Sign in to follow this  
Sky

Kaaha Bari Newspaper- Latest Edition

Recommended Posts

Sky   

kaah.jpg

 

Waraysiyo:Kaaha Bari Sanadka 13aad Cadadka 697aad Boga 3aad

Posted to the Web Jul 13, 01:50

 

 

Boosaaso:-

 

 

KAAHA BARI OO WARAYSI GAAR AH LA YEESHAY MADAX-WEYNAHA DAWLADDA FEDERALKA SOMALIYA

 

MIDOWGA AFRIKA OO KA CODSADAY QARAMADA MIDOOBAY IN CUNA-QABATAYNTA HUBKA LAGA QAADO SOMALIYA

 

KAAHA BARI OO WARAYSI LA YEESHAY WASIIRKA CILMIGA IYO TEKNOLOJIYADA DAWLADDA FEDERALKA SOMALIYA

 

QORSHAHA DAWLADDA FEDERALKA EE 5TA SANO EE SOO SOCOTA

 

KAAHA BARI OO WARAYSI LA YEESHAY WASIIRKA KALLUUMAYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA DAWLADDA FEDERALKA SOMALIYA

 

GAROON DIYAARADEED KII UGU WEYNAA SOMALIYA OO IS-KAA WAX U QABSO LOOGA DHISAYO PUNTLAND

 

GOLAHA SHACABKA BOSASO MAXAY UGU ABAAL GUDAYAAN Dr. KAMALUDIIN X. ADAN?

 

42 MATOOR, TEENDHOOYIN TUTE CIIDAN OO GAARAY JOWHAR

 

12O ASKARI OO LAGU XEREYN DOONO KULLIYADDA TABABARKA CIIDANKA BOO-LIISKA EE CARMO

 

 

KAAHA BARI OO WARAYSI GAAR AH LA YEESHAY MADAXWEYNAHA DAWLADDA FEDERALKA SOMALIYA

 

Boosaaso:- Tifaftire ka tirsan Wargeyska Kaaha Bari ayaa Waraysi gaar ah kula yeeshay Magaalada Bosaso (International Village) 2 july 2005, Madax-weynaha Dawladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi yusuf Axmed, su’aalihii la weydiiyeyna wuxuu uga jawaabay sidaan: -

K.B: Waxaad Booqasho ku tagtay dalka Yaman, marka meel la iska dhigo Wada-hadalkiinii dhex-dhexaadinta, Maxaad ka wada hadasheen Adiga iyo madax-weynaha Yaman?

 

Md. Cabdulahi: SANCA Waa tegey waa run, waxaan ku sugnaa halkaa dhowr iyo toban beri, waxaana i Marti-qaaday madax-weynaha Yaman Cali Cabdalla Saalax, keligey ima martiqaadin ee wuxuu isugu yeeray aniga iyo wafdi ila socdey iyo wafdi la socday Shariif Xasan sheikh Adan.

 

Ujeedaduna waxay ahayd inuu na dhexdhexaadiyo, wuxuuna aad ugu dadaalay in aannu hal meel isugu nimaadno oo na wada hadalsiiyo, Anigu wax Allaale wuxuu soo jeediyey waa Oggolaaday, qoladii kale ee shariif Xasan Madaxda u ahaa, wax Allaale iyo wixii uu soo jeediyey waa diideen, waana Is-hortaageen iyadoo aanay wada hadalladii dhammaan, shirkii waa qaadaceen, Sidaa ayeyna dhex-dhexaadintii ku burburtay.

 

K.B: Haddii go’aanka dawladda iyo barlamaanku ahaa in dawladdu degto Jowhar iyo Baydhabo, baydhabose Xaalkeedu laban yahay, Ma jowhar keliyaad degeysaan?

Md. Cabdullaahi: Meel Alla meeshii Ammaan ah oo Soomaaliya ka mid ah oo lagu shaqeyn karo, inta la nabadeynayo Muqdisho, nooma kala soocna oo waa ku shaqeynaynaa, dawladda qayb ka mid ah Xamar bay degeysaa, qaarna Jowhar, kuwana Baydhabo, taas macnaheedu ma aha inay naga-reeban yihiin magaalooyinka kale ee Soomaaliya ka tirsan ee koonfurta ah, Gobollada Puntland Xaaraan nagama aha, laakiin Caasimaddii ayey ka fog yihiin, Annagu marka go’aankayagii baan ku soconaynaa, sidii hubka dhigista iyo Masiibooyinka wax looga qaban lahaa ayaan ka shaqeynaynaa, waxaannu ku dadaalaynaa Koonfurta Soomaaliya oo aan Ammaankeedu hagaagsanayn in Amnigeeda la hagaajiyo.

 

K.B: Ma jirtaa Gobolka Bakool, meelo ka mid ah in aad Asteysateen in aad degtaan?

Md. Cabdullaahi: Bakool Gobollada aan degeyno ayey ku jirtaa, sida Xuddur, Beledweyne, Kismaayo, Baydhabo, Gobolladaas oo dhan waa isugu kaaya Mid , laakiin waxaan u kala hormarinaynaa sida hadba Xasilloonidoodu tahay.

 

K.B: Dadka Qaarkood, waxay ku Tilmaamaan kuwa Mucaaradka ah oo diidan in dawladdu meel aan Muqdisho ahayn in aanay ku shaqeyn Karin inay yiiin dawladnimo diid, arrintaas maxaad ka leedahay?

Md. Cabdulahi: Arrintaasi Xaqiiqo weeye, nimanka noocaas u dhaqmaya oo afduubka dalka ku haystay 15 sano oo saddex dawladood oo hore Xamar ku soo burburiyey ujeedada dhan oo ay dawladda ugu khasbayaan in iyagoo ogsoon inay iyagu Xaarumihii dawladda haystaan waxay rabaan sidii ay dawladdihii hore u Ceejiyeen oo u dumiyeen inay tanna u Ceejiyaan oo u dumiyaan, dawladna ma rabaan, Nabadna ma rabaan, Anigu saas baan aaminsanahay.

 

(EEG Bogga 4aad)

(Ka yimid Bogga 3aad)

 

KAAHA BARI OO WARAYSI GAAR AH LA YEESHAY MADAXWEYNAHA DF KMG AH SOMALIYEED

 

K.B: Dhex-dhexaadintii ay wadeen dawaaladaha IGAD iyo kuwa kale wax rajo ah ma leedahay?

Md. Cabdulllaahi : Intayada Nabadda, Xasilloonida iyo dawladnimada raadinaysaa wax Allaale wixii wax Xallin karaya waa oggol lahay.

 

K.B: waxay sheegeen in Barlamaanku Xamar ku shirayo oo ay Aqlabiyad yihiin, waxna bedelayaan, arrintaasi sidee u aragtaa?

Md. Cabdulahi : Waxay u muuqataa arrin aan soconayn , Waayo Barlamaankii waa la soo Xiray, Gobollada ayaana loo kala diray, shaqo inay soo qabtaan oo dadka soo heshiisiiyaan baa loogu diray oo Malleeshiyooyinka hubka ka dhigaan, oo meeshii aan Maamul lahayn Maamul ka soo dhisaan, Jeer Barlamaanka dib laysugu yeero, Sharci ahaan Barlamaan la shirin karaa ma jiro ayey ila tahay.

 

k.B: Arrinta Ciidamadii Imaan lahaa Soomaaliya maxaa hakiyey?

Md. Cabdulahi: Laba arrimood ayaa hakiyey

1. Arrimo dhaqaale, waayo dalalka Afrika Waa dalal Sabool ah oo dhaqaale ay ciidamo dalal kale ugu diraan ma haystaan, Marka dhaqaale Raadis baa lagu jiraa.

2. Soomaliya waxaa Saaran Cunaqabatayn hubka iyo Rasaasta ah, Marka qaramada Midoobay ayaa la rabaa Cunaqabateyntii inay ka qaadaan. Qorshuhuna waa sidiisii ee labadaa arrimood ayaa hakiyey, marka la dhammeeyana waa imaanayaan.

 

k.b: Adigu, hadda safarkaagan Xaggee ku socota oo ku degeysaa?

Md Cabdulahi: Anigu Magaalo kasta in aan tagaan rabaa, halka markaan ka tago, Gaalkacayo ayaan ka dhoofayaa, Beledweyne waa tegeyaa, Xuddur baan Tegayaa, Jowhar waa tegeyaa, Kismaayo haddii ay ii suurta gasho waa tegayaa, waxaan la shaqeynayaa Ciidamada amniga Soomaaliya oo la dhisayo oo ka qayb qaadanayaa, Mudada Xukuumaddu ku Hawlan tahay dib u heshisiinta iyo Arrimaha Xamar, Labada Bilood ee soo socota waa Wareegayaa oo Gobollada ayaan Marayaa, Markaan isku dubba ridno arrimahaasna Xamar baan geleyaa.

 

K.B: Kharashkaa intaa le’eg Xaggee baad is leedahay waa ka heleysaa ?

Md. Cabdulahi: Waa dadaalaynaa, Annaga Wax Ma haysanno, Dadka Soomaaliyeedna Cashuur lagama qaado, waxaana raadinaynaa Taageerada Adduun weynaha, Cid Allaale Ciddii wax na siinaysa waa ka qaadanaynaa.

 

K.B: Muxuu yahay Mowqifka dalalka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan dib u heshiisiinta Soomaaliya, Mase laga helay Taageero dhaqaale?

Md. Cabdulahi: Annaga markii hore waxaa nalaku Xiray shardi ah dalka gudihiisa aan tagnaa, waana tagnay, waxaan uga fadhinaa Jaamacadda Carabta wixii ay taageero ay nasiin lahaayeen.

 

K.B: Dawladda Maraykanku Warka Dul-salaaxa ah ee ay ka sheegtay Muqdisho maxaa loo qaadan karaa?

Md. Cabdulahi: Aniga waxay ila tahay Nin Amni darro iyo Fad-qallalo ka shaqeynaya ninkii ammaana, Soomaaliya ayaanu Gobannimo la rabin, Annaguna meel aan isku khilaafnay ma jirin, ujeedada ay leeyihiin waa soo bixi doontaa.

 

KAAHA BARI OO WARAYSI LA YEESHAY WASIIRKA CILMIGA IYO TEKNOLOJIYADA EE D/ FEDERALKA SOMALIYA (Ismaciil Xasan Jaamac)

 

Garoowe:- Waxaa u Suurta gashay Weriye ka tirsan Wargeyska kaaaha Bari, in uu Waraysi kula yeesho Garoowe 26 june 2005, Wasiirka Cilmiga iyo Teknolojiyada Dawladda Federalka somaliya Md. Ismaaciil Xasan Jaamac,waraysigiina wuxuu u dhacay sidaan:-

K.B: Tegidda Muqdisho, Ma aha Aayad Qur’aan ah oo aan la bedeli Karin, sow kama habboona Geed hoostiis in dawladnimada lagu Yagleelo?

Md. Ismaciil: Jawaabtu waa Haa, Meeshii Nabad ah ayaa dawladda Soomaaliya lagu Unki karaa, Cidii xujo ka dhigata Xamar meel aan ahayn dawladi kuma shaqeyn karto waa Cid ka soo horjeeda dawladnimada, Xamar hadday hagaagto diyaar baa loo yahay.

 

K.B:Waxaa Muuqata in dadaalkii dawliga ahaa in Somaliya dawladnimo loogu dhiso uu Mugdi galay, kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay Golayaasha Dawladda, Eeddaas yaad Saaraysaa Adigu?

Md. Ismaciil: Horta dawladnimadii la soo dhisay Mugdi Ma gelin, waa Koox yar oo Mucaarad noqotay oo dan gaar ah Wadata, oo Danta Soomaaliyeed iyo Dantoodu Iswaafiqi waayeen.

 

K.B: Golayaasha Xukuumadda iyo Barlamaanka marka ay kala degaan Jowhar iyo Muqdisho, kala jabkaas, Maxaa ka dhalan kara?

Md. Ismaciil: Uma arko in uu kala jab meesha ku jiro, meesha waxaa jira koox yar, waxaana badan inta wanaagga Soomaaliya doonaysa, waana Cid Dan gaar ah, doonaysa oo an Dan Soomaaliyeed wadin.

 

K.B: Guddoomiyaha Barlamaaka Dawladda Federalka Soomaaliya Md. Shariif Xasan, waxaa laga soo weriyey in uu yiri Barlamaanku Muqdisho ayuu ku shirayaa, madaxweynahana Kalsoonida waa lagala noqonayaa, Marka, Maxaa halkaa ka dhalan kara ?

Md. Ismaciil: Taasi waa Riyo , wuuna Riyoonayaa, malaha Run kama aha, , Barlamaanku wuu xiran yahay, waxaana Xiray Dastuurka DKMG ah, wuxuuna ku furmi karaa, Saddex meelood oo laba markay isu yimaadaan, taana sinaba uma heli karo.

 

K.B: Waxaa jira Gobollo Nabad ah oo Dawladu ku sii shaqayn karto, Muddada Xamar la Xasiilinayo, kuwa diidan arrintaas Maxaa loo qaadan karaa?

Md. Ismaaciil: Waa Soomaali Diid, Dawladnimo Diid, Danaystayaal ah.

 

K.B: Sidaad ogsoon tahay, Gobolladaan PL iyo SL waxay leeyihiin Xiriir Iskaashi, ganacsi iyo Isu socod, Misana waxaa ka jira Caqabado kale oo Siyaasadeed, arrintaas, sidee loo Xallin karayaa?

Md. Ismaciil: Haddii aan Cidi dan gaar ah ka wadan, Danta Ummadda Somaliyeed waa isku mid, wixii isu soo dhoweynaya ayaana dan u ah, kii kala fogeynayaana waa Cadowga Ummadda Somaliyeed.

 

K.B: Haddii aad timaadeen Gobolladaabn PL Sidee u aragteen?

Md. Ismaciil: Dhul Nabad ah, Dadkoodu deggan yahay, Horumarna waxaa ugu horreeysa Nabad.

 

KAAHA BARI OO WARAYSI GAAR AH LA YEESHAY WASIIRKA KALLUUMAYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA EE DAWLADDA FEDERALKA KMG AH EE SOOMALIYA

 

Garoowe:-WERIYE KA TIRSAN WARGEYSKA Kaaha Bari waxaa u suurta gashay in uu waraysi gaar ah kala yeesho Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda DF, Md. Xasan Abshir Farax oo Wafdi yimid PL hoggaaminayey 25 June 2005, waraysigiina wuxuu u dhacay sidaan:-

 

K.B:Maxay tahay Sababtaad u timaadeen Puntland?

Md. Xasan : Dawladda Federalka go’aan bay gaartay, Barlamaankuma, waa Oggolaaday, Degaamadii in lagu noqdo, iyadoo la isku dhafan yahay oo Soomaali ay dhan tahay, Wafdiga halka socdaana,Ma aha Reer PL oo keliya, Golihii wasaaradda iyo Golihii Barlamaanka ayuuna isugu jiraa, laba qodob baana ugu waa weyn Fulintooda

 

1.Puntland lama mid aha, Gobollada kale ee aan waxba ka dhisnayn, Maamul baa ka jira, Barlamaan baa ka jira, Dawlad baa ka jirta, laakiin waxaan Annagu u nimid, in aan kala qayb gallo dhismaha Golayaasha Degaanka Madaxweynaha iyo Xukuumadda PL Waxaan ku heshiinnay, degmo kasta inta la tago loo dhiso Gole shacab iyadoo dadkeeda lala tashanayo.

 

2.In Dib u heshiisiin laga dhex sameeyo, Beelaha Soomaaliyeed oo khilaaf ku kala dhex jiro lana dhammeeyo.

 

K.B: Fashalka Shirka SANCA, Maxaa ka dhalan kara, oo uu saameyn yeelan karaa?

Md. Xasan: Aad baan uga Xumahay, waxaana rajaynayey shirkii SANCA laysugu tegey in Is-af-garad iyo Tanaasul ka dhalan doono, laakiin waxaan idiin sheegayaa dawladdii (Majority)-geedii Jowhar bay degtey, waxaanse qabaa in la sii wado, wadahaladii Dib u heshiisiinta.

 

K.B: Caasimaddu ma aha aayad Qur’aan ah oo aan la bedeli Karin, haddii aanay nabadeedii hagaagsanayn, Suuragal ma noqon weydey in Xattaa meel ka fog oo Nabad ah dawladdu ku sii shaqeyso, inta laga Xasilinayo?

Md. Xasan: Caasimaddu sida Dastuurka lagu dhigay oo labada Gole isku raaceen waa Xamar, hase yeeshee dhibbaa ka jirta, inta wax laga qabanayo oo hubka laga dhigayo malleeshiyooyinka kala duwan, In dawladu ku sii shaqayso Baydhabo iyo Jowhar, hase-yeeshee Baydhabo dhexdooda ayey iska haystaan, dadkii degaanka lahaa, Daggaallad dhexmaray Sidaa daraadeed, go’aan waxaa lagu gaaray in JOWHAR la dego, Xamarna Xafiis laga furo, go’aanka la gaaray waxaa weeye in Jowhar noqoto caasimadda KMG ah ee DF KMG.

 

K.B: Madax-weynaha Xaggee Xarun u noqon doonta?

Md. Xasan: Xarunta Madax-weynaha waxay noqonaysaa Jowhar, laakiin Gobolkasta hawl buu u tegayaa, oo ma noqonayo in uu meel iska fariisto, isagay noqonaysaa inuu wareego oo Gobolada isaga tallaabo.

 

GOLAHA SHACABKA DEGAANKA BOSASO MAXAY UGU ABAAL GUDAYAAN Dr. KAMALUDIIN XAAJI ADAN?

 

Boosaaso:- Dr. Kamaluddiin X. Adan, oo ah Takhtar ku takhasusay Qalliinka , wuxuu yimid Boosaaso 1991dii, isagoo ahaa Ninkii ugu horreeyey oo si Geesinimo leh Hantidiisii ugu huray, Horumarka Magaalada Boosaaso iyo Bilicdeeda, dhisayna DAAR u Xil-Qarisay Magaalada Boosaaso ama Puntland oo ay dad badani kaga Daydeen in ay dhistaan iyadoo kale.

 

Waxaana jira dad ka dhaqaale badnaa laakiin aan Dalkooda iyo dadkooda uga faa’iideyn. wuxuu kaloo horseed u noqday 10 sano kadib, (2001dii), in uu ka Yagleelo Boosaaso Magaalo yar oo la tartami karta Xagga Naqshadda,, Bilicda, Magaalooyinka Adduunka kuwa ugu qurux badan.

 

Dadka reer Boosaaso oo daawashada u tegey waxay Qirayaan in Dr. Kamaluddiin X. Adan uu Magaalada sharaf u soo hooyey oo Mudan yahay in la dhiirri geliyo, waxaana Abaal gud ugu filan in Golaha shacabka Deegaanka Boosaaso qiimeeyaan, oo ugu hormariyaan qorshaha Habeynta Magaalada ay Bilaabayaan iyo Barnaamijka Waddooyin Furidda Boosaaso, oo loo banneeyo waddo ama waddooyin Toos u gala International Village, Si shisheeye iyo Sokeeyaba ay ugu tagaan sida ugu sahlan Goobtaas Muhiimka u ah Puntland oo SUMCADDA iyo SHARAFTA u soo jiiddey oo ku taal Koonfur Galbeed ee Bosaso, international Village Waxay ka kooban tahay dhismayaal Cajiib ah oo qurux badan oo Hal (Campoun) ku wada jira, oo dhirayn Xad-dhaaf ah loogu lebisay Goobtiina qurux gaar ah u yeelay oo saf saf loo Beeray, Markii loo Qoordiidey, ka sii bilixsamaadeen, waxaana shaqo ka heley Somali badan.

Marka aan u soo jeedinayno Golaha shacabka, Taladaas, waxaan ka Tarjumaynaa Dareenka shacabka, iyadoo aan rajaynayno in ay qaadan doonaan taladaas.

 

QORSHAHA DAWLADDA FEDERALKA EE 5TA SANO SOO SOCOTA:

 

Jowhar:- War-Saxaafadeed ay Dowladda Federaalka KMG-ka ee Soomaaliya ay kasoo saartay Caasimadda KMG ah ee DFSKMG ee Jowhar 5 luulyo 2005, ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha la doonayo inay ku shaqeyso Dawladdu mudada 5-sanadood ah ee soo socota.

War-Saxaafadeedkan oo uu soo gudbiyey warbaahinta Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa qodobadiisa waxaa ugu Muhiimsanaa:

 

•Maamul u Sameynta Gobollada iyo Degmooyinka,

•U diyaarinta Dalka Doorasho Guud oo ka dhacda,

•Tiro koobyo dadka, iyo Waxka qabashada Qashinka lagu soo shubayo Xeebaha Somalia iyo Qodobo kale

 

GAROON DIYAARADEED KII UGU WEYNAA SOOMAALIYA OO IS-KAA- WAX- U-QABSO LOOGA DHISAYO PUNTLAND

 

Boosaaso:- Booqasho aan ku tagnay dhismaha ka socda Garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaan waraysi kala yeelannay qabka shaqadu u socoto, Wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Yaasiin Cartan Maxamed, waraysigiina wuxuu u dhacay sidaan:-

K.B: dhismaha aad ka dhisaysaan halka, Marka la eego baaxaddiisa, ma jiraa mid le’eg Soomaaliya iyo deriska?

Md. yasin: Kani waa dhismihii ugu weynaa ee Soomaaliya, mana jiro Garoon baaxad le’eg ilaa hadda, marka lagu daro jabuuti.

 

K.B: Yaa Maal-gelinaya mashruucaan ?

Md. yasin: Waxaa lagu dhisayaa Is-kaa wax u qabso, waxaana iska kaashanaya, Dawladda Puntland, iyo Bulshada Reer Puntland.

 

K.B: Sida Muuqata dhismaha garoonku waa ka weyn yahay awoodda Puntland, Marka ma jirtaa Cid idinku gacan siisa?

Md. Yasiin: Ilaa iyo hadda Ma jirto, Xilligii Burburka Ummadda reer Puntland, waayo- aragnimo badan ayey heshay waxayna garatay wax aanay qabsan in aan cidi u qabanayn waana isku tashatay, kharashkii lagu dhammeys tiri lahaana waa loo hayaa.

 

K.B: Goormuu dhammaanayaa?

Md. yasiin: Ku talo galku wuxuu ahaa 10 Bilood, laakiin hadda waa ka soo hormarayaa, waqtigii loo qabtay wuxuuna ku dhammaanayaa 7 Bilood, markii uu dhagaxa dhigay Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamud Muse Xirsi oo ahayd 2dii April 2005.

 

K.B: mashruuca Emarada Sharjah ugu deeqday Puntland iyo kani maxay kala yihiin?

Md. yasiin: Waa kala duwan yihiin, RUNWAY-ga waxaa lagu heshiiyey in ay dhisto Sharijah, laakiin TERMINALKA Bulshada Puntland ayaa dhisanaysa.

 

K.B: Dhismahani ma leeyahay Adeegyadii Garoomo lahaan jireen oo dhan?

Md. yasiin: Haa waa leeyahay.

 

K.B: Garoonku wuxuu ku yaal Meel Dabayl iyo Ciid badan, Marka dhireyni ma idiin ku jirtaa qorshaha?

Md. Yasiin: Injineerku wuxuu ku talo galay in uu Bilaabo hadda dhir Beerid, si ay u barbar socoto dhismaha Garoonka Ceelashii baanse qodnayn.

 

MIDOWGA AFRIKA OO KA CODSADAY Q/M IN CUNAQABATAYNTA HUBKA LAGA QAADO SOOMAALIA.

 

Midowga Afrika ayaa waxaa uu ka dalbaday Qaramada Midoobay in in laga qaado Soomaliya Cuna qabataynta laga saaray dhanka hubka si ay wadamada Africa ay uga qayb qaataan hubka dhigida Maleeshiyooyinka hubaysan isla markaana ay , ugu diraan wadanka Soomaaliya Ciidamo nabada ilaaliya kana qayb qaata dhismaha ciidan midaysan oo Somaliya yeelato.

 

waxayna, Muujiyeen in ay garab taagan yihiin dawlada Federaalka ee Soomaaliya loo dhisay, ayna la shaqeeynayaan Wadamada Bariga Afrika ee ku jira bahda (IGAD).

 

42 MATOOR, TEENDHOOYIN TUTE CIIDAN OO GAARAY JOWHAR

 

Waxaa Cirka loo soo mariyey oo soo gaar Magaalada Jowhar oo noqotay Caasimadda KGM ah ee Dawladda Federalka Soomaaliya, qalab hordhac ah oo isugu jira sida nasoo gaartay Afartan iyo dhowr Matoor oo Dab dhaliye, Teendhooyin, iyo Tuute Ciidan.

 

Qalabkaas oo Hordhac u ah, Taageerada Adduun-weynuhu ugu Deeqayo Dawladda Federalka KMG ah, waxaa la filayaa in ay sii kororto Mustaqbalka.

 

 

12O ASKARI OO LAGU XEREYN DOONO KULLIYADDA TABABARKA CIIDANKA BOO-LIISKA EE CARMO

 

Boosaaso:- 15ka luulyo 2005, waxaa la qorsheeyey in lagu Xereeyo kooxdii u horreysay oo ka tirsan Ciidanka Booliiska oo dhan 120 Askari, oo lagu tababari doono kuliyadda laga dhisay halkaas, oo socon doona muddo 3 Bilood ah, waxaana ka mid noqon doona 20 Gabdhood oo la bari doono Hawlo gaar ah, sida Isgaarsiinta oo kale.

 

Ciidankaasi waxay ka kala imaan doonaan saldhigyada Booliiska Puntland, Staff-yada, iyo Kuwa kale oo si gaar ah loo soo xulayo.

 

Wargeyska Kaaha Bari ee (Boosaaso-Puntland)

Chief Editor: Prof. Khaliif Mohamed Barre

Daabacaada:Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this