Sign in to follow this  
raadamiir

JULY 1ST AKA 1DA LUULIYO

Recommended Posts

Baydhabo:Baydhabo oo si fiican looga xusay 1da Luuliyo.

Saturday, July 01, 2006

 

Baydhabo(AllPuntland)- Magaalada Baydhabo oo ay iminka wada joogaan golayaasha dawladda ayaa si wada jir ah looga xusay maalinta qaranimada Soomaaliya ee 1da Luuliyo , oo ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya , isla markaana ay midoobeen labadii dhinac ee waqooyi iyo koonfur.

 

Xarunta baarlamaanku ku shiraan oo diyaar garaynteeda la waday ilamaa maalintii shalay ayaa waxaa isugu yimid , madax ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka , raysulwasaaraha, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda Soomaaliya.

 

Saqdii dhexe ee xalay ayaa laga dhawaajiyay astaanta calanka Soomaaliya ayadoo calankana kor loo lulay , dadkuna ay wada qiiroodeen markii ay maqleen muusigga calanka Soomaaliyeed.

 

Heesaha waddaniga ah ayaa xalay astaan u ahaa halka uu ka dhacayay xuska 1da Luuliyo , waxaana taariikhda 1da Luuliyo halkaasi kasoojeedinayay wax garad kasoo qayb qaatay halgannadii Soomaaliyed.

 

Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambal yeeyay maalinta 1da Luuliyo , wuxuuna u rajeeyay sanadkan sanadkiisa kale inay ku gaaraan nabad galyo iyo dawlad dalka oo dhan ka shaqaysa.

 

Cali Maxamed Geeddi wuxuu sheegay dawladdiisa inay tahay dawlad nabadeed , iyo dawlad dib u heshiisiineed, asagoo sheegay in marnaba aysan dawladda Federaalku cid weerari doonin.

 

Geeddi wuxuu intaasi ku daray inuu taageersan yahay heshiiskii ay wada gaareen dawladda iyo maxkamadaha islaamiga , asagoo sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada heshiiska gaarayba ay horay u sii wadaan heshiiskan.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa asaguna hadal kasoo jeediyay xuska 1da Luuliyio, salaan iyo bogaadin ku socotay umadda Soomaaliyeed kadib , wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka.

 

Wuxuu si cad isu garab taagay heshiiskii ay wada gaareen dawladda iyo maxkmadaha Islaamiga , asagoo sheegay in heshiiskaasi haddii laga wada shaqeeyo uu shacabka gaarsiin karo .

 

Xafladdii xalay waxay ahayd mid lagu tilmaami karo in si hagaagsan looga soo shaqeeyay , dadkuna ay aad ugu soo diyaar garoobeen ka qayb qaadashadeeda , waxayna maalintan ku soo beegantay ayadoo madaxwaynaha Soomaaliya uu ka qayb galayo kulan ka furmaya magaalada Banjul ee dalka Gambia.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Related Articles

 

Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com|

Share this post


Link to post
Share on other sites

: Isku soo bax loogu dabaaldagayo maalinta xorriyadda dalka oo ka dhacday maanta Baydhabo

Posted to the Web Jul 01, 16:05

 

 

Baydhabo (PP) – Kumannaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay gudaha magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, kuwaasoo socod ku maray gudaha magaaladaas.

 

 

 

Dadkaas ayaa isku soo baxooda wuxuu ahaa mid ay ku xusayaan 1-da Luuliyo oo ku beegan sannadguuradii 46-aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimada dalka Soomaaliya, waxaana dadkaas ay ku heesayeen heesaha astaanta calanka.

 

 

 

Dadkaan oo isugu jiray Ciroole, da’ dhexaad iyo dhallinyaro ay wehliyaan caruur ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo sida ay ugu heellooyihiin inay ka qaybqaataan xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya oo ah maalin ku weyn qalbiga ruux kasta oo Soomaali ah.

 

 

 

Waxay socod dheer ku mareen gudaha magaalada Baydhabo iyagoo ku qalinayay Nabad in la helo, sidoo kale waxay si wanaagsan isugu jiibinayeen heesaha lagu xasuusta calanka Soomaaliya oo xaadda dhaqaajisay intii maqashay.

 

 

 

Dadkaan oo markii dambe isugu soo ururay bartamaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa halkaas kula hadlay mas’uuliyiin ka mid ah kuwa dowladda waxayna ku amaaneen sida qiimaha badan ee ay u xususteen maalinta qiimaha badan, waxaana ay uga hadleen maalinta xornimada dalka iyo qiimaha ay leedahay.

 

 

 

Mas’uuliyiinta ayaa waxay sidoo kale sheegeen in xorriyadda maanta la harsanayo ay tahay mid ay sababteeda lahaayeen 13-dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo sameeyay xisbigii ugu horreeyay ee gumeysi diidka ahaa oo lagu magacaabi jiray SYL, kuwaasoo ku guulaystay inay ku tirtirsiiyaan gumeystaha inuu dalka isaga baxo.

 

 

 

Xaflad lagu maamuusayay 46-guuradii ka soo wareegtay maalinta xoriyadda Soomaaliya iyo israaca labada gobol, iyadoo ay warbixinno halkaas ka jeediyeen Ra’iisul wasaare Geeddi iyo Guddoomiye Shariif Xasan, iyo weliba xubno kale oo aad u fara badan, waxaana xuskii xalay uu ahaa mid dhacay dowladda oo is raacsan kuna shaqeynaysa hal meel.

 

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Calm down, do not lose your self,

 

Somalia Independence Day celebrated in Puntland

FiicanCaadiHoose Qiimeyn: 2 / 3 (2 )

 

HAPPY INDEPENDENCE DAY to all Somali people in every continent and country across the globe."

 

 

GAROWE, Somalia June 30 (Garowe Online)

 

A WELL-ORGANIZED celebration event was held at the Garowe State House tonight featuring appearances and speeches by the Puntland State vice president, Cabinet ministers, parliamentarians, NGO and civic leaders as well as Issims (traditional elders). The event was held in honor of Somali Independence Day, which is celebrated on the July 1st of every year.

 

One of Puntland’s Issims, Islaan Isse Islaan Mohamed, said that it was a “valuable day†because it marked the moment when Somalia’s nationalists triumphed over the European colonialism and united to form the Somali Republic. Islaan Isse appealed to the Somali people to work together and to “return the dignity†the Somali nation was renowned for.

 

Puntland Vice President Hassan Dahir Afqura, who gave the keynote address at the Garowe ceremony, said that Independence Day came after a “long struggle†in which Somali men and women participated to get freedom. VP Afqura added that it was unfortunate that the Somali people turned to civil war after the nation’s hard-won independence.

 

The Puntland vice president appealed to Puntland citizens to safeguard the peace and to continue to cooperate with the government. VP Afqura sent Indepedence Day greetings to Somali people across the world. The semi-autonomous State of Puntland, in northeastern Somalia, was declared in 1998 and prides itself as an intergral part of the Federal Somali Republic.

 

 

On behalf of the Garowe Online/Radio Garowe staff, we would like to say HAPPY INDEPENDENCE DAY to all Somali people in every continent and country across the globe.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this