Sign in to follow this  
Che -Guevara

The Time is NOW

Recommended Posts

Mogadishu, Monday ,21 April 2008,(Hornafrik Media).

 

in ka badan 10 qof oo rayid ah kuwaas oo ay kujiraan culuma udiin ay ciidamada itoobiya ku gowraceen Masjidka Al Hidaaya ee ku yaala deegaanka waxaracade ayaa maantay la aasay xili tiro kale oo dad ah ay ciidamada itoobiya u wateen xarunta warshadii hore ee Baastada ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Dadka ay xasuuqeen ciidamada itoobiya ayaa waxa ka mid ah sheekh caan ah oo imaan ka ahaa Masjidka Al Hidaaya oo la yiraahdo SHeekh Saciid Yaxye.

 

Ciidamada itoobiya ayaa sidoo kale saakay waxa ay xarunta warshada baastada u taxaabeen dad dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan culuma u diinka Tabliiqa.

 

Meydadka dadkaan rayidka ah ayaa saakay lagu arkay goobihii ay shalay iska hor'imaadyada ka dhaceen waxana in ka badan 28 meydad dad rayid ah oo ciidamada itoobiya bireeyeen saakay lagu arkay agagaarka shaneemo cabdi waayeel iyo Masjidka Al Hidaaya.

 

Dadka deegaanka SOS ayaa sheegay in dadka meydadkooda saakay laga helay deegaanadaasi ay u badan yihiin culuma udiin ku ciibaadaysanayay masjidka Tabliiqa Al Hidaya waxana dhamaantood meydadkaasi ka muuqanayay gowrac.

 

Dhaawacyo ku go'doomay guryaha labadii maalin ee dagaaladu dhacayeen ayaa saakay iyaga oo aad u tabcaan ah laga soo saaray xaafado ka mid ah degmada huriwaa waxana dadkaasi ka mid ah carruur iyo haween Madaafiicda ciidamada itoobiya ridayeen ay ku dul dhaceen.

 

Dhimashada labadii maalmood ee dagaaladu ka dhaceen degmada huriwaa iyo qeybo ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa waxa gaaraysaa dhimashada dad ka badan 100 qof,iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 250 ruux kuwaas oo isagu jiray dhinacyada dagaalku dhexmarayay iyo dadka rayidka ah,laakin khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray dadka rayidka.

 

Dhinaca kale Meydadka labo qof oo rayid ah oo ay shalay galinkii dambe toogteen ciidamada itoobiya ayaa saakay lagu arkay deegaanka xamarjadiid degmada wardhiilay ee Magaalada Muqdisho.

 

Meydadkaan ayaa laga helay agagaarka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho iyo xaafada Baar Hilaac ee deegaanka xamarjadiid.

 

Toogashada dadkaan rayid ah ayaa la rumaysanyahay inay timid kadib markii shalay galinkii dambe ciidamada itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka ciyaaraha iyo deegaanka calikamiin ay kooxaha hubeysani weerar xoog leh ku qaadeen.

 

Howlwadeena goobaha caafimaadka ayaa sheegay in dagaaladaan dhexmarayay ciidamada itoobiya iyo kooxaha kacdoonka ay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa mudooyinkaani iyadoo cusbitaalada Magaalada Muqdisho la dhigay dad ka badan 150 ruux oo isagu jira carruur,Haween iyo dad Da,ah.

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Ciidamadii ugu badnaa ee ka socda Itoobiya oo ku fool leh Soomaaliya.

23. april 2008

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Ciidamadii ugu faraha badnaa ee ka socda dawladda Faderaalka ee Itoobiya una dirto dalka Soomaaliya ayaa udhaqaaqay dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa ka badan Sadex Jibaar ciidamada hada ka jooga Itoobiya Soomaaliya ,waxa ayna arintan ka dambeysay wada hadalo dheeri ah oo ay yeesheen todobaadkan Madaxda labadaasi wadan.

 

Heshiiska Xukuumada Muqdisho & Addis Ababa ayaa dhaliyey in ciidamo gaaraya 45 Kun Askari ay tagaan dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa lakala geynayaan dalka Soomaaliya oo dhan ,ayadoo gobal loogu talagalay ciidamo fara badan kuwasoo amaankiisa sugaya.

 

Ujeedka ciidamadan faraha badan ayaa ah in ay hubka dhigaan dhamaanba dadka Soomaaliyeed oo dhan ayna dawladda Soomaaliya gacanteeda ku soo celiyaan dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Heshiiska labada dal ayaa la saxiixay maalmo kooban intii uusan dagaaladu ka bilaaban Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxaana loogu talagalay in ay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan.

 

Horey Xukuumada Itoobiya Soomaaliya waxaa uga joogey ciidan aan ka badneyn 10 Kun oo Askari ,waxa ayna hada soo dirtay ciidamo Leh Cudud & Tababaro sarre.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

Addis Ababa: Ciidamadii ugu badnaa ee ka socda Itoobiya oo ku fool leh Soomaaliya.

23. april 2008

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Ciidamadii ugu faraha badnaa ee ka socda dawladda Faderaalka ee Itoobiya una dirto dalka Soomaaliya ayaa udhaqaaqay dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa ka badan Sadex Jibaar ciidamada hada ka jooga Itoobiya Soomaaliya ,waxa ayna arintan ka dambeysay wada hadalo dheeri ah oo ay yeesheen todobaadkan Madaxda labadaasi wadan.

 

Heshiiska Xukuumada Muqdisho & Addis Ababa ayaa dhaliyey in ciidamo gaaraya 45 Kun Askari ay tagaan dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa lakala geynayaan dalka Soomaaliya oo dhan ,ayadoo gobal loogu talagalay ciidamo fara badan kuwasoo amaankiisa sugaya.

 

Ujeedka ciidamadan faraha badan ayaa ah in ay hubka dhigaan dhamaanba dadka Soomaaliyeed oo dhan ayna dawladda Soomaaliya gacanteeda ku soo celiyaan dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Heshiiska labada dal ayaa la saxiixay maalmo kooban intii uusan dagaaladu ka bilaaban Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxaana loogu talagalay in ay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan.

 

Horey Xukuumada Itoobiya Soomaaliya waxaa uga joogey ciidan aan ka badneyn 10 Kun oo Askari ,waxa ayna hada soo dirtay ciidamo Leh Cudud & Tababaro sarre.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Full-Scale occupation ????

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg-deg ah Dagaal culus oo ka bilowday warshadda Baastada.

 

(Muqdisho}23.4-8

" Wararka naga soo gaaraya degmada Hurwaa ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu bilaabmay dagaal u dhexeeyo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda.

 

Dagaalka ayaa ka socda warshadda Baastada waxaana la maqlayaa rasaasta nuucyadeeda, waxaana madaafiic ay ku dhacayaan xaafadaha ku yaala degmada Hurwaa.

 

Faah faahin buuxda lagama hayo dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Wixii ku soo kordhaya dagaalka waxaad kula socon dontaan warakeena dambe.

 

Xafiiska Muqdisho WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

horjeeda ayaa ka bilowday warshadii hore ee Baastada.

Soomaalinews.com 23 Apr 08, 14:40

 

Dhageeso-Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo hurjeeda ayaa ka bilowday wadada warshadaha gaar ahaan warshadii hore ee Baastada.Dagaalka ayaa wali ka soconaya goobaha ku dhow warshada baastada, iyadoo dagaalka uu ka culus yahay dagaaladii hore.

 

web page

 

 

Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa inta badan xaafadaha ku dhow goobahaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by Abdiladiif:

^Culimadu maxay Masaajidka kahayeen marka lagowrici may dagaalka galaan ileyn waxa is-haya waa gaal/gaal kalkaaliye iyo intii soomaalinimo, islaamnimo iyo dareen iyo damiirka lahayde?

 

Sxb, no sitting on the fence, either die while fighting iyo raganimo ama sidii waxar yar haluggu sadaqeeyo. Soomaalidu waa inay fahmaan hal qodob: Tigreygga soomaali oo idil waa isuggu mid waana wada shabaab iyo argagixiso.

 

Sorry, I will not morn them.

Well saxib, they are the same as other innocents being killed in Muqdisho. It doesn't matter whether they were part of the freedom fighters or not. A somali death in the hands of the Xabashis is always a death we mourn.

 

Culumadaan masaakiin ay ahaayeen oo tabliigi ah, if the xabashis cared who among somalis fight them or not, obviously, they would have left these sheekhs alone as they were never part of those who carry a gun among somalis. But now they know, and in fact, I read in an article that the tabliigis will join the war after these tragic deaths.

 

 

Markasta waa laga xaq daran yahay qofka soomaaliga ah ee waddankiisa lagu dilo saxib isagoo gurigiisa joogo. It doesn't matter if these somalis die fighting or in their sleep, we mourn their loss.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Culimadu maxay Masaajidka kahayeen marka lagowrici may dagaalka galaan ileyn waxa is-haya waa gaal/gaal kalkaaliye iyo intii soomaalinimo, islaamnimo iyo dareen iyo damiirka lahayde?"

 

Diinta allah ayey ka shaqeenayaan, Culamada Tabliiiqda ah waa dad ILaah dartii u shaqeeya--qaladki ugu weynaa eey galeen AXMAARO iyo TFG ayuuna ahaa kaasoo xanuun badan ku sameeyay shacabka somalida ama qafwalba ee qiirad leh.

 

"waxar yar haluggu sadaqeeyo." MAYA SIDI WAXAR YAR LAMA SOO SADAQEEN, OO WAALA SOOGAADAY..AFSOMALIGAAGA HAWANAAGSANAADO!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amnesty International strongly condemns the targeted killing of civilians in the raid. Eleven of the 21 dead were killed inside the mosque, including the Iman Sheik Saiid Yahya, Sheik Abdullah Mohamud and several Tabliq Islamic scholars. Eye-witnesses report that those killed inside the mosque were unarmed civilians taking no active part in hostilities. Seven of the 21 were reported to have died after their throats were cut – a form of extra-judicial execution practised by Ethiopian forces in Somalia. A spokesman for the Ethiopian government has denied the involvement of Ethiopian troops in these killings.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this