Sign in to follow this  
Jumatatu

Munaasabad lagu guddoonsiinayo xaruntii xisbiga ....

Recommended Posts

Jumatatu   

Munaasabad lagu guddoonsiinayo xaruntii xisbiga ee magaalada Muqdiso qaar ka mid ah xildhibaanada doladda KMG oo maanta ka dhacday isla xaruntaas.

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen Maamulka gobolka Banaadir iyo ururada bulshada rayidka laguna gudoonsiinayay furaha Xaruntii hore ee xisbiga xildhibaanadii 27-kii bishan soo gaaray magaalada Muqdisho si ay ugu gogol xaaraan baarlamaanka Soomaaliyeed oo isagu inta badan ku soo fool leh magaalada Muqdisho ayaa ka dhacday isla xaruntaasi.

 

Munaasabadan ayuu maanta duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye (Sheeweeye) ku guddoonsiiyey furayaashii xarunta xisbiga Soomaaliyeed xildhibaan Camar Xaashi Aadan oo isagu hormuud u ah 10-kii xildhibaan ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Xaruntan ayaa ka kooban 420 qol, oo inta badan u baahan dayactir, xaruntan oo horey fariisin ugu ahaan jirtay dowladdii Carte ee lagu soo asaasay Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku yaal 3-tiyaatar, iyadoo la dayactiray labo hool oo ka mid ah tiyaataradaasi mid ka mid ah tiyaataradaas ayaa isagu loogu talo galay shirarka waaweyn.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa soo hadal qaaday arrintii 17-kii bishan baarlamaanku u codeeyey ee aheyd inaan dalka la keenin ciidamo safka hore ayaa sheegay inuu dagaalkii baarlamaanku ahaa mid guul weyn u soo hooyay ummada Soomaaliyeed oo uu sheegay inaan maanta la ******** kuwa ogolaaday in Itoobiya ay wadanka qabsato sidoo kalena aysan ummada Soomaaliyeed nasoo dhoweysateen.

 

“Darajo doon maahin, madaxweynaha kursigiisa kuma heysano, Priminister-ka kursigiisa kuma heysano, wasiir ma rabno, xildhibaano ayaanu nahay waxaana ku dagaalameynaa Qaranka Soomaaliyeed ee burburay caddowga qabsaday in laga badbaadiyo oo sharaftii iyo karaamadii ummadaani laheyd la soo celiyo†ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan

 

munaasbadan waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indhacadde)

 

sidoo kale xildhibaanadii maanta lagu wareejiyay Xarunta xisbiga ayaa waxaa hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar oo ka taliya qeyb ka mid ah waqooyiga Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this