Sign in to follow this  
General Duke

New clan courts in Mogadishu + ICU will tolerate no courts except theirs???

Recommended Posts

New clan courts emerge in Mogadishu, these are taking over the arms and men of the defeated warlords. Now the ICU, or the exising courts have warned these new ones that they will attck them...

 

Taageearayaasha Xuseen Ceydiid oo manta ku dhowaaqaya maxkamad Islaami ah

June 21, 2006 Markacadeey.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Taageerayaasha Xuseen Maxamed Ceydiid, wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in ay ku dhowaaqaan maxkamad.

 

Xubno ku dhow dhow dhinacyada ku howlan sameynta maxkamadan ayaa sheegay in maxkamadan aysan ka mid noqon doonin midowga maxkamadaha oo ka taliya inta badan magaalada Muqdisho.

 

Sameynta maxkamadan aya aku soo beegmeysa xilli midowga maxaakiimta ay sheegeen in aysan ogolaan doonin in ay Magaalada Muqdisho ka furnaadaan maxkamado aan ka mid ahayn midowga maxaakiimta.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafey ay si xaad dhaaf ah uga socotay howlo lagu sameynayo maxaakiim, iyada oo maxaakiimtaan qaarkood ay yihiin gabaad laga sameysanayo midowga maxaakiimta oo isku balaarinaya magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Maxkamadaha oo ku hanjabay in ay ka qaadayaan talaabadii ay ka qaadeen isbaheysiga Maxkamado lagu dhawaaqay

 

Mogadishu - 21 June. 06 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha Midowga maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay maxkamadaha laga furay magaalada Muqdisho oo aan lagu war-galinin Midowga Maxaakiimta islaamiga in ay ka qaadi doonaan talaabadii ay ka qaadeen isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee Laga eryay Caasimadda Somalia.

 

 

Sheekh Shariif, Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga

" Maxkamadaha laga furayo magaalada Muqdisho oo aanu ka war qabin waxa ay caqabad ku noqon kartaa howlaha Midowga Maxkamadaha ay soo wadeen muddo dheer ayuu ku yiri maanta shir Jaraa'id uu qabtey Gudoomiyaha Maxkamadaha midoobay Sheekh Shariif Sheekh Axmed xaruntiisa Mag. Muqdisho.

 

Sheekha ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadaha lagu dhawaaqayo ee aanu hoos-imaan Midowga Maxaakiimta ay u arkaan kuwo wakiilo ka ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada sida uu yiri oo Muqdisho lagaga adkaaday Sidaasi darteedna ay ka qaadi doonaan Talaabo la mid ah tii ay ku baacsadeen isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

 

Sheekha waxa uu shirkiisa Jaraa'id uga hadlay in loo baahan yahay si loo sugo amniga Muqdisho in hubka yaala caasimadda lagu soo wareejiyo Midowga Maxkamadaha islaamiga si loogu soo dabaalo caasimadda kala dameyn iyo nabadgalyo.

 

Sheekha ayaa ku baaqay in lagu soo wareejiyo hubkii ay ka tageen isbaheysiga la dagaalanka argagixisada gacanta maxkamadaha.

 

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Maleeshiyaadka Isbaheyisgii lagaga adkaaday Caasimada Somalia in loo furi doono tababaro iyo dhaqan celin ayna ka mid noqon doonaan maleeshiyaadka Maxaakiimta.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli magaalada Muqdisho laga furay Maxkamado islaami ah oo aanu hoostagin Midowga Maxaakiimta islaamiga, iyadoo Maxkamado kale oo ka madax banaan midowga Maxaakiimta ay horey uga furnaayeen Caasimadda.

 

Shabelle Media Network, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif Sheekh Axmed: "Ma aqoosan doonno maxkamado aan ka mid ahayn kuwa Midoobay"

Posted to the Web Jun 21, 11:43

 

 

Muqdisho (PP) - Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay u aqoonsanayaan maxkamadii laga furo Muqdisho amaba horay u jirtay ee aan ka mid ahayn daladdooda inay tahay mid la fikir ah Isbahaysigii la dagaalanka Argagaxisada ee laga saaray Muqdisho.

 

 

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inay uga digayaan shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan maxkamado uu ku sheegay in lagu doonayo in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed isla markaan lagu soo nooleeyo fikirkii dhintay ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada.

 

 

Sheekh Shariif wuxuu ka dhawaajiyay in aysan iyagu aqblayn in Muqdisho looga dhawaaqo maxkamad aysan iyagu ogeyn oo aysan raalli ka ahayn, waxayna sheegeen inay la dagaalami doonaan kuwa sameystay maxkamaddaas.

 

 

"Waxaan uga digaynaa makamadaha aan ka mid ahayn midowga Maxkamadaha inay ku soo biiraan Midowga haddii kale loo arki doono inay yihiin kuwo wada qas iyo qalaanqal ayna ka tageen hoggaamiyeyaashii la jabiyay" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intaa ku daray inay la gali doonaan dagaal jihaad ah oo ay ku jabaan.

 

 

"Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda inay u dhaqmayaan sidii hoggaan tigtaytar ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u ogoleyn xuquuqda uu leeyahay" ayuuu yiri mid ka mid ah maamulayaasha Maxkamadaha aan ku jirin midowga Maxkamadaha ee ka jira Magaalada Muqdisho.

 

 

Ku dhawaad tobanneeyo maxkamadood oo aan ku jirin midowga Maxkamadaha islaamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa la ka jira magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah Maxkamad dhawaan looga dhawaaqay xaruntii Muuse Suudi Yalaxow uu ka tagay ee Degmada Cabdal-casiis.

 

 

Lama garanayo sida loo taxamuli karo hadalkaan ka soo yeeray Midowga Maxkamadaha iyo wararka ka soo bixi kara maxkamadaha kale ee aan ku jirin midowga maxkamadaha.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

this is intresting. nothing changed in moqdisho except warlods are gone and replaced by fake clan courts. Qanyare tribe have four alone. how to reconcilate all these new clan courts? impossible.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree with Shiekh Sharif in this one. If you have other courts set up by clans that have representation in the ICU it will lead to division. The problem is the ICU is still based on clan courts this has to be done with..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

"ICU will tolerate no courts except theirs" thats very misleading topic but its by General Duke so its not a surprise. From where did you get this interpretation? Shekh sharif clearly meant courts created by warlords for their own selfinterest like the new court created by Huseyn Aydid and Qeybdid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

abdi abtiyoow waxaa iila egtahay mid xaqa iska indha tiro. waxbanadan ayaan eegay saad wax uqortid waxaad jeceshay in aad maqashid waxa niyadaada ay jaceshahay lakiin Runta waad ka dheeraataa You telling me the court set by Daahir aways, Indhacad, seeraar, Goobaale, an so on waa xaq oo ma ah qab qablayaal. and the one set by Xuseen aydeed and C/qaydid waa qab qablayaal And Ahlul Suna waljameeca kooxa ladhoho waa qab qablayaal.

 

Ilaaheey hakuu naxariisto.<=======

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by wiil_duco:

abdi abtiyoow waxaa iila egtahay mid xaqa iska indha tiro. waxbanadan ayaan eegay saad wax uqortid waxaad jeceshay in aad maqashid waxa niyadaada ay jaceshahay lakiin
Runta waad ka dheeraataa
You telling me the court set by
Daahir aways, Indhacad, seeraar, Goobaale, an so on
waa xaq oo ma ah qab qablayaal. and the one set by Xuseen aydeed and C/qaydid waa qab qablayaal And Ahlul Suna waljameeca kooxa ladhoho waa qab qablayaal.

 

Ilaaheey hakuu naxariisto.<=======

Koley waxay ila tahay inaad qaldan tahay, oo Cabdi uusan dhibku aheyn. Ma waxaad garan weysay in Maxkamadaha Islaamka ee Muqdishu uuna hogaanka sh. Shariif ka yahay in ay xaq ku taagan yihiin?

 

Illaahow ceeb astur, Aamiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Originally posted by wiil_duco:

abdi abtiyoow waxaa iila egtahay mid xaqa iska indha tiro. waxbanadan ayaan eegay saad wax uqortid waxaad jeceshay in aad maqashid waxa niyadaada ay jaceshahay lakiin
Runta waad ka dheeraataa
You telling me the court set by
Daahir aways, Indhacad, seeraar, Goobaale, an so on
waa xaq oo ma ah qab qablayaal. and the one set by Xuseen aydeed and C/qaydid waa qab qablayaal And Ahlul Suna waljameeca kooxa ladhoho waa qab qablayaal.

 

Ilaaheey hakuu naxariisto.<=======

Indhacade Serar hebel hebels bla bla, why dont you just admit you have enemity against certain tribe? Number two my howl arguments was not about hebel hebel A being on Xaq and hebel hebel B being batil as you claim, but it was against General Duks misleading title that united Islamic courts are against other tribes making their own Islamic court.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Abdi, why was the title misleading. The head of the courts made this statement that any clan that forms a court outside the ICU will be seen as an enemy. That means the ICU has a monopoly on who can form a court. He even went further and said they [new courts] will be treated like the Alliance of warlords.

 

It came from the horses mouth, I did not say clans, but their own courts.

 

I suggest you read before you open your mouth and make silly statements..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Originally posted by General Duke:

^^^ Abdi, why was the title misleading. The head of the courts made this statement that any clan that forms a court outside the ICU will be seen as an enemy. That means the ICU has a monopoly on who can form a court. He even went further and said they [new courts] will be treated like the Alliance of warlords.

 

It came from the horses mouth, I did not say clans, but their own courts.

 

I suggest you read before you open your mouth and make silly statements..

How is sharifs statement consistent with the title "ICU will tolerate no courts except theirs???" Skehkh sharif was talking about courts created for self interest by the likes of qeybdid. So its you who should read and think carefully before making silly and childish titles/topics like this one. Post the news as it is with out adding your propagandistic titles, the members in the forum are intelligent enough to make their own interpretation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdi2005, with all due respect you are incorrect and tad bit emotional. The title of the post is more than accurate. The United Courts leader has stated he will not tolerate any court outside his union. Unless you want to fool yourself and get over sensative the title is accurate...

 

Please do not insult our intellegence, when you mention Qaybdeed, and the likes of Inda Cade are the leaders and even commanders of these ICU. Do not pick and choose. There might be other reasons behind Shiekh Sharif's outburt but lets not take some warlords as being legitimate and others not so...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdi sxb maxkaxda aad ka jirantahay maad noo sheegtid. all those ppl I mention their names are crimenals. and you are telling me they are the court ppl lol walaahi is funy.

 

macalinka your dream will come true inshalaah if you like one clan to role somali lol dream on.

Do not be very emotional.

 

 

keeeeeep dreaming.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Originally posted by wiil_duco:

Abdi sxb maxkaxda aad ka jirantahay maad noo sheegtid. all those ppl I mention their names are crimenals. and you are telling me they are the court ppl lol walaahi is funy.

 

macalinka your dream will come true inshalaah if you like one clan to role somali lol dream on.

Do not be very emotional.

 

 

keeeeeep dreaming.

Madaxa aan ka jiranahay? lol, Xagen ku qoray bal in ay court yihiin? ragas aad tilmaamtay marka laga reebo shekh dahir aweys inta kale maxakamad ay utaliyan ama ay madaxa ka yihiin oo ka tirsan ICU majirto marka buuq bala micnaha naga daa sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this