Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland foreign minister to visit neighbouring countries

Recommended Posts

War-Saxaafadeed: Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo Socdaal ugu baxay Dalalka Jaarka.

 

 

Socdaalka Wasiirku wuxuu qayb ka yahay dedaalka ay Xukuumudda Somaliland ugu jirto...

 

Hargaysa (Gabiley News):- Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta socdaal ugu kicitimay wadamada Deriska aynu nahay ee Djibouti iyo Ethiopia.

 

 

Socdaalka Wasiirku wuxuu qayb ka yahay dedaalka ay Xukuumudda Somaliland ugu jirto adkaynta iyo sii balaadhinta xidhiidhka Walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo wadamada aynu Deriska nahay.

 

 

Sida laga warqabo waxay Dawladaha Djibouti iyio Ethiopia Dalka u soo direen Bishii July 2010, wufuud heer Wasiiro ah kuwaasi oo uu hogaaminayay Dhinaca Djibouti Mudane Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo War-faafinta, halka Wafdiga Ethiopiana uu hogaaminayay Mudane Maxamuud Dirir oo ahaa Wasiirka Dalxiiska.

 

 

Wufuudaasi waxay ka soo qayb galeen Munaasibadii uu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka kula wareegayay 27 July 2010, waxaanay Kulamo la yeesheen Xukuumada Cusub ee Somaliland, Kulamadaasi oo lagu falanqeeyey iskaashiga iyo Danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Dalalkaasi.

 

 

Socdaalkan Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu jawaab u yahay Safaradii ay wufuudaasi ku yimaadeen Dalka Somaliland, waxaana la rajaynayaa in si qoto-dheer looga wada hadlo sii balaadhinta Iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Somaliland iyo Dalalka aynu Deriska nahay.

 

 

Muddada uu Wasiirku Socdaalka ku jiro waxaa la filayaa inuu la kulmo Madax-sare oo ka tirsan Dalalkaasi iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Gobolka.

 

 

Socdaalkan wuxuu ku soo beegmay xili Bulshada Caalamku u muujisay taageero iyo Iskaashi Xukuumada Cusub ee Somaliland, waxaanu Wasiirku inta uu Safarka ku jiro ka shaqayn doonaa Taageerada ay Somaliland ku leedahay Gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo maanta Safar Shaqo ugu Baxay wadamada Djibouti Iyo Ethiopia

posted by: editor

 

Hargeysa/ToggaHerer

Wasiirka Wasaarada khaarajiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi ayaa maanta safar shaqo ugu baxay wadamada aynu jaarka nahay ee DJibuuti Iyo Ethiopia safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahay dedaalkaa ay Xukuumada Somaliland ugu jirto balaadhinta iyo adkaynta xidhiidhka walaalnimo iyo derisnimo ee ay Somaliland la leedahay wadamada Jaarka ah .

 

Safarka uu wasiirku ugu baxay wadamada aynu jaarka nahay ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu jawaab u yahay safarkii ay ku yimaadeen madax sare oo ka tirsan wadamada DJibuuti Iyo Ethiopia wakhtigii ay xilka la kala wareegayeen Xukuumadii Hore ee Somaliland iyo Xukuumada Cusubi .

Wasiirka ayaa mudada uu ku sugan yahay wadamadaas waxa uu wada hadalo la yeelan doonaa sida la sheegay Xukuumadaha Ethiopia , Djibouti iyo Safaardaha ay ku leeyihiin wadamada shisheeye dalalkaas.

 

Safarka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay Wadanka Marykanku iyo Bulshada caalamku xidhiidh ka dhwaajiyeen in ay la yeelan doonaan Somaliland .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Xaaji: Nagadaa dee! Odeygu qayillaad ayuu Jibuuti iyo Itoobiya u doonteyee...Beryahaan waxaa lasoo sheegay, dhaqaale xumo aan caadi ahay ayaa ka jirta Marfashland oo waatuu Riyaale Maalkii dalka oo dhan France geystey. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland oo maanta Safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa maanta u ambabaxay Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo uu kulamo kula yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Dalalkaasi

 

Safarka Wasiirka ayaa War-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay inuu yahay mid jawaab u ah martiqaad ay Dalalkaasi u fidiyeen Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo wakhtigii uu xilka la wareegayay oo ay Somaliland yimaadeen Wufuud ka socota Dalalkaasi

 

Inkastoo aan lagu sheegin War-saxaafadeedkaasi cid kale oo wasiirka Safarkiisaasi ku wehelinaysa hadana waxa la filayaa inuu hordhac u yahay Safar la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku tagayo Dalalkaasi dhawaan

 

War-saxaafadeedka Safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda lagu sheegay Ujeedadiisa oo Waaheen soo gaadhay waxa uu u dhignaa sidan:-

 

War-Saxaafadeed

 

17 October, 2010

 

Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo Socdaal ugu baxay Dalalka Jaarka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta socdaal ugu kicitimay wadamada Deriska aynu nahay ee Djibouti iyo Ethiopia.

 

Socdaalka Wasiirku wuxuu qayb ka yahay dedaalka ay Xukuumudda Somaliland ugu jirto adkaynta iyo sii balaadhinta xidhiidhka Walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo wadamada aynu Deriska nahay.

 

Sida laga warqabo waxay Dawladaha Djibouti iyio Ethiopia Dalka u soo direen Bishii July 2010, wufuud heer Wasiiro ah kuwaasi oo uu hogaaminayay Dhinaca Djibouti Mudane Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo War-faafinta, halka Wafdiga Ethiopiana uu hogaaminayay Mudane Maxamuud Dirir oo ahaa Wasiirka Dalxiiska.

 

Wufuudaasi waxay ka soo qayb galeen Munaasibadii uu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka kula wareegayay 27 July 2010, waxaanay Kulamo la yeesheen Xukuumada Cusub ee Somaliland, Kulamadaasi oo lagu falanqeeyey iskaashiga iyo Danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Dalalkaasi.

 

Socdaalkan Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu jawaab u yahay Safaradii ay wufuudaasi ku yimaadeen Dalka Somaliland, waxaana la rajaynayaa in si qoto-dheer looga wada hadlo sii balaadhinta Iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Somaliland iyo Dalalka aynu Deriska nahay.

 

Muddada uu Wasiirku Socdaalka ku jiro waxaa la filayaa inuu la kulmo Madax-sare oo ka tirsan Dalalkaasi iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Gobolka.

 

Socdaalkan wuxuu ku soo beegmay xili Bulshada Caalamku u muujisay taageero iyo Iskaashi Xukuumada Cusub ee Somaliland, waxaanu Wasiirku inta uu Safarka ku jiro ka shaqayn doonaa Taageerada ay Somaliland ku leedahay Gobolka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda dalk Jabuuti, ayaa markii ugu horaysay ka hadashay siday ka yeelayso haddii Madaxweynaha Somaliland socdaal ku tago dalkeeda.

 

Wasiirka Daakhiliga Mr. Cabdulaahi Maxamed Cumar oo haatan socdaal ku jooga dalka Jabuuti, ayaa shalay kulan la yeeshay dhigiisa dalkaas mr. Maxamuud Cali Yuusuf.

 

Sida uu baahiyay Telefishanka afka dawladda Jabuuti ku hadla ee RDT, waxay labada wasiir ka wadahadleen arrimo ku saabsan xidhiidha labada dale ee Jabuuti iyo Somaliland.

 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu sheegay in dhowaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) booqan doono dalalka deriska oo ay ku jirto Jabuuti, iyadoo wasiirka Khaarajiga Jabuutina sheegay inay soo dhawaynayaan Madaxweynaha Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY MADAXWAYNAHA IYO WASIIRKA KHAARIJIGA EE DAWLADDA JABUUTI

 

 

Isla maanta galinkii hore wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed cabdillahi Cumar, kulan dheer la yeeshay Safiirka dawladda maraykanka u fadhiya dalka Jabuuti

 

War-Saxaafadeed

 

19 October, 2010

 

 

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY MADAXWAYNAHA IYO WASIIRKA KHAARIJIGA EE DAWLADDA JABUUTI

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo booqasho diblomaasiyadeed ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta oo Salaasa -19 October,2010 qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan rasmi ah kula yeeshay Madaxwaynaha Dawladda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirku wuxuu Madaxwaynaha u gudbiyaya fariin uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo nuxurkeedu yahay sida shacabka iyo xukuumadda Somaliland ay u danaynayaan horumarinta xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Jabuuti, iyo in loo baahan yahay kobcinta xidhiidhkaasi. Wasiirka iyo madaxwaynuhu waxay is waydaarsadeen hadalo ka turjumayay mawqifka labada dal ee siyaasadda mandaqada geeska Afrika iyo ilaalinta xasiloonida oo ah dan guud oo ay wadaagaan labada dal iyo wadamada kale ee gobolkuba. Madaxwayne Ismaaciil Cumar geelle wuxuu dadka Somaliland ugu hambalyeeyay guulaha dhinacyada badan leh ee ay gaadheen.

 

Isla maanta galinkii hore wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed cabdillahi Cumar, kulan dheer la yeeshay Safiirka dawladda maraykanka u fadhiya dalka Jabuuti, Ambassador Swan. Waxaa kulankan lagaga wada hadlay siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku wajahan taageerada iyo la shaqaynta Somaliland. waxaa kulanka oo hore loo sii qorsheeyay ujeedadiisu ahayd inay Somaliland talo ka gaysato siyaasad la filayo in dhawaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ka soo saarto magaalada washington oo ku wajahan Somaliya iyo Somaliland. wuxuuna wasiirku u ololaynayay sidii aragtida iyo qorshaha xukuumada Somaliland loogu xisaabtami lahaa ka hor inta aanu siyaasaddaasi soo bixin dabayaaqada todobaabkan.

 

Waxaa kaloo shalay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf. Waxay labada wasiir kawada hadleen sidii loo dardar-galin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacayada ganacsiga, nabadgalyada iyo siyaasadda. waxayna isku raaceen qorshe wax lagaga qabanayo fulinta arrimaha ay kawada hadleen. Shirka ka dib wuxuu wasiirka khaarajiga Jabuuti qado-sharaf u sameeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

 

Dhinaca kale , waxaa maanta wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland qada-sharaf ugu sameeyay hudheelka uu degen yahay wasiirku ee Kimpenski, xubno ka tirsan xukuumadda dawladda jabuuti, qaar ka mid ah ganacasata waawayn ee reer Jabuuti, jaaliyadda Somaliland iyo hogaamiye dhaqameedyo.

 

Shalay galinkii danbe waxaa wasiirka khaarjiga ee Somaliland la soo tusay hawlaha horumarinta ee dalka Jabuuti ku talaabsaday sanadihii ugu denbeeyay oo ay ka mid tahay balaladhinta dekedda iyo mashaariicda badan oo nawaaxigeeda laga hirgaliyay.

 

Waxaa la qorshaynayaa in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhawaan booqasho ku tago Jamhuuriyadda jabuuti, oo qayb ka ah safar madaxwaynuhu dhawaan ku tagi doono wadamo ka mid ah dalalka jaarka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Djibouti although a political enemy they don't have a choice here ..... I would say the government should be vigilant of their actions even if they smile at us ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashga Caalamiga ee JSL oo la kulmay Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia

20101022041202.jpg

 

Waxuu wasiirku sheegay inay Somaliland leedahay waayo aragnimo iyo guulo la taaban karo oo... Daawo Sawiradda

 

Addis Ababa(GNS)Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashga Caalamiga ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumer, oo beryahan ba ku jirey olele diblomasiyadeed oo kor loogu qaadayo xidhiidhka siyaasadeed iyo iskaashi ee Somaliland iyo wadamo jaarka ah, ayaa bishan October,20 keedii oo arbaca ahayd kasoo degay Bole International Airport ee magaaladda Addis Ababa, halkaas oo masuuliyin ka tirsan dawladda Ethiopia iyo safaaradda Somaliland ee Addis Ababa si diiran ugu soo dhaweeyen.

5104885607_5e1920707b.jpg

Wasiirku wuxuu khamiistii kulan dheer xafiiskiisa kula yeeshay Raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dawladda Itoobiya, Mudane Haile-Mariam Desalegn, waxay labada Wasiir si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan oo ay ku tilmaameen mid maalin walba sii kordhaaya oo faaiido u leh labada dal. Waxay si gaar ah u soo qaadeen iskaashiga xagga nabadgelyadda, ganacsiga, dariiqa Berbera iyo Wajaale, Waxbarashadda iyo Duulimaadyadda cirka.

5104885145_82052de7a8.jpg

Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia waxuu ku bogaadiyay xukuumadda Somaliland qorshayaasheeda xaga horumarka iyo dedaalka ay ugu jirto nabad ilaalinta iyo balaadhinta dimquraadiyadda, waxuuna cadeeyay in dalkiisu iskaashi buuxa kale yeelanayo Somaliland Arrimihii shirka lagaga wada hadlay oo dhan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Cabdillahi Cumar oo shirka ka dib la kulmay saxaafadda itoobiya ayaa cadeeyay inay qiimaynayaan xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya laguna rajowayn yahay in xidhiidhkaasi balaadho isla markaana qotto dheeraado si uu usoo saaro midho faaiido u leh labada shacbi. Isla khamiistii waxuu wasiirku la kulmay gudoomiyaha guud ee ururka IGAD Mudane Maxbuub Ma’alin, kulanka oo ka dhacay hudheelka uu degan yahay wasiirku, waxayna ka wada hadleen sida ay Somaliland ula yeelan lahayd wada shaqayn ururka IGAD.

 

Waxuu wasiirku sheegay inay Somaliland leedahay waayo aragnimo iyo guulo la taaban karo oo waxtar u leh ula jeedooyinka loo sameeyay in ururka IGAD ka shaqeeyo oo ay ka mid tahay, Nabadaynta, fidinta dimquraadiyadda, isku xidhka ganacsiga ee geeska Africa iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo isla shalay uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Ururka Midowga Africa (AU), Mudane Erustus Mwencha, kulanka oo ka dhacay xarunta ururka midowga Africa ee AddIs Ababa, waxa laga soo qaaday kaalinta uruka (AU) uu ka qaadan karo horumarka dhaqaale siyaasaded iyo nabadagelyo ee ka socda Somaliland. Waxa kale oo si dheer looga hadlay in sidii midowga Africa u sii amba qaadi lahaa warbixintii ay ka qoreen sanadahii, sanadkii 2005, oo si buuxda u tilmamaysay in qadiyadda Somaliland ay ku fadhido taariikh siyaased iyo sharci cad oo aan ka furayn Africa murano siyaadadeed.

 

Waxaa la filayaa in maalinta jimcaha uu wasiirku kulamo gaar gaar ah la yeelan doono Safiirka Maryanka iyo Safiirka Ingriiska u fadhiya dalka Itoobiya.

 

Dhamaan kulamadaas waxa ku weheliyay wasiirka Mudane, Ayaanle Salad Deria, Acting Ambassador of Somaliland Addis Ababa, Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this