Sign in to follow this  
xiinfaniin

ILA TALI WALAAL

Recommended Posts

Waa barnaamij Macalin Nuune kula talinayo siyaasiyiinta iyo madaxda Dalka Somaliya.

 

Macalin Nuune waa nin da' dhexaad ku jira, khabiir ku ah dhaqanka soomaaliyeed, xirfado kala duwan oo uu ka shaqaysto leh , yaqaan afaf dhowra, safra oo dalka iyo waxa ka socda wacyi dheeraad ah u leh, lana socda xaaladaha siyaasada, ganacsiga, iyo bulshada ee dalku hadda ku jiro.

 

Macalin Nuune wuxuu leeyahay taariikh dheer, haddaanse soo koobno, wuxu ku dhashay koonfurta dalka Somaliya gaar ahaan meel u dhow xuduuda Baarrey. Waaguu Macalinku dhashay waxaa wax lagu tirin jirey xilliyada, waxaana la isticmaali jirey magacyada abaaraha ama barwaaqada. Hadaba wuxuu Macalin Nuune dhashay gu'gii Qosol Da-arood.

 

Ababkiisii hore wuxuu ahaa wiil yar oo firfircoon, oo fahmo dheeraad ah ilaahay ku mannaystay. Asagoo yar buu xeraysi iyo xalaqaad diinta barashadeeda ku dhammaystay. Waxbarashadiisa maadiga ah si qubane ah buu weligii u watay oo inta badan qalinka iyo qaddu waa isku agyaaleen. Wuxuu arday weligii u ahaa taariikhda iyo isbedelka waayaha.

 

Shattiyo badan buu leeyahay waxaase ugu danbeeyey kii u ku qaatay inuu diyaaradaha duuliyo, iyo midka ay hadda shan dawladood u siiyeen inuu dadka hawada badan la taliyo, sida siyaasiyiinta, iyo hogaamiyaasha ganacsiga...

 

Asbuucaan waxaa Macalin Nuune marti u ah, Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Cabduraxman Sheekh Maxamed Faroole, iyo Axmed Maxamuud Siilaanyo.Waxaa Asbuuca danbe u ballansan, Admiral Cusman, iyo Faarax Macallin.

 

Hadaba inta uusan Macalinku tala bixin wuxuu ka codsaday martiga inay soo koo kooban xaaladah hortaagan ee lagala talinayo.

 

Kusoo dhawaada Macalin Nuune asagoo marka hore aqrinaya xaalada Sheekh Sharif!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ :D Waxaan aaminsanahay inuu AT&T ka dhax qeelinayo qoraalkan ee uu Xaaji Xiin soo bandhigey, taasna waxaa daliil u ah in Xiin uu sadex waxyaalood isku keenay, Baarreey, Faarax Macalin, iyo gugii Da-arood :D

 

intaa waa iga kaftan,

 

 

Hada ka hor baa NGONGE wuxuu yiri "clan is everything" in Somali politics, maalintaas ayaanba ka sii niyad jabey anoo awalba nacsanaa aafada, si fiican buu ula helay, waana run, waana sababtaa igu sii dhalisey inaan iska ilaaliyo ku xeel-dheeraashada ama gorgortanka siyaasadeed ee Soomaaliya, xag taageero loo siiyo qolo gooni ah iyo gobol etc.

 

 

Dadka siyaasada Soomaaliya u adeegsada hab qabiil waxaan aaminsanahay in ay soo qurquriyeen taxliil mariid ku jirta taas oo ku daxaleesatey qalbigooda, adagna in laga sifeeyo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this