Sign in to follow this  
Juje

Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Khasaarihii Ay geysteen Labada Qarax.

Recommended Posts

Juje   

Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Khasaarihii Ay geysteen Labada Qarax.

 

Warar dheeraad ah hordhac ah ayaa ka soo baxaa khasaaraha ka dhashay labadii qarax ee Ismiidaaminta ahaa ee maantay lagula beegsaday Xaruntii ugu weyneyd ee Ciidamada AMISOM ku laheyd Dugsigii Tababraka ee Xalane, waxaana la sheegay in Taliye kuxigeenkii Ciidamada AMISOM (Burundi) Maj.Gen Juvenal Niyonguruza oo shaqada dhamaad ka aheyd isku diyaarinaayay inuu dalkiisa ku laabto iyo 9 kale kale oo saraakiil, askar ka tirsan Askarta Ciidamada Yugandha ay ku geeriyoodeen, dhaawaca ayaa la sheegaya iney kor u dhaafayaan 15 askari.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in labada qarax ay fuliyeen xubno isugu jira Soomaali & Ajaanib (5), waxaana la sheegay in kuwa ajaaniibta ay luqada Ingriiska kula hadleen Askartii ilinka joogtay iyagoo u sheegay iney la socdaan ergo ka socota Xoogaga Shababka si looga wada hadlo la-heystihii Fransiiska iyo siideyntiisa, waxaana goobtaasi ku sugaayay saraakiisha Ciidamada AMISOM, kuwa ka socda Sirdoonada Frnasiiska & Mareykanka, si loo bilaabo wada hadal ku aadan La-heystaha.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Gaadiidka ay iska lahaayeen Laamaha UN-ka ee Goboka Bay, halkaasoo laga soo qaatay si loogu adeegsado, waxaana gaari ka mid ahi uu si toos ah u tagay goobo shidaalka lagu keydiyo oo Ciidamadu lahaayeen qarax weyna dhaliyay, halka mid kale la sheegya inuu xarunta lagu qariyay, warar hoose ayaa sheegaya iney gacan weyn ku siiyeen qaar ka tirsan Ciidamada nabad sugida & kuwa Daraawiisha fulinta qorshahaani, Xarunta Taliska dhexe ayaa xiligaasi waxaa la sheegay iney laba shir ka socdeen mid siminaar ay ku dhiibaayeen saraakiil ka tirsan Sirdoonada Mareykanka & Fransiiska, kuwaasoo la siinaayay Sirdoonada Soomaalida & Boliiska, halka Taliska Ciidamada saraakiisha Soomaalida iyo kuwa Siroonada ay sugaayeen iney qaabilaan ergada waanwaanta waday ee shababka ka socotay.

Dhanka kale, Taliyihii Ciidamada AMISOM General Nathan Mugisha, ayaa la sheegay inuu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaasi iyo 15 kale kuwaasoo la sheegay in diyaarad looga qaaday garoonka diyaaradaha isla markaasna loo gudbiyay magaalooyinka Kampala & Neyroobi si loo la tacaalo dhaawacyada culus oo ay qabaan, warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in Saraakiil Soomaali ah ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaasi, waxaana warar hoose ay sheegayaan in Cabdiqeybdiid, Indhacadde xubno kale ay ku jiraan.

Dowladaha Mareykanka & Fransiiska ayaa la sheegay iney cambaareeyeen falkaasi waxeyna sheegeen iney gacan ka geysan doonaan sidii dhaawacyada loogu fidin lahaa gargar caafimaad, waana markii labaad ee falal is-miidaamin ah lagu beegsado Ciidamada AMISOM iyadoo horey loo qarxiyay Ciidamada Burundi oo looga dilay ku dhowaad 11 bishii Febraayo.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

like well-written orchestra music, both the orchestration and instrumentation have been flawlessly applied even if one despises the sinister objective of it all. the camouflage could not have been better staged if the report of the use of UN logo bearing vehicles with men with respectable command of English language sitting in the front seats is to be believed. these men took to the enemy as it were and hit hard where it hurts the most.

 

I know it’s easy to say for me but it’s fair to expect the other side to respond in kind and speak in the language of brutality and ruthlessness. men in battlefields are never courteous as the basic requirement of war precludes civil and humane engagement.

 

when one peels out the layers of the onion of his consciousness to its core, one finds the methods used deplorable and reprehensible but in the same token one understands why these men do what they are doing. grounded in theology, this is a version of peculiar understanding of defending religion and the dignity of muslims even if muslims ironically get hurt physically and their interests are impacted negatively, and in more profoundly.

 

in the spirit of old Arab tradition the alshabaab boys accepted the challenge ala mubaarazah style, out there waiting for a worthy opponent. Will the sharifs come out, and fight?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin: weerarkii AMISOM oo lagu dilay 29-qof

18 Sep 18, 2009 - 11:09:11 AM

 

Weeraro ismiidaamin ahaa oo shalay [sep 17] lagu weeraray saldhiga ciidamada AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay 29-qof oo ay ku jiraan saraakiisha AMISOM, waxanaa ku dhaawacmay 35-qof oo ay ku jiraan saraakiil Somali ah.

 

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkan ka dambeeyay, waxaana saraakiisha ku dhintay ka mid ahaa taliye ku xigeenka AMISOM ahna taliyaha ciidamada Burundi ee ku sugan Somalia Gen. Juvenal Niyoyunguruza.

 

Qaraxyada oo ahaa kuwo laga buurxiyay laba baabuur oo laga dhacay UN-ka ayaa waxaa xubnaha fuliyay ka mid ah dagaalyahanada shisheeyaha ah ee ku sugan Somalia, waxaana lala beegsaday dhisme ay ku shirayeen saraakiil Somali iyo Ajnabi ah.

 

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ayaa waxaa ku jira taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Aldof iyo saraakiil Somali ah oo ay ka mid ahaayeen: Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Col. Cali Caraaye Cosoble [Gamaduulle], Gen. Maxamed Nuur [Garmanyo], Col. Xasan Dhicisow iyo kuwo kale.

 

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh. Cali Max'ud Raage oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen weeraradaas, wuxuuna xusay inay ugu aargudayeen walaalkood Saalax Nebhan [Abu-Yusuf] oo ay ciidamo Mareykan ah ku dileen degmada Baraawe ee Gobolka Sh.hoose.

 

"Weeraradan waxay ahaayeen kuwo aan ku dhadhansiinayno cadowga xanuunka rasaasta, sidoo kale waxay ahaayeen kuwo aan ugu aargudayno shacabka la xasuuqay ee Soomaaliyeed iyo walaalken Saalax Nebhan" ayuu yiri Sh. Cali dheere.

 

Xarunta weerarka lala beegsaday ayaa gabi ahaan burburtay sida uu xaqiijiyay Afhayeenka AMISOM Maj. Barigye Ba-huko, wuxuuna xusay in xubno badan oo shirka ka qaybgalaya ay waxyeelo xoogan gaartay.

 

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa xaqiijyay in tiro ka mid ah dhaawacyadii cuslaa ee wax ku noqday weeraradii Ismiidaaminta ahaa la gaarsiiyay Nairobi, waxaana ku jiray sadex sarkaal oo Somali ah.

 

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa kaga dhintay weerarkaas 16-askari oo mid uu ahaa taliye, wuxuuna ahaa weerarkii ugu xumaa ee lagu qaato tan iyo markii ay Somalia yimaadeen [2007], iyadoo weerar kale looga dilay 11-askari o u dhashay Burundi.

 

Maj. Barigye Ba-hoku oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa weerarka ku tilmaamay mid si weyn looga shaqeeyay, wuxuuna ****olka ka qaaday inuu ahaa mid khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo fara badan geystay.

 

"Weerarkan dhacay waa mid nagu qasbaya inaan adkeyno amaanka goobaha ay ku sugan yihiin ciidankeena gaar ahaan xarunta weyn, goob kasta oo colaadi ka jirto waa kala kulmi kartaa weerarka ugu xun iyo kan ugu fudud" ayuu yiri Maj. Behuko.

 

Ilaa 4-qof oo rayid Soomaaliyeed ah ayaa la xaqiijiyay inay weeraradaas ku dhinteen, kuwaasoo ka mid ahaa bukaan ku jiray Isbitaal ku yaala xarunta AMISOM, iyadoo shacab kale oo ay dhaawacyo gaareen ay dibada u soo carareen.

 

Ururada Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, IGAD, Jaamacada Carabta, Mareykanka iyo Norway ayaa cabaareyn dusha kaga tuuray weeraradaas iyagoo ku tilmaamay kuwo fuleynimo ah oo ay fuliyeen xubno argagaxiso ah.

 

Dhanka kale, weeraro iyo duqeymo qaraxyadaas kadib dhacay ayaa la sheegay inay dileen 15-qof oo rayid ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 32-qof oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho qaarkood.

 

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay tiradoodu tahay 5,100-askair waxayna ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyagoo Madaxa AMISOM uu sheegay in weerarkan uusan horistaagayn howlgalka ay u joogaan Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this