayaa lagu wadaa in ay dib u eegaan waxyaalihii ka qabsoomay shirkii Boocame3 iyada oo ay jireen Madax ka tirsan maamulka Garoowe oo isku dayey in ay is hortaagaan safarka Issimada ayaa haddana waxaa la saadaalinayaa in aanu kulankan Issimadda SSC waxba soo kordhin doonin maadaama aanay gacanta wax weyni ugu jirin, oo go'aanka ay gacanta ku hayaan hogaamiyayaasha maamulka Habacsan ee Puntland oo iyagu muddooyinkii gu danbeeyeyba u arkayey qofkii abaabul gala uu dalkiisa xaaladda jirta wax kaga badelayo, u arkayey xubin la shaqaysa maamulka Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The issue is what this conference will be different from the Boocame 3 ?? ,,, what is the expected outcome of the conference ??

 

It is slightly interesting coz even bugland is against it ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Issimadii Garowe ka soo Cadhooday, oo Tuko Raq Teendho ka Taagtay

 

Waxaa dhawaan taariikhdu markay ahayd 3 april tuulada tuko raq ee gobolka sool teendho ka dhistay issimo kasoo jeeda gobolka sool kuwaasi oo sheegey in halkaasi ay u tageen aayaha gobolka sool ka dib markii ay maamulka p/land wax jawaab ah oo uu ka bixinayo qabsashada somaliland laas-caano ay ka waayeen ...

 

issimadani teendhada tuko raq ka dhistay ayaa gaaraya ilaa 6 issim oo isugu jira garaado suldaamo iyo caaqilo waxaana ay sheegeen in halkaasi ay u tageen sidii ay uga tashan lahaayeen ayaha sool oo ay go,aan midaysan dadka reer sool uga gaari lahaayeen ..

 

waxaana issimadani ka bixitaanka garowe ee tuko raq ay u guureen soo dhaweeyey qaar ka mid ah bulshada reer p/land iyo kuwa reer soolba iyaga oo ka dhawaajiyay dadkaasi in xukuumada p/land horey ay ugu fashil matay soo celinta laas-caano oo masuul horey ay uga ahayd sidii loo kala firdhiyay dadka reer sool ...

 

waxaana ay kusoo adaysaa tagida issimadani tuko raq xili maalmihii u danbeeyey ciidamadii jiida fadhiyay qaarkood baabuur ay ula goosanayeen dhankaa iyo maamulka somaliland halka ciidan kale oo aan tiro yarayna ay kasoo gadoodeen jiidii ay fadhiyeen ay soo galeen caasumada p/land ee garowe kuwaasi oo ilaa iyo hada cid xukuumada ka tirsan oo la hadashay aysan jirin ...

 

waxaana dadka reer p/land gaar ahaan kuwa caasimadu todobaadka si aad ah u hadal hayeen teendhadaasi issimada reer sool ay ka dhisteen tuko raq iyo gadooditaanka ciidanka jiidu kasoo gadoodeen iyadoo dadku markaasi ay isweydiinayeen maamulka p/land waxa uga qorsheysan arimahaasi oo idil iyo cida waqtigani looga fadhiyo in xaaladahaasi jiida ka jira wax ka qabanaysa ....

 

waxaa sidoo kale xusid muddan dad badan oo reer sool ah in ay ka niyad jabsan yihiin talaabada horu socod la,aantaa ee maamulka p/land uusan ku talaabsan taasi oo ka caraysiisay dad badan oo ka yimid laas-caano oo iyagu markii danbe door bidey in guryohoodii ay ku noqdaan halka in yarna ay ku biireen ciidan beeleedka tuko raq ku sugan

 

 

abshir c/laahi faroole

 

afnugaal garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Issimadan iyo Waxgaradka Reer Sool ayaa tan iyo markii laas-caano laga Saaray mamul gobaleedka Puntland waxay ku sugnaayen Caasumada DGPL ee garowe kuwaasi oo ka rajo dhaw dhigay dhawaan maamulka p/landin uu wax ka Qabto Gacan ku soo Celinta laascaanood Mamulka puntland Hoos ka dheyeso CODKI Cali Maraykan

 

Waxaana issimadani ay sheegeen in go,aamadii dhawaan ay kasoo sareen shirkii ka dhacay degmada Boocame ee gobolka Sool uu ahaa mid lagu deg degay oo aaysan ka fiirsan Balse hada loo bahanyahay in Waxgaradka Beesha SSC si dhakhso ah laysugu yimaado,

 

Issimadani Geedka Hoos Degey ee tuko-raq ku yaal ayaa gaaraya ilaa 8 issim oo isugu jira garaado suldaamo ugaasyo iyo caaqilo waxaana ay kala yihiin

 

● 1.Garaad saleebaan garaad maxuud garaad maxamed

 

● 2.Garaad c/laahi maxamed guuleed

 

● 3.Garaad c/salaan xasan maxamed

 

● 4.Suldaan siciid cismaan cali

 

● 5.Ugaas faarax xaaji maxamuud

 

● 6.Caaqil maxamuud xaaji cumar (camey)

 

● 7.Garaad abshir saalax

 

● 8.Garaad mashqare

 

 

afhayeenka Waxgaradka Geedka Hoos Degey Cali Maraykan oo isagu ka mid ahaa waxgaradka ka soo guuray Garowe Ayaa Idaacada garowe uga war bixiyay sababta halkaasi ay u dageen issimadani wuxuuna sheegay in laas-caano soo celinteedii ay si aad ah u daahday waqtigana issimadu doonayaan in shirar ay la yeeshaan cid kasta oo gobolka u dhalatay kuwa dibada, kuwa gudaha jooga iyo ciddii kale ee beelaha p/land ka tirsan oo gacan siin karaysa iyo dhaqaale .

 

item

item

item

item

item

Share this post


Link to post
Share on other sites

shirkii ka dhacay degmada Boocame ee gobolka Sool uu ahaa mid lagu deg degay oo aaysan ka fiirsan Balse hada loo bahanyahay in Waxgaradka Beesha SSC si dhakhso ah laysugu yimaado

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this