Sign in to follow this  
MoonLight1

WAR DEG DEG: Ahlu Sunah Waljamaacah oo mar kale la wareegay Beledweyn.

Recommended Posts

WAR DEG DEG: Ahlu Sunah Waljamaacah oo mar kale la wareegay Beledweyn

 

Xoogaga Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa daqiiqado ka hor la wareegay mar kale magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, saacado kadib markii ay saaka ka baxeen, isla markaana weerar rogaal celis ku soo qaadeen Xisbul Islaam oo dib u qabsaday.

 

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in wali la maqlayo rasaas culus, iyagoo magaalada dhankeeda Bari ay ku sugan yihiin Ahlu Sunah, waxaana dagaalkii saaka uu wax yar kadib ku soo faafay xaafadaha magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa jiho cusub kaga soo galay magaalada, iyadoo dhinacii kale ay dagaal ku dhex marayeen iyaga iyo Xisbul Islaam.

 

Dagaalka oo hada u muuqda mid qaboobay ayaa wararku sheegayaan in xarumihii Maamulka ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunah oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Is bedelka dega dega ee ay gashay magaalada Beledweyn ayaa la ogeyn halka ay ku sii dambeyn doonto, waxaana xaalka magaalada uu yahay mid aan wali fadhin oo ay dhici karto in waqti kasta la isku gacan dhaafo.

 

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this