Sign in to follow this  
Kelya_Xariif

Somaliland: Ethiopia na heshisiisay

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Sheegay in Go’aankii Guurtida uu soo jeediyay Wasiirul dawlaha Itoobiya

 

 

Hargeisa . Somaliland .

 

Awdalnews Network.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Md. C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in go’aankii ay Jimcihii la soo dhaafay ansixiyeen Golaha Guurtida Somaliland isla markaana ay ku qanceen darafyada siyaasadu uu ahaa hindisihii uu soo jeediyay Wasiirul dawlaha arrimaha dibada Itoobiya, oo metalayay deeqbixiyeyaasha iyo saaxiibada Somaliland.

 

Wasiirka oo ka hadlayay go'aankii Guurtida, wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa odayaasha guurtida guddoomiyaha, shirgudoonka iyo xubnaha guurtida go’aankii ay soo saareen ee muddo kordhinta madaxtooyada oo haddii aanay taasi dhicin dalka khalkhal geli lahaa mala. Kordhiya iyo hala korhdiya muu ahayn wax meesha ku jira ma aha waa arrin sharci ah waxaanay guurti ahaan guteen waajibkoodii dastuuriga ahaa cid iska hortaagtayna ma jirin cid iska hortaagi joogsan kartayna ma jirin. Guddoon loo baahnaa buu ahaa nasiib wanaag si qurux badan bay ku dhamaatay.”

 

Wasiirka arrimaha dibadu wuxuu intaa ku daray “Waxaan u mahad celinaynaa xukuumad ahaan odayaashii, waxgaradkii, culimadii iyo madax dhaqameedyadii iyaguna arrintan ku jiray iyo axsaabta qaranka jawaabta wanaagsan ee ay ka bixiyeen.”

 

Md. Ducaale wuxuu sheegay in qodobadan la ansixiyay uu ahaa hindisihii dhinacyada siyaasada Somaliland uu horkeenay wasiirul dawlihii arrimaha dibada Itoobiya oo ka wakiil ahaa dawladiisa iyo saaxiibada iyo deeqbixiyayaasha caalamiga ah.

 

“Waa qorshihii uu inoola yimid Dr Tekedu Elamu wasiirul dawlaha arrimaha dibada Itoobiya isaga oo hawsha la waday saaxiibadiisii la socday waxay ahayd arrin uu raysal wasaaraha Itoobiya iyo wasiiru dawlaha arrimaha dibada Itoobiya ay intuba xoog debada uga wadeen, go’aankaasi wuxuu ahaa go’aan xukuumadeed, caalamkuna uu ku raacay,” ayuu yidhi wasiirka khaarajigu.

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd Somaliland oo khilaafkeedii markii ay xalisan kari weyday dawlado shisheeye soo faro geliyeen oo golayaasha iyo axsaabtuna sidaasi ku qaateen, waxaanu yidhi “Ma qabo in arrintu sidaasi tahay arrintii ay imika inala soo galeen deeq-bixiyayaasha iyo saaxiibadeena Itoobiya, iyagoo keliyana ma aha runtii arrintan IGAD baa la socota, waxa kale oo la socda midawga Afrika, sidaad la socoto dan jire Bwakira ayaa isaguna yimid dalka inkasta oo aanu dhexgelin wuxuu isagu taageeray wasiirul dawlaha arrimaha dibada Itoobiya, waxaanu tilmaamay in aan loo baahnayn in la faro geliyo.”

 

“Ma qabo anigu inay tahay wax la inoo yeedhiyay saaxiibadeen way inoo yimaadeen way damqadeen madaxweynaha ayay ku soo horreeyeen axsaabtana way la kulmeen waxay yidhaaheen haddii aad diyaar u tihiin in aanu idin dhagaysano oo isku kiin soo dhaweyno ayaanu doonaynaa ayuu wasiirku la yimid, madaxweynuhuna wuu ka aqbalay,” ayuu yidhi Md. Ducaale.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweynuhu diyaar u yahay in xisibyadu isku yimaadaan oo la wada hadlo si la isula eego sidii loo fulin lahaa heshiiskan iyadoo deeq-biiayayaashuna goob joog ka yihiin.

 

“Deeq-bixiyayaasha iyaga wax badan baa ku xidhan, arimo badan baa jira arrintu, ma aha arrin si yar oo fudud uun u dhammaanaysa,” ayuu yidhi Md. Ducaale oo maanta u waramayay Laanta Af Soomaaliga ee VOA, waxaanu intaa ku daray “Horta anagu shalay ayaanu diyaar ahayn xukuumadu mar walba diyaar bay ka ahayd waajibkeeda doorashada la xidhiidha, waxa naga diyaar ahayd inkaaniyaatkii iyo lacagtii doorashada oo lagu shubay bog xisaabeedka (account) guddida doorashooyinka. Wasaaradda daakhiligu waxay samaysay wax kasta oo nabadleyada la xidhiidha

 

http://www.awdalnews .com/wmview.php?ArtI D=12301

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this