Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Pesident Ismail Omer Gelle on Djibouti Conference

Recommended Posts

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dalbaday beesha caalamka in ay dhaqaale ku taageeraan madaxweynaha la dooranayo islamarkaana lacagaha lagu bixinayo ciidamada Midowga Africa lagu taageero booliska Soomaaliyeed si ay ammaanka u sugaan.

 

Isagoo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa Madaxweyne Cusmaaciil Cumar Geele oo uu wadankiisu marti galinayo wadahadalada Jabuuti iyo qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay muhiin tahay in beesha caalamku ay dhaqaale ku taageeraan madaxweynaha cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya islamarkaana ciidamo booliis ah oo Soomaaliya ay yeelato ay dhaqaale ku bixiyaan.

 

Waxaa uu sheegay in marka arintaasi ay dhacdo uu madaxweynaha Soomaaliya awood u yeelan doono xasilinta wadanka Soomaaliya isagoo sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay wax ka badelista Dastuurka uu haatan ku shaqeyso Barlamanka KMG Soomaaliya

 

Dublumaasiyinta qaar ayaa waxaa ay dabada ka riixayeen ka shaqeynta 10-kun oo boliis ah oo uu yeesho dalka Soomaaliya,waxaana Cusmaaciil Cumar Geele uu intaa ku daray in dhalinyarada dagaaliyahanka ay markaasi Suura galtahay in ay jaanis u helaan ka mid noqoshada ciidamadaasi boliiska ah.

 

Waxaa uu tilmaamay in dhalinyaradaasi ay la'yihiin qof qaran u sheega iyo in ay yihiin ciidamo Boliis ah islamarkaana Mushaar ku siiya sidii ay wax ugu qaban lahaayeen amaanka dalkooda.

 

Waxaa uu mid aan mecno laheeyn ku tilmaamay in wadamada Deeqaha bixiya ay lacag badan ku bixiyaan ciidamada Nabad ilaalinta iyadoo la heli karo ciidamo booliis ah oo dheeraad ah kuwaasi oo mushaar loo siin karo 100$-doolar Bishiiba taasi oo aad ugu raqiisan lacagta ay ku shaqeynayaan ciidamada Wadamada Shisheeye.

 

Waxaa uu sheegay madaxweynaha Jabuuti in loo baahanyahay Awooda madaxwynaha in ay noqoto mid balaaran islamarakaana Ra'iisul wasaaruhu uu noqdo nin la taliye ah sida madaxweynahaasha wadanka Maraykanka oo kale.

 

Ugu dambayntii Ismaaciil Cumar Geele waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in hogaamiyaasha Soomaalidu ay dhameeyaan ka shaqeynta sidii loo soo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo hogaamiye leh kaasi oo uu ula jeeday madaxweynaha,Ra'iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Barlamanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this