Sign in to follow this  
xiinfaniin

HI and Alshabaab wars continue in Jubba region

Recommended Posts

Dagaal ku qabsaday ciidamo daacad u ah Al-shabaab inta u dhexeysa Degaanka Xagar iyo Afmadow

Posted to the Web Oct 05, 17:10

 

Kismaayo:-War dhawaan naga soo gaaray Degmada Afmadow ayaa waxaa uu sheegayaa in ciidan daacad u ah Ururka Al-shabaab oo ka yimid Gobolka Gedo uu dagaal ku qabsaday degaanka u dhexeeya Degmada Afmadow iyo Xagar.

 

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii difaac hore ee Xizbul islaam ee Degmada Afmadow ay ka warhelleen saaka in weerar ku soo maqan yahay, ciidanka Xizbul islaam ayaa ah kuwo difaac ku jira oo go,aan aan caga badan ku taagnayn ka sugayaa Madax Xizbiga qaarkood oo ku sugan Muqdisho

 

Xoogagga Xizbul Islaami ee Jubooyinka ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwa gacan ku gabad ah oo meel walba oo ay galeen uu dagaal ku qabasan karo , weerarka lagu soo qaaday degmada Afmadow ayaa waxaa u yimid ka dib markii dagaalkii saaka eeay Al-shabaab ku qaadeen fariisamaha ciidanka Ururka Xizbul islaam ee Janaale Cabdalle aan aysan wax horuimar ah ka samaynin

 

 

Ilaa hadda wax tafsiil ah lagama hayo dagaalka ka socda degaano u dhexeeya Xagar iyo Afmadow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaallo weli ka socda duleedka Magaalada Kismaayo

 

Isniin, October 05, 2009(HOL): Dagaallaadan oo barqanimadii maanta dib uga qarxay galbeedka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u dhexeeyaan ciidamo kala taabacsan urur diimeedyada Xizbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin kuwaasoo dhawaan isku faro saaray gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Wararka laga helayo tuulooyinka Fardhulbahante, Canjeel iyo tuulada Gubokibir oo dhamaantood dhaca dhinaca galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa tibaaxaya in halkaasi barqanimadii maanta uu ka bilowday dagaal qaraar oo u dhexeeya Xizbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, ilaa iyo iminkana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamayay iyo sidoo kale haddii ay jiraan dad rayid ah oo wax ku noqday dagaalkaasi meesha oo baadiya ah awgeed.

 

Haseyeeshee dagaalka ayaa waxa saxaafadda u xaqiijiyay masuuliyiin ka kala tirsan maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka ee hoostaga ururka Shabaabul mujaahidiin iyo dhinaca kale xubno ka tirsan ururka Xizbul Islaam kuwaasoo oo ah labada dhinaca ee uu u dhexeeyo dagaalka ka soconaya galbeedka magaalada Kismaayo, masuuliyiintaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin dheeri ah ka bixiyaan qaabka uu dagaalku u bilowday, qasaaraha ka dhashay iyo weliba cida ku gacan sareysa, haseahaatee warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu yahay mid aad u culus isla markaasina la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo sababay qasaarooyin sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay walow aan la hayn tirade rasmiga ah ee ku waxyeeloobay dagaalkaasi.

 

Dagaalladan 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka soconaya galbeedka Magaalada Kismaayo isla markaana u dhexeeya urur diimeedyada ka soo horjeeda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu la xiriiraa dagaal maalmo ka hor gudaha magaalada Kismaayo ku dhex maray Ciidamo uu hogaaminayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed madoobe) oo ka tirsan saraakiisha ururka Xizbul Islaam iyo dhinaca kale Ciidamo Taabacsanaa Wilaayada Islaamiga ah ee Gobolladani Jubooyinka oo hoostaga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin kuwaasoo isku haya gacan ku haynta magaalada Kismaayo iyo maamulka guud ee gobolka.

 

Waxaana xiisadahani colaadeed ee u dhexeeya xoogaggani Islaamiyiinta ah ay saameeyeen qeybo badan oo ka tirsan gobollada dalka soomaaliya isla markaana ay ku wada sugan yihiin ururrada Xizbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, halkaasi oo haatan laga dareemayo xiisado colaadeed oo u dhexeeya labadaaasi dhinac, kuwaasi oo ay xiisaddooda la xiriirto dagaallada iyo xurgufta siyaasadeed ee muddooyinkii ugu danbeeyay ka taagnayd qeybo badan oo ka tirsan gobolkani Jubadda Hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii maanta ka dhacay Duleedyada Kismaayo.

5. oktober 2009 - APL

 

 

Kismayo(AllPuntland)- Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee AllPuntland ayaa xariiro badan la sameysay dhinacyada, dagaalada udhaxeeyaan ee Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam, ee dagaalamayay maalmihii ugu dambeeyey, kuna dagaalamayay gudaha magaalada Kismaayo iyo duleedyadeeda Galbeedka ah, waxaana dagaalo culus ay galabta dhemxareen dhinacyada.

 

Warar Madax banaan oo ka soo baxaya deegaanka Janaay Cabdalla ayaa xaqiijinaya in ay galabta dhaceen dagaalo adag, isla markaasna ay dhinacyada soo kala gaareen khasaarooyin kala duwan, oo ay ku jiraan dhimasho, dhaawac, kala qabashada Baabuurta iyo Maxaabiista.

 

Janaay Cabdalla oo ay joogeen ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa la xaqiijiyey in ay weerareen Kooxda Al- Shabaab, waxa ayna wararku ay intaasi ku darayaan in aysan dhinacyadu waxba horumar ah ka gaaran dagaalada, marka loo eego deegaanada lakala joogo caawa.

 

Wararka ayaa xaqiijinaya sidoo kale in ay hada jirto cabsi xoog leh oo ku aadan dagaalo kale oo qarxa, xili ay soo baxayaan wararka sheegaya in Hogaamiyaha Raaskambooni Sheekh Xasan C/laahi Xirsi, uu ku soo wajahan yahay duleedka magaalada Kismaayo, taasoo cabsi ku beertay dadka magaalada Kismaayo, oo aad uga walaacsan dagaalada dhici kara.

 

Al- Shabaab ayaa ciidamo xoog leh udiray gobalka Kheyraadka badan ee Jubada Hoose, ayagoo doonaya in ay difaacyo adag ka galaan gobalkaasi, maadaama uu ka mid yahay gobalada aadka ugu muhiimkaa cida gacanta ku heysay, ayadoo gobalkaas uu leeyahay kheyraadka laga helo Soomaaliya oo dhan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah:-Dagaal Caawa ka qarxay duleedka Degmada Afmadow gobolka Jubada Hoose.

 

 

Bartamaha(Afmadow):-Dagaal Xoogan opo u dhexeeya Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam ayaa Caawa ka qarxay duleedka Degmada Afmadow Ee Gobolka Jubada Hoose.

 

Ciidamada Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen Saldhiga ugu weyn Ciidamada Xasan Turki DFegmada Afmadow.

 

Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa duleedka Degmadaasi iyadoo la sheegay in Xerada Xagar oo ay daganyihiin Ciidamada Raas-Kambooni.

 

Illaa haatan ma cada qasaaraha labada dhinac iyadoo dhinaca kale uu dagaalkii dib uga bilowday Xiliga Maqribka ka dib deegaanka Janay Cabdala halkaasi oo weli ay ku xooganyihiin Ciidamada Xizbul Islaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Kismayo oo ku fidey deganada Jubooyinka

5 Oct 5, 2009 - 5:14:04 AM

 

 

 

Ugu yaraan 17-qof ayaa ku dhintay 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay iyo saakey [Oct 05] ku dhexmaray deegaanka Janay-cabdala oo 50-km galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeyay ururada Xisbul Islam iyo Al-shabaab.

 

Dagaalka ayaa qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen ciidankii Xisbul Islam ee laga saaray Kismayo.

 

"Isbitaalka Kismaayo waxaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyo badan oo dagaaladii maanta iyo xalay ka dhashay", sidaa waxaa saxaafada u sheegay Sh. Xasan Yacquub oo dhanka warfaafinta u qaabilsan maamulka loo sameeyay Jubada Hoose.

 

"Dagaaladii maanta iyo xalay dhacay waxay ahaayeen kuwo aad u adag, dhib ayaana labada dhinac kala gaaray" ayuu ku gaabsaday Sh. Xasan Yacquub oo diiday inuu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

 

Dhaawacyadii dagaalka ayaa qaarkood la gaarsiiyay isla xalay degmada Kismaayo halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo dhawacyo kale la sheegay in loo qaaday Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

 

Saakey 5 Oct,2009 ayaa dagaal kale dib uga qarxey degaanka Janaay Cabdalla, kaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan In dib loo riixey xogaga Al-Shabaab, warar hoose ayaa xusaya dhinaca kale in ciidanka gacanta ku haya Kismayo sideed maxaabiis ah laga qabtey halka labo Teknika ah laga gubey laba kalena laga qabsadey.

 

Afhayeenka ururka Al-shabaab ayaan diidin, sidoo kalena aan ogolaan in dagaaladii dhacay looga qabsaday maxaabiis sida ay sheegeen saraakiisha Xisbul Islam, blse wuxuu ku gaabsaday in dagaaladii dhacay ay ahaayeen kuwo xoogan.

 

Al-Shabaab ayaa horey dagaalkii Kismayo gudaheda ka dhacey ku qabtey Maxabiis ka tirsan xusbul Islaam dhowaana ku baaqey in dhaawacyada ururka Xisbul Islaam oo gudaha magaalada jooga la keeno Isbitaalka Kismayo.

 

Sh. Axmed Madoobe oo hogaaminaya Xisbul Islam ee dagaalka kula galay Kismaayo ururka Al-shabaab ayaa sheegay in qorshishiisa uu yahay inuu dib ugu laabto Magaalada dekeda leh ee Kismaayo.

 

Janay-cabdala oo ah deegaankii ay Xisbul Islam iyo Al-shabaab sida aadka ugu dagaalameen ayaa la sheegay inay gacanta ugu jirto Sh. Axmed Madoobe, iyadoo deegaankaas ay ka barokaceen dhamaan dadkii rayidka ahaa.

 

Dagaaladan ayaa dhacaya xilli ay socdaan wadahadalo hoose oo u dhexeya madaxda Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab duleedka magaalada Muqdisho.

 

Dagaalada ka socdey Muqdisho ayaa hoos u dhacey kaas oo lagu xiriirinayo kala jabka ku dhacey xogagag mucaaradka ku ah dowladda Fedraalka iyo ciidamada AMISOM.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Sheekadu Qabiil caadi ayey isu badashay, Xiinow. The Canole clans along with the Raskambooni clans are fighting against the Gedo clans. Wadaado-Kusheeggu can't hide their real faces any more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo galabta dib ugu soo cusboonaaday duleedka Kismaayo iyo maamulka Magaaladaasi oo soo bandhigay maxaabiis ay qabteen.

Posted: 10/5/2009 7:36:00 PM

 

Shabelle: KISMAAYO

 

Dagaalo culus oo u dhaxeeya xoogaga islamiyiinta ayaa galabta dib ugu soo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Kismaayo iyadoo Maamulka ka arimiya Kismaayo ay soo bandhigeen Maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalada ku qabteen.

 

 

 

Wararka laga helayo deegaanka Cabdala Janaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in galabta abaaro 4-tii galabnimo uu qarxay dagaal u dhaxeeyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ciidamada Xisbul Islaam kaasoo wararku ay sheegayaan in uu ilaa caawa soo gaaray.

 

Dadka deegaanka ayaa Idaacada Shabelle waxaa ay u sheegeen in dagaalka labada dhinac ay isku weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo meelaha lagu dagaalamayayna si weyn looga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda laabada dhinac ay is weydaarsanayaan.

 

 

 

Dagaalka oo saacado qaatay ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn qasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka rayidka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadka deegaanku ay maantadii hore isaga barakaceen deegaanka Cabdala Janaay oo ah halka ay isku horfadhiyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam ee uu horkacayo Sheekh Axmed Madoobe.

 

 

 

Dhanka kale Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose islamarkaana hoostaga Walaayada Jubooyinka ee dhawaan ay gobolada Jubooyinka u dhiseen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa ay soo bandhigeen maxaabiis ay sheegeen in ay ku soo qab qabteen dagaaladii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolak J/hoose.

 

 

 

Maxaabiistaani oo gudaha Magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 7 askari oo uu maamulku sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii ciidamada xarakada Mujaahidiintu ay ku galeen gudaha iyo duleedka Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay ku wareejiyeen eheladooda.

 

 

 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka kula dagaalamaya xarakada mujaahidiinta AL Shabaab deegaanada hoostaga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kaasoo ku aadan maxaabiista ay sheegeen xarakada Al Shabaab in ay ku soo qab qabteen dagaalada Magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Janaay Cabdalle & xiisad u dhaxeysa Alshabab iyo Xisbul Islaam oo ka aloosan meelo ka baxsan Jubbada Hoose

 

Muqdisho, October 5, 2009 (WDN) - Ugu yaraan 8 ruux oo ka tirsan dhinacyadii ku dagaallamay deegaanka Jannaay Cabdalla shalay gabbal dhicii ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Deegaanka Jannaay Cabdalla ayaa waxa ku sugnaa kooxo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Maxamed Islaan "Axmed Madoobe" oo dhawaan dagaal looga saaray magaalada Kismaayo ka dib markii uu dagaal la dhexmaray kooxdiisa iyo Al Shabaab.

 

Dagaalka ka dhacay Jannaay Cabdalla ee ku taalla duleedka magaalada Kismaayo ayay dad deegaanka ahi sheegayaan in uu ahaa mid aad u culus. Kaas oo sababay dhmiashada dad ku dhow 10 ruux iyo dhaawaca illaa 15 kale.

 

Xaaladda degaankaas ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta deggan tahay, hase yeeshee waxa weli aloosan collaadda u dhaxaysa labada dhinac. Taas oo dhalin karta in dagaal mar kale ka dhex qarxo.

 

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen Deegaanka Jannaay Cabadalla gebi ahaanba, wallow dhinaca kale ee Xisbul Islaam aanay wali war ka soo saarin dagaalkan.

 

Dagaalladan ayaa dhacay xilli khilaafka u dhexeeya labada urur ee Xisbul Islaam iyo Al Shabaab sii xoogaystay. Kuwaas oo dagaaladan Kismaayo ka hor heshiis ku ahaa ka takhalusidda dawladda kmg ah.

 

Dhanka kale ururka Al Shabaab ayaa ka hor yimi isku day ay ururka Xisbul Islaam ku dooneysay inay maamul uga dhawaaqdo degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool. Wararka degmadasi laga helayo ayaa sheegaya inay jiraan dhaq dhaqaaq ciidan oo labada dhinac ay wadaan. Taas oo labada kooxood uu mid waliba ku doonayo in magaalada Tiyeeglow ay gacantooda ama maamulkooda uu ku jiro.

 

Jamaal Cismaan

WardheerNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this