Sign in to follow this  
General Duke

Vice President visit to LA SOOL Puntland

Recommended Posts

Wafti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Laascaanood

 

Warkii: Apr 02, 2005

 

k3.jpg

 

w3.jpg

 

 

k2.jpg

 

x1.jpg

 

k6.jpg

 

 

Laascaanood(Radiossc.com):-Waxaa saaka abooro 10:30 subax nimo soo gaadhay magaalada Lascaanood ee xarunta gaobolka Sool wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwene ku xigeenka Puntland mudane Xasan Daahir Afqudhac oo ay ka mid yihiin xubo badan oo ka tirsan labada gole ee Dawlada.

 

Soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa oo ahayd mid maalmahanba laga shaqaynayey ayaa saaka aroortii madaxada maamulka gobolka kana degmada iyo dadweyne aad u tiri badani kaga hortageen waftiga Tuulada Ganbadhe oo iyadu sodon km bari kaga beegan magaalada Laascaanood,waxaa kale oo ka qayb qaatey soo dhawynta waftiga qaybaha bulshada ee kala duwan oo wata gaadhi farabadan.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminiga Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Hurumarinta Reer Miyaga Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Madaxtooyada Max;ed Yuusuf Doonyaale,Wasiirka Hawlada Guud iyo Gaadiidka(C/laahi Cali Xirsi Timada-Cade)W/k/x Xanaanada Xoolaha Yaasiin Cali (Tamaad) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta,Booslika iyo Ilaalada Badaha Puntland.

 

 

Madaxweyne ku Xigeenka Puntlanad Xasan Dahir Afqudhac ayaa hadal kooban oo uu u jeediyey dadweynaha reer Laascaanood u sheegay in maalinamada bari ay dadka kala hadi doono meel fagaare ah si ay bulshada ugu sharaxaan Socdaalkooda.

 

Madaxweyne ku Xigeenka iyo waftigiisa ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaa inta ay joogaan Maamulka Gobolka, kan Degmada, Isimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulashada.

 

Fai'sa Cabdi Dhalac

 

Radiossc.com

 

Laascaanood Puntland Soomaaliya

 

Qormadii: Fa'isa Cabdi Dhalac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta Laascaanood Gaaray

Posted to the Web Apr 02, 15:17

 

 

Laas-caanood:-Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland Mudane Xasan Daahir Afqurac iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saaka barqanimadii waxay gaareen magaalada Laascaanood, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey, waxaana gaadiid aad u tira badani ka soo gelbiyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga la socday tuulada Tuqa Raq oo qiyaastii magaalada Laascaanood u jirta 60 Km.

 

Madaxweynaha ayaa la dejiyey guri weyn oo loo habeeyey in uu ku shaqeeyo ayaa la dejiyey,wuxuuna u mahad celiyey dadweynihii sida diiran u soo dhoweeyey.

 

Booqashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee gobolka Sool ayaa waxay ku soo beegantay xili ay taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Maamulada puntland iyo Somaliland ee fadhgoodu yahay deegaanka Ari Caddeeye.

 

Radio Midnimo

Daabacaada:Puntlandpost.xom

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland Mudane Xasan Daahir Afqurac taageeroweyn ayuu ku haystaa magaalada Laascaanood iyo gobalka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka PL oo soo Gaaray Laascaanood.

 

{Laascaanood} 2 April 2005 wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa saacdo ka hor soo gaaray magaalada Laascaanood waxaana la filayaa In gelinka dambe ay la kulmaan.......

 

Waxaa Saakay soo gaaray Magaalada Laascaanood wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac oo ay wehliyeen Wasiiro iyo xildhibaano.

 

Wasiirada wahliyey madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka Dowladaha hoose iyo Reer Miyiga Cali cabdi Awaare wasiirka Arrimaha gudaha Axmed cabdi Xaabsade wasiiru dowlaha Madaxtooyada Doonyaale, Xildhibaano iyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliiska.

 

Wafdiga ayaa si toos ah waxaa ay u abareen Guri ku yaala Duleedka Magaalada oo loo diyaariyey waxaana la filaya in Saacadaha soo socda ay kulan la yeeshaan maamulka Gobalka, Saraakiisha Ciidamada, Isimada iyo waxgaradka deeganka sida ay ii xaqiiijiyeen qaar kamid ah xubnaha wafdiga, warar hoose ayaa ayaguna sheegaya in Wafdiga madaxweyne ku xigeenka ay booqan doonan jidda hore inta ay ku suganyihiin gobalka Sool

 

Ujeedada Socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay u kuur gelid habsami u socodka howlaha Gobalka Sool waxaana la filaya inay Maalmo joogi doonan Magaalada laascaanood madaxweyne ku xigeenka ayaa asagu guddomiye u ah guddi dhowaan loo magacabay arrimaha Gobalka Sool haalka qar kamid ah guddigaasi ay la socdaan.

 

Dadweyne aad fara badan iyo gadiid ayaa ka qayb qaatay Maanta soo dhoweynta Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa waxaana ay uga hortagayn meel 50 KM u jirta Magaalada laascaanood wadada aadda Garowe.

 

Soo dhoweynta wafdiga ayaa Maalmahanba waxaa ay ka socotay Magaalada Laascaanood inkasto ay inta badan baqashooyin la soo gudboonanaysa.

 

Nuux Muuse Birjeeb Widhwidh Online Xafiiska Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

afqurac_socdaal.jpg

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo booqday jiidda hore ee Adhi Caddeeye ee gobolka Sool

 

Laas Caanood - 03.April.2005 Wafdigii uu hoggaaminayey madaxweyne kuxigeenka Puntland ee ku suganaa magaalada Laas Canood ee gobolka Sool ayaa waxay maanta booqdeen jiidda hore ee Adhi Caddeeye ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee maamullada Puntland iyo Somaliland.

 

Saacado kooban oo ay wafdigaasi halkaas ku sugnaayeen ayey waxay halkaasi kulamo kula yeesheen saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland, waxanay wafdigu ku amaaneen ciidanka sida kartidu ku jirto ee ay diyaarka ugu yihiin difaacidda dadkooda iyo dalkooda.

 

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxay ciidanka daraawiishta ee halkaasi ka hawl gala ku war geliyeen in la siin doono dhammaan xuquuqda ciidan gaar ahaan in la bixin doono musharooyinkooda bil kasta iyo qodddob kale oo ay ka mid yihiin in ay dib u habayn ku samaynayaan dhinaca ciidamada.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha halkaasi ku sugan ayaa wafdiga uga war bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sool, waxanay dhinaca maamulka ka codsadeen in loo fududeeyo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yihiin ciidamadu.

 

Wafidan oo ka kooban qayb ka mid ah golaha xukuumadda ayaa waxaa waxay dib ugu soo laabteen deegaankii ay ka degganaayeen magaalada Laas Caanood kadib markii ay booqashooyinkoodii Adhi Caddeeye ay soo dhammaysteen, waxana deegaanka wafdiga ku sii qulqulayey madaxda maamulka gobolka, isimada gobolka iyo dad kale oo danaynaya in ay la kulmaan.

 

Wafdigan ayaa la filayaa in ay dhowaan meel fagaare ah kala hadlaan dadweynaha iyadoo sidoo kale booqan doona xarumaha dawladda ee degmada Laas Caanood.

 

Nuux Muuse Birjeeb

SBC Laas Caanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lascaanood: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Saaka Booqday Jiida Hore Ee Ciidanka Daraawiishta

- Sunday, April 03, 2005 at 16:38

 

Laascaanood - Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Goboleedka Puntland Mudane Xasan Daahir Afqudhac ayaa saaka goor hore booqday Aaga hore jiida Adhi-Cadeeye ee ay ku sugan yihiin Ciidaanka Daraawiishta.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa booqashadiisa ay ku weheliyeen Xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo saraakiisha Ciidamada Daraawiishta oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenka Koowaad G/Sare Cabdi samad Cali Shire iyo Saraakiil kale, waxaanu la kulmay saraakiisha Aaga hore iyo Ciidamada Daraawiishta..

 

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxuu xalay shir Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Wasiirada socdaalkiisa ku welehiya iyo Saraakiisha sar sare ee Ciidamada kala duwan ee Puntland, waxayna sheegayaan warar ku dhow dhow shir kaasi in ay ka wada hadleen sii xoojinta Difaaca Aaga hore iyo qabashada Doorashooyinka Deegaanka ee maalmahanba la hadal hayey.

 

Waxaa lagu wadaa inuu mudane Xasan Daahir Afqudhac goor dhow uu shir ku qabto xarunta Dawlada Hoose ee magaalada Laascaanood halkaa soo dadweyne aad u farabadani ay ilaa saaka ku sii qulqulayeen sidii ay uga qayb qaadan lahayeen shirka uu qaban doono madaxwene ku xigeenku oo ah kii ugu horeeye ee uu ku qabto Gobolka Sool tan iyo markii loo magacaabay xilkan 8/1/2005.

 

Faaisa cabdi Dhalac

Xigasho: Radoissc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

sawiradana waa kan......... our VP saying hi to the smellylanders bored shitless in the middle of nowhere for what? .. almost 2 years now. hehehe --- 3 VPs and 2 Prezzes visited jiida hore without problem, lets see if riyoole is up for another marathon. the local folks could really use another shortcut to ceerigaabo discovered by riyoole hehehe this shit is so funny

jidda2.JPGjidda.JPGjidda1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this