Sign in to follow this  
Jumatatu

Ciyaar Final ah oo galabta ay ...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Ciyaar Final ah oo galabta ay X/weyne isaga horyimaadeen Shibis & Gaheyr

Labadan kooxood ee galabta ciyaarayey ciyaarta Final-ka aheyd ayaa ka soo haray 12 kooxood oo lagu furay koob uu dhigay maamulaha machadyada Olympic Fitness Center C/llaahi Axmed Colow (Joorje), waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar raaligelisay daawadayaasha, iyadoo koox waliba ay ku hamineysay in ay ka guuleysaneyso kooxda kale.

Ujeedada loo qabtay ciyaarahan waxey aheyd in dhalinyaradii cuslaatay loo arko in ay ciyaari karaan waxaana fikirka in la dhigo koobkan keenay Yuusuf Xasan, waxaana nagu saacida Joorje Colow" ayuu yiri Axmed Max’ed Kheyre oo u ciyaarayey mid ka mid ah kooxihii koobka ka haray, sidoo kalena ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden.

 

 

Ciyaarta oo markii hore dardar ku billaabatay ayaa waxaa 2 gool la hormaray kooxda Gaheyr, waxaana labada gool u saxiixay Xasan Himilo, iyadoo kooxda Shibis ay daqiiqadihii ugu dambeeyey wareega hore ay iska soo guday hal gool, waxaana qeybtii hore ee ciyaartu ku soo geba-gebowday 2 & 1.

 

Wareegii dambe markii la isugu soo laabtay ayey u suurtagashay kooxda Shibis in ay labo gool oo degdeg ah ka dhaliso kooxda Gaheyr, waxeyna ciyaartu ku soo geba-gebowday daqiiqadihii loogu talagalay 3 & 2 oo ay guushu ku raacday kooxda Shibis.

 

Ciyaartoyda kooxda Gaheyr oo galabta guuldarro garoonka kala caraabay ayaa waxaa ka mid ahaa Biimba, Shiino, Xasan Himilo, Kamaal & kuwa kale, halka kooxda Shibis oo uu tababare u ahaa Max’ed Xuseen Cali (Sheekhaalow) oo ka mid ahaa xiddigihii kubadda cagta ee soo maray naadigii Ex. Minishiibiyo Aweys, Macalin Tuke, Shiino, Carfaaye & ciyaartoy kale.

 

 

Guddoomiyaha kubadda koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) & guddoomiye ku-xigeenka Bashiir Geesey oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Joorje Colow oo ay ku ammaaneen sida uu mar waliba hormuud uga yahay horumarinta isboortiga, waxeyna intaasi sii raaciyeen in isboortiga yahay mid mar waliba horseeda is-dhexgalka bulshada, loona baahan yahay in la qabto ciyaaro sidan oo kale ah.

Shibis.gif

 

shibis1.gif

 

shibis3.gif

 

shibis2.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this