Sign in to follow this  
Gabbal

The ICU recruits an old Al Itihad legend to go between them and Gedo/Caabudwaaq.

Recommended Posts

Gabbal   

Latest News

Sheekh Maxamuud Macallin Nuur Oo Baaq U Jeediyey Beesha ****

Nov 19,2006

by Muqdisho-Gedo-NN

 

Sheekh Maxamuud Macallin Nuur oo ka mid ah culaamudiinka ka soo jeeda gobalka GEDO oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo baaqyo ah oo u soo jeediyey beesha **** iyo doorkooda kaga aadan midowga maxkamadaha islaamiga ee magaalada Muqdisho.

 

Sheekh Maxamuud Macallin Nuur ayaa ugu baaqay in beesha **** ay ka qeyb qaataan midowga maxkamadaha oo dadaaalo badan ka wada qeybo badan oo ka tirsan wadanka Soomaliya asaga oo sheegay nimaadyo qaldan oo dalka lagu soo dhaqi jiray inay u horseedeen burburkii la soo maray 16 sano ee la soo dhaafay, haatanna ay ummadda soomaliyeed ay garwaaqsadeen inay dib ugu soo noqdaan ku dhaqankii diinta islaamka. Sheekh Maxamuud Macallin Nuur ayaa waxaa kale uu sheegay in ayada oo la faaideysanayo guulaha maxkamadaha ay gaareen inay beesha **** ay ka qeybqaataan, kana harin dadaalka ay midowga maxkamadahu ka wadaan wadanka Soomaliya.

 

"Waxaan ugu digahayaa dagaalka lagaga horimanayo maxkamadaha oo aakhiro iyo aduunba aan faaiido laheyn, lana iska dhaafo, lana joojiyo waxii colaad ah, loona soo jeesto midnimada ummadda soomaliyeed", ayuu Sheekh Maxamuud asaga oo la dardarmaya beesha **** oo ku wajahanaa shirkiisa jaraaid.

 

Sidoo kale, Sheekh Maxamuud Macallin Nuur ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay "In asaga ka faaideysanayo munaasabadan ugu baaqaya midwoga maxaakiimta inay ka fogaadaan wax alle waxii isku dhac u keeni kara beesha **** iyo iyo midowga maxaakiimta, sida dhacdii ka dhacday Buaale oo ay ummadda Soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay aad ugu xumaadeen". Asagoo hadalkisa sii watana ayaa sheekh Maxamuud yiri "Waa in waxii lakala tirsanayo lagu xaliyo si deg deg ah oo shareecada islaamku qabto".

 

Sheekh Maxamuud Macallin Nuur oo ka hadlayey gaadiid si shaqsi loo leeyahay oo xoog loogu heysto magaalada Kismaayo ayaa yiri " Waxaan ugu baaqaynaa in maxkamaduhu inay gaadiidka sida shaqsiga loo leeyahay loogu celiyo dadkii iska lahaa sida ay shareecada islaamku qabto, lagana hortago wax alle waxii dhibaato keeni karo, shacabkana kalsoonidooda loo kasban lahaa.

 

Ugu dambeyntii ayaa Sheekh Maxamuud mar kale la weydiiyey inay beesha **** ay ku qanacsanayn qaabkii ay midowga maxaakiimta ula dhaqantay eheladii dhalinyaradii dhowaaca aheyd ee lagu xasuuqay Buaale ayaa ku jawaabay " Dhacdadaasu waa khalad ka dhacay maxaakiimta, xalinteedu hadba waxay ku xiran tahay sida loo daweeyo, hadii sida saxda aheydna loo xaliyo arrintu waa iska qabowbeysaa". Balse, waxaa ay dad badani ay isweyiidanayaan waxii kale gudboon beesha **** hadii ay jawaab ka bixin midowga maxaakiimtu xasuuqii ka dhacay magaalada Buaale oo aan weligeed ka dhicin dalka Soomaliya.

 

MACilmi-Gedo-NN-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Culuma udiinka beesha **** oo baaq ka soo saaray Muqdisho

 

 

Mogadishu 19, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Qaar ka mid ah Culuma udiinka Beesha **** ayaa waxa ay ku baaqeen in gobolada beesha ay dagto lagu baahiyo laga hirgaliyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

Sheekh Max'ed Macalin Nuur oo ka mid ah wadaadada beesha **** ee magaca ku leh gudaha beesha **** oo maanta shir jaraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dhamaan gobolada beesha ay dagto ay hirgaliyaan ku dhaqanka shareecada islaamka, ayna la saan qaadaan walaalahooda hormuudka u ah dhaqan galinta iyo isku xukumidda shareecada islaamka.

 

Sheekha waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin maxkamado islaami ah oo dhowaan looga dhawaaqayo degmada caabduwaaq, iyo sidoo kale degmada Baardheere ee gobolka gedo, isagoo ku amaanay waxgaradkii arinkaasi ka shaqeeyay.

 

Waxa uu ugu baaqay beesha in ay ka qeyb qaadato difaaca dalka iyo diinta iyo dadka doonaya in ay baabi'iyaan iftiinka islaamka, isagoo sheegay in beesha ay iska xakameyso xubno ka mid ah beesha oo doonaya in ay dagaalo la galaan maxkamadaha islaamka.

 

Sheekha waxa uu sheegay in dhacdadii dhowaan ka dhacday degmada Biu'aale oo lagu laayay maleeshiyooyin dhaawac ahaan loogu daweynayay degmada Bu'aale oo daacad u ahaa Barre Hiiraale iyo arimo kale in loo baahan yahay in aan fowdo lagu badalin, isla markaana loo raadsho amuurtaasi xalkeeda shareecada islaamka.

 

Si kastaba ha ahaatee xubnaha culuma udiinka ah ee ku kulkmay Muqdisho ayaa meesha ka saaray in maxkamadaha islaamka somalia sidii maamulkooda u u gaaray gobolada Jubbooyinka beel ahaan iyaga la takooro, waxaana ay sheegeen in arimahaasi aysan jirin ayna xubno ka yihiin maamulka islaamiga ee Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this