Sign in to follow this  
General Duke

Anger at clan courts, Puntland its people will win Insha Allah.

Recommended Posts

Puntland: Mudaharaadyo aad u ballaran oo ka dhacaya gobolada Puntland.

Axad, November 12, 2006

 

 

Puntland (AllPuntland)- Dibadbaxyo aad u ballaran ayaa waxa uu ka soconayaa gobolada Mudug iyo Nugaal, kaasoo looga soo hor jeedo maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhacay mudaharaad aad u ballaaran oo dadka loogu baaqayo in ay ka qayb qaataan difaaca gobolada Puntland.

 

Mudaharaadkani ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa dadkii ka soo qayb galay ka muuqanaysay xamaasad aad u ballaran iyaga oo dhagax tuurayay goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee lagu qaxweeyo.

 

Dadkani ayaa waxa ay ugu baaqeen maamulka Puntland iyo shacabka ku dhaqan gobolada Puntland in ay ka qayb qaataan difaaca gobolada.

 

Sidoo kale magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soconayo mudaharaad aad u ballaaran oo lagu dhaleecaynayo duulaanka maxkamadaha magaalada Muqdisho, iyada oo Puntland loogu baaqayo in ay adkayso difaaca gobolada Puntland.

 

Dibad baxyadani ayaa waxa ay ku soo aadayaan iyada oo gobolada Galgaduud haatan uu ka soconayo dagaal aad u kharaar oo ay isaga hor imaanayaan Ciidamada Koonfurta Mudug oo ay iskaashanayaan kuwa Puntland iyo ciidamada Maxkamadaha.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

This from a clan courts mouth piece...

 

WASIIRKA WARFAAFINTA PUNLAND “Shacabka reer Puntland waa in ay u is taagaan difaaca dalkooda iyo deegaankooda”

 

Galkacyo

 

Wasiirka Warfaafinta maamul gobolleedka Puntland Maxamuud C/raxmaan Bangax ayaa warfidiyeenka u sheegay in deegaanka Bandiiradleey ay ku sugnaayeen ciidamadooda oo difaac ahaan halkaas u joogay, ayna soo weerareen dad sheeganaya Maxkamadaha Islaamiga waa siduu hadalka u dhigayee.

“Waxay doonayaan in ay qabsadaan deegaannada Puntland” ayuu yiri Bangax oo dhinaca kale ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in ay qaataan hubkooda isla markaana ay u istaagaan buu yiri sidii ay isaga difaaci lahaayeen dad ka soo duulay Muqdisho “Waxaan doonaynaa in ay la socdaan dadweynaha reer Puntland daandaasiga dagaal ee lagu soo qaaday ee looga gol leeyahay in lagu wiiqo nabadda iyo horumarka ka jirta Puntlan, waana in xaaladaha soo kordhay la socdaan Shacabka reer Puntland una is taagaan difaaca dalkooda iyo deegaankooda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

 

Dagaalka ayaa u muuqanaya mid sii xoogeysanaya, waxaana ka socda deegaanna Gobolka Mudug dhaqdhaqaaqyo ciidan iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamo badan oo maamul gobolleedka Puntland ah oo ay wehliyaan kuwa Itoobiyaanka la sheegay in la soo dhoobay afafka hore ee deegaanka Galkacyo oo ay difaac adag kaga jiraan, waxaana jirataanka warkaas goobjoog.net u xaqiijiyay dad ka madax bannaan labada dhinac ee ku sugan Galkacyo.

 

Dhinaca kale wararka ayaa intaa ku daraya dagaaladii saakay ka dhacay Bandiiradleey ay ku dhinteen labada dhinac dad gaaraya 20-ruux, halka dhaawacana lagu sheegay ku dhowaan 28-ruux oo 15-ka mid ah la dhigay isbitaalka magaalada Galkacyo, halka dhaawac kalena la dhigay Isbitaalka Istarliin ee deegaanka Guraceel.

 

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacalin)

 

E-mail: webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. History has proven that Puntland can only be destroyed from within, but no outside entity has a chance.

 

They have already lost as they have no sympathy from the clans of the state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^lol. History has proven that Puntland can only be destroyed from within,

And I will hold you to that Jenerale. It is exactly what is happening. the sympathisers of the ICU within Puntland is enormous, and as you say it is exactly them that will bring about the change. Daadka yusan ku qadin sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Even in Mogadishu the warlords were defeated by armed kinsmen, who gained the support of their clan. Sharif Ahmed for Dheere, Cagawayne for Qaybdeed, Janagow for Qaynayre and So on.

 

Here the battle is between Al-Furqan and A/Qaybdeed, but the fact they want to capture Galkacyu is brining the clans of North Mudug into the equation.

 

No one from Galkacyu will welcome troops from Cadaado, Guriceel and Mogadishu to their city.

 

Juje, you can hold me to it. The clan courts have lost Puntland sympathy..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay weerarkii maxkamaduhu soo qaadeen.

Axad, November 12, 2006

 

 

Garoowe(AllPuntland)- Baarlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray qoraal ay ku dhaleecaynayaan duullaan maxkamaduhu kusoo qaadeen gobolka Mudug.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku saxiixnaa qoraalkan ayaa sheegay in duullaankan ay soo qaadeen beelo isi soo bahaystay oo ka yimid koonfurta Soomaaliya.

 

Baarlamaanku waxay beesha caalamka ugu baaqeen inay isha ku hayaan waxa ay ku tilmaaneen gardarada maxkamadaha.

 

Waxaa qoraalka ku xusnayd in dawlad goboleedka Puntland ay ku caan baxday nabad jacayl, hase ahatee iminka ay muuqato in duullaan lagu soo yahay.

 

Baarlamaanku waxay shacabka Puntland ugu baaqeen difaac iyo inay maamulkooda kala shaqeeyaan arimaha ammaanka .

 

Maxkamadaha waxaa naf ahaantooda loogu baaqay inay dib ugu laabtaan deegaannadii ay weerarada kusoo qaadeen.

 

Waa baaqii ugu horeeyay ee baarlamaanku ay soo saaraan tan iyo markii ay soo badatay hadal haynta ah in maxkamaduhu isku aruursanayaan gobolka Mudug.

 

CCC Faray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa MMA...What would have made any diffirence if I spell diffirently Nigga, Niggah....loool

 

Bro dat was done with love.

 

 

Shari Seylac....I thought Abdi Bille was from Sool which in your mind is part of Somalia. I guess you wanna his land, but his Qabiiil!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Seylac, do not bring your garbage to this site, baliis.

 

We have no time to edit your every other insulting posts and trolls-- this is a very last public warning.

Waar bagaad ninka naga soo gaadhey. all that rubish waan ku yaqyaqsooneye. Thanks

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa MMA...What would have made any diffirence if I spell diffirently Nigga, Niggah....loool

Widaaygiis, personally aniga would have no problem oo waa igu wici kartaa "negro" ama "neero" ama wax walba, laakiin dad kale si kale ayee u qaadanayaan nooh.

 

Marka saas lee ugu tirtiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this