Sign in to follow this  
General Duke

Puntland 11th Anniversary celebrations: Long live the state

Recommended Posts

Originally posted by Fu-Fu:

Horta Duke meeqo magac uu iskugu jawaaba?

"Great minds discuss ideas. Average minds discuss events. Small minds discuss people." :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Puntland oo ku jirta Diyaargaroowgii ugu dambeeyey ee xuska maalinta la aas'aasay Puntland

26. juli 2009 

 

APL

Garowe(AllPuntland)- Dowladda iyo dadweynaha Puntland ayaa u diyaar-garoobeya xuska 11 sannad guuradii ka soo wareegtay markii ay la aasaasay Maamulkan, waxaana gudiyadii loo magacaabay howlahaasi socdaal shaqo

ku tageen Xarumaha ay joogaan dadka ka qeybgalaya dadkaasi.

 

Gudoomiyaha gudigan Ahna Wasiiru dowladdaha Maamul-Wanaaga iyo Arimaha Madaxtooyada Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo ah qabanqaabiyaha munaasabadan ayaa usheegay AllPuntland in ay horumar wanaagsan ilaa hada sameeyeen.

 

Gaashaan ayaa sheegay in ay 25-kii bishan oo shalay ahayd ay soo kormeereen dhamaanba goobaha ay joogaan dadka maraya dabaaldegaan, isagoo tibaaxay in ay aad ugu faraxsan yihiin sidda loogu diyaar garoobay.

 

" Waxaan marnay dhamaanba Xarumaha ay joogaan dadkii kutalagalay in ay maalinta soo bandhigaan socod dheer, ayagoo qolo walbaa ku socoto waxa ay qabato, ayadoo ay wax weyn qaban doonaan Ardaydan" Ayuu yiri Gudoomiyaha gudigan Maxamed Faarax Ciise.

 

Mr. Gaashaan ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in xuskan la weyneeyo, isla markaasna 11 sannad guuradaan ay noqoto mid si weyn ay ugu soo baxaan dhamaanba dadka ay khuseyso.

 

Xuskan ayaa aad looga qaban-qaabinayaa gudaha dowladda Puntland, ayna muhiim tahay in ay dhamaanba usoo baxaan dadka dowladda Puntland oo uu sheegay in ay jecel yihiin nabad iyo Daganaansho.

 

F. C. Maxamed

AllPuntladn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taba bar kooban ayaa Maanta Waxaa uga furmay Xaruunta Caasimada Puntland ururka Dhalin yarada ee Mudan qaabkii ay uga Qayb qaadan lahaayen xuska 1 Agust

 

Garoowe-(Allidamaale ):-Tababar kooban ayaa Maanta Waxaa uga furmay Xaruunta Gobolka ururka Dhalin yarada ee Mudan qaabkii ay uga Qayb qaadan lahaayen xuska 1 Agust.

xaruunta Dowlada Puntland looga Taliye ee Garoowe ku Taala ayaa Maanta Waxaa lagu qabtay Shir ku Saabsan Siddi laysugu diyaarin lahaa xuska 1 Agust ee ee ka dhici Doonta Garoowe iyo Guud ahaanba Gobolada Puntland Waxaana ajandaha ugu Wayn ee Shirkii Maanta ahaa Siddi Sharaaxaad balaadhan loo siin lahaa urada Dhalin yarada Gobolka Nugaal uga qayb Gelaya.

 

Shirkaan ayaa Waxaa uu ahaa Shir ay Soo qaban qaabiyeen Gudiga qaban qabada xuska 1 Agust ee hormuudka u ahaa Gudoomiyaha ururkaas Maxamed Faarax ciise Gaashaan Waxaana kaloo joogay Goobta Oo Gacan Wayn ka Geystay Shrirkaan Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Cabdi xirsi Cali qarjab iyo uroro Dhalin yaro Sidda ururka Dhalin yarada Gobolka Nugaal ee Magaciisu yahay MUDAN Oo maanta Sharaaxad balaadhan halkaasi loogu Soo bandhigay.

 

Masuulyiin badan ayaa halkaasi ka hadashay sida Wasiirka Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax ciise Gaashan iyo Gudoomiyaha Gobolka Oo xafiiskiisa lagu qabanayey Shirkaan ku sabaabsan Sidii Sharaxaad Dheer loo siin lahaa ururada Dhalin yarada Gobolka Waxaana heegan sarre loogu jiraa Siddi ay Si qurux badan ugu qaban lahaayeen Dhalinyaradani ugana qayb Geli lahayeen xuska 1 Agust, waxaana lagu wadaa iney tani ahaato mid aan abid la arag hadii alle idmo laguna dareensiiyo caalamka iyo umada Somaliyeedba sida Puntland u dhaqaaqaday oo ay cagaheeda isugu taagtay, hase yeeshee larabo in la habsaamiyo.

 

khudbad dheer uu halakaasi ka soo jeediyey Gudoomiyaha qaban qabada kowda Agust Maxamed Faarax ciise gaashaan aya Waxaa u ku soo qaatay Sharaaxado badan Oo ku saabsan Sidii loogu Dabaal degi jiray 1 luuliyo iyo Maalmaha xuska leh ee Shacabka somaliyeed ku Wayn Waxaana Gudoomiyuhu Cadeyey in Ciidamada banbayda loo sameyey Dhar uu gaar ah Oo ay kaga qayb qaadan donaan xuska 1 Agust waxaa kaloo halkaasi hadal Farxad leh ka soo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka nugaal Cabdi xirsi Cali qarjab Oo xafiiskiisa ay ka dhacayey Shirkaani.

 

Maahan Markii ugu horaysay tan iyo Marki la bilaabay qaban qaabada Maalintaani Wayn Shir noocaan oo kale ah lagu qabto Garoowe loogana arinsanayo arimaha xuska 1 Agust Hasse ahate Shirkaani ayaa Waxaa uu kaga duwanaa kuwii hore Waxaa u ahaa Mid loogu Soo bandhigayey Dhalinyarada si ay xirfad iyo gacanba ugu yeelan lahaayen qaban qabada ay ka qayb iyo ka qeybgalka xuska 1 Agust, isla markaana dar dar u galin lahaayeen is diyaarintooda.

 

 

 

abdirahman Mohamed koronto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this