Sign in to follow this  
Emperor

Puntland Ministers tour Scandenevia, received popular welcome

Recommended Posts

Emperor   

Stockholm:-(KP)-Wasiiradi Puntland Ee Booqashada Ku Marayay Swedan Oo La Kulmay Jaaliyadaha Somalida Ee Dalka Swedan (daawo sawirada)

 

Wasiirada Puntland ee socdaalka ku maraya dalka Sweden ayaa kulan aad u balaaran la yeeshay Jaaliyadaha ku dhaqan dalkaasi.

 

Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad iyo Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo haweenka Caasho Diiriye ayaa ahaa mid diirada lagu saaray dhinaca horumarinta iyo xiriirka maamulka.

 

Waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha bulshada iyo sidii jaaliyadaha dibada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wasiiradi Puntland Ee Booqashada Ku Marayay Swedan Oo La Kulmay Jaaliyadaha Somalida Ee Halkaa

 

Stockholm(Calanka.com) 19-May-2007

 

 

Wasiirada Puntland ee socdaalka ku maraya dalka Sweden ayaa kulan aad u balaaran la yeeshay Jaaliyadaha ku dhaqan dalkaasi.

 

Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad iyo Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo haweenka Caasho Diiriye ayaa ahaa mid diirada lagu saaray dhinaca horumarinta iyo xiriirka maamulka.

 

Waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha bulshada iyo sidii jaaliyadaha dibada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^ :D No, I never always sit next to men, Check the one above, Im the guy next to the good looking girl on the far end of the front raw of ladies picture...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sxb PuntKing where are you, any news from Magaladeenii Kismayo? Fill me in... What is this all about?

 

KISMAAYO: Garabyadii horay ugu dagaalamay Kismaayo oo lagu wado in maanta la isku soo hor fariisiyo Luglow ayna heshiis gaaraan

Posted to the Web May 19, 08:57

 

 

Kismaayo (PP) - Maanta ayaa lagu wadaa in Deegaanka Luglow ee Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose uu ka dhaco kulan lagu dhexdhexaadinayo garabyadii dhawaan ay dagaallada ku dhex mareen Degmada Kismaayo.

 

Kulanakan ayaa waxaa ka soo shaqeeyay xubno ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, waxaana kulankaan lagu wadaa in lagu dhameeyo khilaafaadkii soo kala dhex-galay labada qaybood.

 

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa waxay u sheegeen Puntlandpost inay arkeen ergo fara badan oo ka baxaysa Kismaayo kana tirsan labada dhinac oo qaarkood horay ugu sugnaa Kismaayo, iyagoo sheegay inay maqlayeen inay ergooyin kala ka imaanayaan dhanka Deegaanka Buulo-guduud oo u jirta Kismaayo qiyaastii 30-km si ay kulan ugu qaataan maanta Deegaanka Luglow.

 

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in aanay u muuqan xilligaan in heshiiska la wado noqdo mid najaxa, waxayna sheegeen in labada dhinac ee heshiiska laga dhex wado ay wadaan isku hub garasho xoog badan, taasna ay sabab uga dhigayaan inuusan heshiis dhex-mari karin.

 

Dadweynaha Reer Kismaayo qaarkood ayaa waxay si weyn u quuddareynayaa in heshiiskaan uu noqon karo mid najaxa, iyagoo sheegay in dagaallo ku soo laabta magaalada Kismaayo ay noqon karaan kuwo dhibaatooyin aad u daran ka geysa Magaalada iyo deegaannada kale ee Gobolka.

 

Heshiiskaan ayaa lagu wadaa haddii uu hirgalo inay xaaladda Kismaayo ku soo laabto si caadi ah, ayna isku socodka iyo ganacsiguba noqdaan kuwo dib u soo laabta, iyadoo dadweynaha Degmadaasna ay si weyn uga cabanayeen burcad caadaysatay inay dhac u geystaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emperor sxb shatigii hadanah waa iga weeynaaday waxaan ku celiyey dukaankii.

 

sxb kismayo things are going as planed. Reer gedo was told to disarm with in two weaks.

 

It seems like they are taking orders. like you can see they were alot atemps for peace talk most off them were rescheduled. Just today I called Kismayo I was told Geedi was the one who postpone the talk. due to under certain conditions that geedi put on the peace talk. 1st reer gedo needs to fulfill that.and that was reer gedo to go out off the city into Berxaani. Odayaasha ayaga matala kaliya in la la hadlo. ciyaalka yaryarna in ay soo wareejiyaan hubka ay gacanta kuhayaan.

 

Insha alaah I will let you know what cames out by the end of this weak.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Thanks Gar Yaaqaan, clearly things are going slowly and smooth, I hope it will be resolved soon and peacefully Insha'alaah...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wasiirada Puntland Iyo Kulamadii Hey`adaha Swedan

Stockholm(Calanka.com) 20-May-2007

 

Kulamada ay wasiirada Puntland la yeesheen hay’adaha iyo ururada Sweden ayaa ku dhamaaday guul iyo is afgarad buuxa. Kulamadaa oo ahaa kuwo hore u sii qorshaysnaa ayaa dhammaantood qabsoomay. Wasiirada Puntland ayaa hay’adahaa gacanta ka geliyey qoraalo rasmi ah oo taabanaya baahida Puntland hay’ad walbana kala hadlay arrimaha ka khuseeya.

 

Sida aad la socoteen, wasiiradu waxay todobaadkii hore la kulmeen hay’adda deeqda dibedda ee Sweden SIDA (Swedish International Develepment Agency), hore ayaana idiinku soo gudbiney wixii ka soo baxay kulankaa.

 

 

14 kii May, waxay wasiiradu booqdeen xarunta Diakonia Sweden, oo ah urur samafal caalami ah oo ka hawl gala Puntland aadna sumcad ugu leh. Wasiiradu waxay mahad ballaaran u soo jeediyeen ururkaa waxayna ka codsadeen inay sii xoojiyaan mashaariicda horumarineed ee ay halkaa ka hayaan. Madaxda Diakonia ayaa dhankooda ballan qaaday in ay ku socon doonaan barnaamijka horumarinta shanta sano ee Puntland.

 

Isla 14 kii May, waxay wasiiradu ka qayb qaateen barnaamij ”LIVE” ah oo ka baxay Kannaalka furan ee Stockholm, kaa oo laga daawado Stockholm oo dhan. Waxay wasiiradu barnaamijkaa uga xog warameen daawadayaasha Soomaaliyeed, ujeedada booqashadooda iyo waxa ilaa hadda u qabsoomay. Intaa ka dib waxaa wasiirada khadka taleefanka lagu soo weydiiyey su’aalo ay dadweynaha uga jawaabeen. Barnaamijkaa waxaad ka daawan kartaan bogga Ceelbuurnet.com/ TV Star.Isla 14 kii May, waxay wasiiradu ka qayb qaateen barnaamij ”LIVE” ah oo ka baxay Kannaalka furan ee Stockholm, kaa oo laga daawado Stockholm oo dhan. Waxay wasiiradu barnaamijkaa uga xog warameen daawadayaasha Soomaaliyeed, ujeedada booqashadooda iyo waxa ilaa hadda u qabsoomay. Intaa ka dib waxaa wasiirada khadka taleefanka lagu soo weydiiyey su’aalo ay dadweynaha uga jawaabeen. Barnaamijkaa waxaad ka daawan kartaan bogga Ceelbuurnet.com/ TV Star.

 

 

15 kii May, wuxuu wafdigu booqday baarlamaanka Sweden, waxaana halkaa ku qaabilay madaxda guddiyada arrimaha dibedda, waxbarashada, deegaanka iyo difaaca,. Labada dhinac waxay kala qaateen xog ku saabsan sida ay u shaqeeyaan labada baarlamaan. Caasho Geelle, wasiirka horumarinta dumarka iyo arr. qoyska oo iyadu muddo 7 sano ah ka tirsanayd baarlamaanka Puntland, ayaa soo gudbisay baahida uu qabo baarlamaanka Puntland. Waxay ka dalabtay baarlamaanka Sweden inuu ka gar-gaaro baarlamaanka Puntland xagga tababarada iyo qalabaynta. Inkasta oo labada baarlamaan aanay isku heer ahayn (Puntland heer gobol, kan Swedena heer dal), misana waxay baarlamaaniyiinta Sweden ballan qaadeen inay wax badan la qaban doonaan baarlamaanka Puntland iyagoo kaalmadooda u marin doona AWEPA oo ah urur ay ku midaysan yihiin baarlamaaniyiinta Yurub ee gargaara Afrika iyo sidoo kale ururka African Development Agency oo xaruntiisu tahay Addis Ababa.

 

 

Kulan kale oo muhiim ahi wuxuu ahaa kii wasiiradu 16 kii bisha la qaateen, Wasaaradda arr. dibedda ee Sweden. Shirkaa waxaa dhanka Sweden uga qayb galay Mr. Anders Hagberg oo ah xoghayaha joogtada ah ee arrimaha Africa isla markaana la taliye u ah wasiirka arrimaha dibedda. Waxaa sidoo kale joogtay Anna oo ah xoghayaha joogtada ah ee arrimaha Somalia.

 

Mas’uuliyiinta Sweden, waxay aad u soo dhaweeyeen, horumarka ay ku tallaabsatay Puntland. Waxay sheegeen in Puntland ay ku dayasho mudan tahay marxaladda cusub ee federaalka. Waxay aad ula dheceen “5 years development plan” ka ay samaysatay Puntland. Waxay kaloo ballan qaadeen inay dib ugu laaban doonaan qoraal ka soo baxay dowladda Sweden 15 kii Februari ee sannadkan, kuna wajahnaa deeqda Sweden siiso Somalia. Wasiiradu waxay cabasho ka dhiibeen qaybta ka hadlaysa Somaliland oo loo fahmi karo sidii dal ka madax bannaan Somalia, taa oo ay garowsadeen mas’uuliyiinta Sweden iyagoo muujiyey inuu yahay khalad u baahan in la saxo. Ugu dambayntii waxaa lagu heshiiyey in booqashooyin la is dhaafsado taa oo ay aqbashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden.

 

 

Ugu dambayntii isla 16 kii May, waxay wafdigu la kulmeen xafiiska SCB oo Sweden u qaabilsan “Statistics” ka ama Ixsaada iyo tirokoobka. Xafiiskaa oo leh khibrad caalami ah ayey wasiiradu ka codsadeen inay wax kala qabtaan arrimaha tirokoobka iyo ixsaada, khaas ahaan xilli ay Puntland doonayso inay u gudubto nidaamka axsaabta badan, taa oo ay ka horayso in la sameeyo tirokoob. Madaxda xafiiskaa aad ayey arrintaa u soo dhaweeyeen, waxayna ballan qaadeen inay kala hadli doonaan dowladda Sweden.

 

Ururka Samafalka Geeska Soomaaliyeed

Somalia’s Horn Humanitarian Org. (Sohhor)

46 (0) 704578365

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

 

La Xiriir

Xafiiska Calanka.com Ee Magaalada Muqdisho

 

Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)

Ku Laabo Bogga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Is this anything to do with the Swedish govmt trying to get ways to cut down the droves of Somali Immingrants coming to its ports; places to send them to...of course and Pntld trying to cash in on that paying opportunity???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this