Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Waararkii ugu danbeeyay ee safarka madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Norway

 

 

 

 

Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey, waxay Shalay ka soo degaan Dhabaha Dayuuradaha ee Magaalada Oslo, Caasimada Dalka Norway.

 

 

 

Madaxweyhnaha iyo weftigiisa waxa ku soo dhaweeyay dhabaha dayuuradaha ee Oslo dad badan oo ka mid ah, qurba jooga reer Somaliland ee deggan Dalka Norway, waxa kale oo ka mid ahaa dadka soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa,. Madaxda Jaalidayaha Dalka Norway ee iyana halkaa deggan.

 

 

 

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha JSL, inta aanu ka soo dhoofin dalka Sweden waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay, Madax ka tirsan dalka Sweden oo uu ka mid yahay Xog-hayaha Dawladda Sweden u qaabilsan xidhiidhka Arrimaha Debedda, Mr. Joakim Stymne iyo Amb. Marika Fahlen oo ah danjiraha Dawladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika, isla markaana ah wakiilka khaashka ah ee dawladda Sweden u qaabilsan Arrimaha Debedda.

 

 

 

Madaxweynaha iyo Madaxdii uu la kulmay waxay ka wada hadleen, xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Waddanka Sweden, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay si toos ah u siin lahayd kaalmada xagga dhaqaale ee ay u baahan tahay.

 

 

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa martiqaad casho Sharaf ah ugu sameeyay Dalka Sweden, Safiirka Ethiopia uga wakiila Wadamada Scandanecianka Mr. Dina Mufti.

 

 

 

Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin, Marwada 1aad, Marwo, Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Caddaani Mooge, iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise

 

 

 

Waxa la filayaa in dhawr maalmood ay sii joogi doonaan Dalka Norway, halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madax ka tirsan Dawladda Norway iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Deggan Dalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

quote:Although he too didnt get to meet with the top political leaders of Sweden.

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL
:D:D
,,,,, hadaa maxaad la xayaysiinaysaa ?
Dee A/Y gaari iyo ilaalo ayuu dheera Riyaale soo ma'ahan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Warsaxaafadeed, Oslo, Norway

 

14/06/07

 

 

osjun1c1257ih7.jpg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa Maanta uu la kulmay Madax ka tirsan Dawladda Dalka Norway oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Norway u qaabilsan Arrimaha Debedda, Mr. Raymond Johansson.

 

Madaxweynaha JSL, oo shirkaasi hadal kooban ka jeediyey, waxa uu si wayn ugu mahadnaqay kaalmada iyo Mashaariicda Horumarka ee tan iyo hadda ay ka taageerto Dawladdan Norway, Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ka codsaday in Norway ay si gooni ah u tixgeliso Somaliland, kaalmada iyo Mashaariicda Horumarkana ay si toos ah ugu gudbiso iyada oo aan cid u sii marin. Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey dhinaca aqoonsiga, waxa uu sheegay in ay tahay marag ma doon Somaliland waxyaabaha ay qabsatay iyo tallaabooyinka horumarka ah ee ay gaadhay, taas oo ay xaqna u leedahay aqoonsi iyo Madaxbanaani caalamku uu u qiro. Madaxweynaha JSL, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey in dawladdiisu ay ka codsanayso Dawladda Norway oo ah shir-guddoonka Wadamada qaabilsan Arrimaha Somaliya, ( International ) oo ay ka mid yihiin, Maraykanka, Ingiriiska , Sweden, iyo Tanzania. Inay ka gaadhsiiso farriin ku saabsan jiritaanka iyo Madaxbanaanida Somaliland.

 

Somaliland loola dhaqmo wadan gaar ah oo aan ka mid ahayn wixii la odhan jiray Somalia.

 

Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay “ Dalalka loo saaray Arrinta Somalia iyo Wadamada kale Caalamka ee EU-du ka mid tahay marna ma suurtawdo in ay Nabad iyo Xasilooni ku soo dabaalaan dawladna ay ka dhisaan Somaliya, haddii marka hore aan la tixgelin, la iskana indhotiro gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Shirkaasi Madaxda kale ee ka soo qayb gashay dhinac Norway waxa ka mid ahaa Safiirka Norway u fadhiya Dalka Kiiniya, iyo ninka madaxda ka ah arrimaha binaadanimada.

 

 

Waxana Madaxdii Dalka Norway ay ballan qaadeen in ay tixgelin gaar ah siin doonaan Arrimaha ay ka wada hadleen Weftiga Madaxweynaha JSL. Iyagoo isla markaana qada sharaf maanta u sameeyay Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

 

 

Dhinaca JSL, waxa isna shirkaasi goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isna ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay tani iyo 1991-kii markii ay Madaxbanaanideedii kala soo noqotay waddankii la isku odhan jiray Somaliya.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa kaloo isla maanta ay la kulmeen Madaxa ka tirsan Hay'adda Caalamiga ah ee qaabilsan Mucaawanooyinka iyo Kaalmada Norway ay siiso Wadamada Debedda ee Loo yaqaano NORAD oo wefti ka mid ahi uu hadda ku sugan yahay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda JSL, oo iyana ballan qaaday inay sii wadi doonaan Mashaariicda Horumarinta ah ee ay ka wadaan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Riyaale oo ka degey Roma, dalka Talyaaniga

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo socdaal ku mraya Yurub ayaa maanta gaadhey maanta ka degey magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga.

 

Sida uu sheegay war ay baahisey warbaahinta dowladdu, Madaxweyne Riyaale iyo weftigiisu waxay u dhoofeen dalka Talyaaniga, kadib markii uu Oslo, Norway ku soo gebagebeeyey booqasho laba toddobaad qaadatay oo uu ku joogey dalalka Sweden iyo Norway.

 

Booqashadan Talyaaniga ayaa ah mid aan hore qorshaha safarka Madaxweynaha ugu jirin. Warka dhinaca xukuumadda ka soo baxayna waxa uu sheegayaa in Madaxweyne Riyaale uu ku tegey Talyaaniga martiqaad uu ka helay dowladda dalkaas, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga.

 

Lama sheegin ujeeddada martiqaadkaas ama booqashada iyo arrimaha ay ka wadahadli doonaan masuuliyiinta Talyaaniga ee la sheegay inay martiqaadeen.

 

Waa markii u horreysey ee Madaxweyne Riyaale uu tago dalka Talyaaniga.

 

Talyaaniga oo lug weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, isagoo xubin ka ah ururka Midowga Yurub, isla markaana ah dalkii gumeysan jirey Soomaaliya, ka hor intii aanay la midoobin Somaliland oo xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriisku la midoobin, waxa uu si gaar ah u daneeyaa arrinta Soomaaliyadii hore ee uu gumeysan jirey, Somaliland-na lama laha xidhiidh wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB – How very discriminative of you in only feeding the crowd the official line purely spawn for the ever so trusting, less informed home crowd. Did not realise you had fallen to the enlisting trappings of the the Hargeisa stratocracy for serving as "the" mouthpiece. In any case, what could you tell us about the incident in Oslo a few days ago where Riyaale was almost arrested for possession of ‘Qat’, an illegal substance in Norway, or so we hear? The mug almost got incarcerated with the drug lords of Europe whilst on an entreating tour. How original, no?

 

***Bloody unreliable source of news, you are mate, are you not?

 

Tata…

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsaxaafdeed: Socdaalka madaxweynaha ee dalka Talyaaniga

 

 

rayitali33fd82qx0.jpg

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey oo shalay booqasho Rasmiya ku tegay Dalka Talyaaniga, waxa Maanta uu la kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debedda ee Dawladda Talyaaniga, Marwo, Patrizia Sentinelli iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Talyaaniga.

 

Madaxweynuhu, waxa uu uga waramay, madaxdii dawaladda Talyaaniga ee uu la kulmay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland ay soo martay iyo waxyaabaha ay qabsatay, waxana uu ugu mahadnaqay dawladda Talyaanigu albaabka ay u furtay Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo uu Madaxweynuhu ka codsaday Dalwadda Talyaaniga in xidhiidhkaasi uu noqdo mid sii socda.

 

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu weydiistay Dawladda Talyaaniga in deeqda ay siiso Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto mid si toos ah u gaadha, iyo mid Hay’adaha loo soo mariyo labadaba. Isla markaa inuu noqdo xidhiidhka labada wadan mid sii xoogaysta mustaqbalka soo socda.

 

Madaxweynaha JSL, isagoo la hadlaya saxaafadda dalalka Yurubta qaar ka mid ah, waxa uu ku tilmaamay socdaalka uu ku soo maray dhawrkaa waddan ee ka tirsan dalalka Europe-ta in uu ahaa mid guul laga gaadhay, madaxdii ay la kulmeen inay si wayn ugu garaabeen Somaliland, waxa ay qabsatay iyo xaqqa ay u leedahay in ay Madaxbanaani hesho.

 

Madaxweynuhu wadamadaa uu soo maray oo dhammaantood ka mid ah, dalalka ku hawlan arrimaha Somalida ee loo yaqaano ( International Contact Group on Somalia) waxa si weyn loogu rajo weyn yahay in ay wax weyn ka bedeli doonto aragtida ku wajahan Somaliland ee wadamadaasi.

 

Shirka Maanta dhex maray Madaxweynaha JSL iyo Madaxda Dawladda talyaaniga oo si weyn la isugu af gartay, waxa ka qayb galay, Wasiirka Arrimaha Debedda JSL, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducale, Wakiilka JSL, u fadhiya Talyaaniga, Mudane, Muxiyaddiin Gaboose, Mudane, Siciid Caddaani Mooge, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL iyo Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

Siciid Caddaani Mooge,

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta JSL

Ahna Af-hayeenka Wefitaga Madaxweynaha JSL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

meleszenawirt9.jpg

Odaygu ceeb makarto miyaa horta cajiib!!Surwaalka lagasiib wali Meles ayuu hoos fadhiyaa. Goormeen aragnaa Meles oo marti Riyaale ugu ah Hargeisa. Horta reer Hargeisa odayga maweeydiiyaan miyaa iyaguna isma weeydiiyaan miyaa waxa socodkan badan kusoo kordhiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goormeen aragnaa Meles oo marti Riyaale ugu ah Hargeisa

hahahaha ,,,,,,,, are you sure you wont make another story when that comes ??

 

It'll come soon IA sxb ,,,, meles is just another African, i'll show u Ban Ki Mon, US President, and others are here too ,,,, just be patient with me sxb ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this