Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Finally Dayniile.com and Onkod tell us how it is...

Recommended Posts

Xubnaha labada gole ee Muqdisho uu ka soo haray hadal aan laheyn wax qabad ayagoona laga adakaday 3 -0

 

Moqadisho

 

Goaan3.JPG

 

Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxad moodaa in ay yihiin kuwa looga adkaaday hadafkii siyasadeed ee dalka kadib markii ay hal balan ay balanqadeyn ay fulinwayee wax kaliyaa ay u joogaana Muqdisho ay yihiin in dhaqaalo xoog ah uu siiyo madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed asagoona diidan taa .

 

Bal fiiri inta bil ay joogaan magaalada Muqdisho 5 bil hal wax ay qabteena ma jiro sidaasna waxaa yiri Cabdisalaan Cali Nuur wax kaliya ay wadaana waa been iyo barabagaando ay ku diidayaan in qarankii Sooomaaliya dib loo soo celiyo ayoo yiri .

 

Xubnaha Muqdisho ku sugan oo ka soo jeeda labada garab ee dowlada ayaan waxba isku ogoleyn ayagoona Xamarna u jooga in dantooda ay ka fushadaan mooyey aysan ka aheyn wadani nimo maxaa yeelay nin Isbaaro shacabka u dhigtay ayey hadana la safan yihiin nin leh isbaardana hala qadana oo qaranka hala soo celiyana wey ka soo horjedaan .

 

Hadaba farqiga u dhaxeeyo labada garab ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar hadaan wax yar u jaleecano kuwa ku sugan Jowhar waa kuwa ay ka go´´antahay in dowlada lahelo ayagoona aad ka daremeysid in ay sameynayaan wax walbo oo lagu soo celin karo qaranimadii Soomaaliyeed halka kuwa Muqdishona ay hortagan yihiin horomarinta dalka ayagoona u hanjabayo heyadahii umada wax u qaban lahaa ayagoona marna laga sugeynin in ay wax u qabtaan shacabka dilatay dowlad la´´aanta

 

Magaalada Muqdisho oo ah meel ay isbaaro dhigteen Dhaqaatiirta, Macalmiinta, Culumada Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka ayaa looga fadhiyaa madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf in uu wax ka qabto dadka noocasi ah.

 

Isku soo duub shacabka Muqdisho ayaa u helan sidii ay ugu soo dhaweynlahayeen Muqdisho ciidamada qaranka ee laga sugaayo in ay wax ka qabtaan kuwa nidaamdiidka ah 15 sano isbaarada u dhigtay qaranka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miniin la yaabo Yaasiinka"murugada Muqdisho"!

 

Maxkamadaha waxaa u cad inay qorshohooda islaamiga ka hirgaliyaan magaalada xamar. wasiirada hubaysan waxaysan aqbalayn inay ka amar qaataan madaxda ka saraysa. gudoomiyaha barlamanka waxaa uu ku jahwareersanyahay balanqaadyada beelaha USCda . dadwaynaha muqdisho waxay u hanqaltaagayaan isbaarooyinka loo qiimeeyay in-ka-badan 25 milyan oo shilinka soomaaliga ah si ay wasiirada hubaysan bulshadooda uga qaadaan isbaaradaas.

 

intaas oo idil waa murugada haysata beesha USCda !!!!.. Beeshan ayaa talada dalka ka xayuubisay Gen: Maxamed Siyaad Bare----- waxaana dadbadan ay u riyaaqeen urukii talada la wareegay ee USC.

 

Laakiin riyadii dadka ayaa hal mar waxaa ay isu badashay riyo argagax leh. ururkiina waxaa uu hadaf ka--dhigtay gumaadida dadka laga tirada badanyahay ee ku nool magaalada xamar iyo dadkii beel ahaan uu ka soo jeeday madaxweynahii talada laga tuuray. muruga xun ayaa ka dhacday Magaalada-Xamar Sagaashameeyadii.

 

Hubkii Dowlada ayaa halmar waxaa uu galay gacanta beelaha USCda iyagoo si foolxun isugu gumaaday Soomaalidi kalana ilaa iyo xiligan ka hortaagan inay dowladnimo helaan .

 

waxaase la yaab leh sida ay beeshaas wali ugu sii taagantahay qorsheheeda lagu waxyeelaynayo nabadkasta oo somaliya laga sameeyo. Wasiiradii masuuliyada dalka lagu wareejiyay ilaa iyo xiligan la joogo lacago baad ah uga qaataan dadka ay masuulka ka yihiin waa '' murugo laga naxo''!!!!!!.

 

Hadii Ganacsatada, ugaasyada , culimada , aqoonyahanada , iyo bulshada beesha USCda ay ku dhaleeceeyaan hogaamiyayaashooda goobkastana ay kaga hadlaan qaabka ay beeshooda u hortaagantahay umada soomaaliyeed waxaa laga yaabi lahaa in xaalku isbadalo lakiin faanoole fari kama qodna.

 

Heshiis midaysan,hubka oo la dhimo,Xarumihii boliska oo la soo celiyo waa ereyo ay si aad ah u garanayaan wasiirada hubaysan laakiin qaabkee ayaa loo fulinayaa hadii beesha waxgaradkeeduba uu raali ka yahay dhibka taagan oo uusan culays laxaadleh ku saaraynin wasiiradu inay hubka maareeyaan.

 

Gudoomiyihii baarlamanka ee raganimada muujiyay, madaxweynahana gaashaanka ku dhuftay waxa uuba qeyb ka noqday balan qaadyada lagu qaadayo isbaarooyinka, mana foga mar haduu nolosha muqdisho la qabsado in uu isna ku qanco in isbaaradu ay raganimo leedahay sida ay beelaha xamar degen u aaminsanyihiin.

 

Iyadoo uu dhibkan oo idil taaganyahay ayaa hadana waxaa eedayn loogu soo jeedinayaa madaxwaynaha Somaliya sababta uu u iman la'yahay magaalada xamar laakiin, waxaa muhim ah in wasiirada hubaysan ay iyagu dib isku baaraan... baaraana, sababaha ay aduunyada iyo dowladuba ku diiday inay muqdisho degaan.

 

isku soo duuduuboo xamar iyo beelaha USCda iyo somaliya oo dowlad noqotaa waxay u baahantahay howl ay ka wada shaqeeyaan wasiirada hubaysan iyo in la isla garto in qaladku yahay hubka oo la xareeyo iyo sumcada beesha oo laga fogeeyo isbaaradhigasha iyo dhalinyarada hubaysan oo loo badalo ciidan midaysan oo hadaf leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sawir gacmeed Muujinaya Guusha Golaha SRRC 2005

 

Posted on Sunday, September 11 @ 12:03:04 PDT by editor

 

Sawir Gacmeedkan ayaa waxaa uu muujinayaa Guusha Golaha SRRC Iyo Dowlada Ethoobiya 2005 oo lagu muujinayo in uu doonayo in Hub iyo Lacag isla socda uu ku duulo isla markaana dagaal huriyo si uu gacanta ugu dhigo qaybaha kasoo horjeeda ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

 

srrc_2004.gif

 

Sawirkan ayaa waxa uu Muujinayaa in ay Guusha Raacday Golaha SRRC halka Reer Muqishana uu Gabalkoodii uu Dhacay Onkod News.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well the truth always comes out, how ever they tried to hide it. Daniile.com, Onkod.com, and all these junky web pages who are hell bent on distroying the new government know their distructive hate propaganda will be exposed by one way or another. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this