Sign in to follow this  
General Duke

Lower Juba admin meets elders...

Recommended Posts

Maamulka Jubada oo la kulmey odayasha

15 Feb 15, 2007 - 6:44:36 AM

 

Kulan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa isugu yimi odoyaasha dhaqanka iyo maamulka cusub ee gobalkasi, iyagoo kawada hadley arrimo dhowr ah.

 

Maamulka gobalka Jubbada Hoose ayaa ka codsatay odoyaasha dhaqanka inay taageeraan si xal loogu helo amni xumada ka jirta gobalkaasi.

 

Axmed Cabdi Cumar gudoomiye ku xigeenka maamulka oo saxaafada la hadlay kulankaas kadib ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka aqbaleen codsigooda isla markaana ay balan qaadeen inay wada shaqeyn balaaran labada dhinac dhex mari doonto.

 

Axmed ayaa sheegay hadii shacabka gobalkaasi maamulka ay taageeraan in laga gudbi karo xasilooni darida ka jirta gobalkaasi, isla markaana uu gobalka noqon karo mid ammaankiisa wanaagsan yahay.

 

"Inta badan beelaha dega gobalka Jubada Hoose wey tageersan yihiin maamulka, marka laga reebo beelo iska dhax waayay maamulka," ayuu yiri Axmed Cabdi.

 

Dhinaca kale, Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo saxaafada la hadlay kadib kulankaasi ayaa isagana ugu baaqay beelaha dega gobalka Jubbada Hoose inay taageeraan maamulka cusub.

 

"Waxaa loo baahan yahay in maamulka cusub ee gobalkaan ay shaqadooda bilaabaan isla markaana wax badan ka qabtaan xaaladaha cakiran ee gobalka ka jira,' ayuu yiri Cabdi Mahdi.

 

Shirkaan ayaa kusoo beegmay kadib markii qaar kamid ah beelaha gobalkaas ay muran ka keeneen qaab dhismeedka maamulka.

 

 

Odayaal tageeray maamulka Jubooyinka

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaal tageerey maamulka Jubooyinka

14 Feb 14, 2007 - 6:39:07 AM

 

Kismaayo - Odoyaasha dhaqanka ee degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, oo maalmahaan kulamo ku lahaa deegaanadaasi ayaa markii ugu horeeyay saxaafada u sheegay inay taageersan yihiin maamulka gobolada Jubbooyinka loo soo magacaabay.

 

 

 

Nabadoon Cali Muxumed Xasan oo ka tirsanaa odoyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay dhamaan odoyaasha beelaha degada degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ay ku heshiiyeen inay taageeraan maamulka uu dhawaan Madaxweyne Yuusuf u soo magacaabay gobolada Jubbooyinka.

 

 

 

Nabadoon-ka ayaa sheegay in waxii maanta ka bilowda ay la shaqeyn doonaan mamulkaasi, isla markaana ay aqoonsan yihiin, waxuuna ugu baaqay beelaha kale ee Jubbooyinka dega inay iyagana taageeraan maamulkaasi.

 

 

 

Nabadoon Cali Muxumed waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ay tahay Dowlada kaliya ee xiligaan Somalia ka jirtay isla markaana la rabo in shacabka ay taageeraan waxii ay usoo magacowda gobolada.

 

 

 

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa gobolada Jubbooyinka waxaa ka jiray guux ay wadaan qaar ka mid ah beelaha ku sugan degaanka Jubooyinka kuwaas oo sheegey inaysan la shaqeyn doonin maamulka la soo magcaabey.

 

 

 

 

Gobolada Jubooyinka ayaa waxa horey u soo maamuli jirey maamulo ay soo dhisaan dagaal ogaayaashii ku dagaalami jirey degaanadaas kuwaas oo colaad dhex dhigey shacabka walaalaha ah ee ku nool degaanadaas.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Ahmed_Guree:

Whats the big fuss about lower Juba?

Because this is like a day like robbery admin.....lol....you know what, we keep on here this and that clan fighting over for control. I know that the Ab+same lived there for many years and to proof that they have nomads around the area and there are other clans who like them are nomads, beeraleey and Malaay dabato and nobody hears about them at all. All we keep on hearing is a groups represented by Mr Af-gudud and Mr Barre Hiiraale and Mr Seeraar trying to takeover and dominate by competing each other.

Seriously speaking what is going on around this area? Soomaalidu ma xishooto miyaa? Aaway beeraleeydii, xoolo-dhaqatadii iyo Malaay-dabatadii dulkaan degganeyd qarniyaal badan.

 

I know in maamulladii Soomaali soo maray (iyadoo dad lagu soo daad-gureeyey lixdamaadkii, qaxootigii danwadaagaha) iyo Jabhaddii USC uu mid walba damcayey inuu dad ku beero meesha. Aaway dadkii masaakiinta ahaa ee meeshaan deganaa? Waxaan isleeyahay qof kasta oo Soomaali ahi waa degi karaa degaankaan si shacab ah laakiin arrintaan maamul kala-boobku ma fiicna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

^^^But it is only for the transitional period until there are elections, thats all.

So it is ok to be unfair now and rob posts, farmland and properties on a temporary basis?

 

This is a proof of how unfair your whole support for TFG is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this