Sign in to follow this  
General Duke

Dhahar becomes PUNTLANDS 19 district to set up local admin

Recommended Posts

Degmada Dhahar oo noqotay Degmadii 19aad ee Puntland oo maamul doorata

Last Updated::2007-04-11 13:43:35

 

Dhahar:- Gole deegaan oo ay shacabku soo doorteen ayaas markii ugu horreysey laga dhisay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo ay degmada Dhahar ay ku soo biirtay magaalooyinka Puntland ee leh golayaasha deegaanka.

 

Degmada dhahar ayaa waxaa loo dhaariyey 35 xubnood oo ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Dhahar kuwaas oo markii dambeyna iska dhex doortay duqa degmada Dhahar oo noqday guddoomiyaha golahaas iyo kuxigeenkiisa.

 

Doorashadii Guddoomiyaha

 

Tartanka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Axmed Maxamed Aadan iyo Salaad Xasan Shire oo ku kala baxay doorasho laba wareeg uun soconeysey.

 

Axmed Maxamed Aadan ayaa helay codad gaaraya 10 cod iyadoo ay ka aamustay 11 xubnood halka 3 xubnoodna ay diidey, iyadoo musharaxa kale ee Salaad Xasan Shire uu wareeggii labaad helay 12 cod waxana ka aamustay 9 xildhibaan halka ay 3 xubnood ay diideen.

 

Sidaasna waxaa duqa degmada Dhahar ku noqday Salaad Xasan Shire, isla markaasna ah, guddoomiyaha golaha shacabka deegaanka Dhahar.

 

 

Doorashadii Kuxigeenka

 

Kuxigeenka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Siciid Muuse Axmed mana uusan jirin musharrax kale oo la tartamay sidaas darteena wuxuu helay 20 cod oo HAA, ugu codaysay halka 2 ay diideen 2 kalena ay ka aamustay.

 

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha dhismayaasha golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare.

 

Sidoo kale, munaasabaddaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland, Axmed Cali Xaashi, iyo Axmed Doonyaale oo horay u ahaan jirey wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Puntland.

 

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa noqotay degmadii 19-aad ee loo dhisay gole deegaan, waxana wafdiga Puntland ee ku sugan degmada Dhahar ay u gudbi doonaan degmada Xingalool ee isla gobolka Sanaag si ay gole deegaan uga soo dhisaan.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Dhahar oo noqotay Degmadii 19aad ee Puntland oo maamul doorata

Posted to the MOL April 11, 2007, 9:55 am

 

Gole deegaan oo ay shacabku soo doorteen ayaas markii ugu horreysey laga dhisay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo ay degmada Dhahar ay ku soo biirtay magaalooyinka Puntland ee leh golayaasha deegaanka.

 

Degmada dhahar ayaa waxaa loo dhaariyey 35 xubnood oo ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Dhahar kuwaas oo markii dambeyna iska dhex doortay duqa degmada Dhahar oo noqday guddoomiyaha golahaas iyo kuxigeenkiisa.

 

Doorashadii Guddoomiyaha

 

Tartanka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Axmed Maxamed Aadan iyo Salaad Xasan Shire oo ku kala baxay doorasho laba wareeg uun soconeysey.

 

Axmed Maxamed Aadan ayaa helay codad gaaraya 10 cod iyadoo ay ka aamustay 11 xubnood halka 3 xubnoodna ay diidey, iyadoo musharaxa kale ee Salaad Xasan Shire uu wareeggii labaad helay 12 cod waxana ka aamustay 9 xildhibaan halka ay 3 xubnood ay diideen.

 

Sidaasna waxaa duqa degmada Dhahar ku noqday Salaad Xasan Shire, isla markaasna ah, guddoomiyaha golaha shacabka deegaanka Dhahar.

 

 

Doorashadii Kuxigeenka

 

Kuxigeenka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Siciid Muuse Axmed mana uusan jirin musharrax kale oo la tartamay sidaas darteena wuxuu helay 20 cod oo HAA, ugu codaysay halka 2 ay diideen 2 kalena ay ka aamustay.

 

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha dhismayaasha golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare.

 

Sidoo kale, munaasabaddaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland, Axmed Cali Xaashi, iyo Axmed Doonyaale oo horay u ahaan jirey wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Puntland.

 

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa noqotay degmadii 19-aad ee loo dhisay gole deegaan, waxana wafdiga Puntland ee ku sugan degmada Dhahar ay u gudbi doonaan degmada Xingalool ee isla gobolka Sanaag si ay gole deegaan uga soo dhisaan.

 

 

Rabiile Gabanow

 

 

mudugonline bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It changes everything, the city has an admin made up of locals and it is in the hands of Puntland troops. Remmeber how they tried this same stunt in LA a few years back and it did not work.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Saxib, odayal meel istagtaga weligeed wala arki jiray. Wax ismagacaba iyo dorasha been been ah, wax cusub Somalidina kuma aha. Runta hadi la sheego gobaladan la bacsanayo siyasad iyo qorshe dhaqaalo ahan ba loo daba socda. Sanad kabacdi adigu bal isheeg hal school ama hal wado ama hal hospital oo ay sameyeen . Inta lagu si ordayo Dahar baa melaha kale wax loo qabto?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Ma raabo in an sheego. Lakin indhahayga baan ku arkay. Xita meela badan lamiyaadi ba dayacan. Meesha inta badan dadka baa gacmahooda wax ku qabsada, Somaliland iyo Puntlandba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb aan wax ku sheego, hadaanan Dhahar wax loo qaban ma meel kale baaba wax loo qaban? Dhahar iyo dhamaan degaamada iyo goboloda ay ka koobanyahiin Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland wey simanyahiin wax walbana waa loo qaban iyadoon lakala soocin, ma garatey?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dahar and any where the claimed somali land administration tries to implement rules as part of their administration should be severely dealt with Force.It's Puntland's responsibility on behalf of the whole south to say No to that administration's land grabbing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this