Sign in to follow this  
Jamster

Dr. Cali Khaliif Galeydh oo taageero weyn u muujiyay xukuumada FKMG ee Soomaaliya

Recommended Posts

Jamster   

Dr. Cali Khaliif Galeydh oo taageero weyn u muujiyay xukuumada FKMG ee Soomaaliya

Warkii: Mar 08, 2005

Dr. Galeydh oo ugu baaqay Xukuumada FKMG ee lagu soo dhisay Nairobi inay la timaado siyaasad fur furan.

 

Dr. Cali Khaliif Galeydh oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabaaya siiyay shabakada Shabeelle.net ee fadhigeedu yahay magaalada Mugadishu ayaa ka xog waramay siyaasada soomaaliya iyo mustaqbalka dambe ee ummadda.

Dr. Galeydh oo ahaa wasiir kowaad ee dowladii lagu soo dhisay Carta ayaa u muuqda mid hadda taageero weyn u haya Xukuumada cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdillahi Yuusuf Axmed.

 

Dr. Galeydh oo ah siyaasi u dhashay gobolka SSC, xilal kala duwana ka soo qabtay dowladii Soomaaliya iyo Dowladii Carta ayaa mar walba aaminsanaa jiritaanka Puntland.

 

Dr. Galeydh oo ah masuul jecel qaranimada soomaaliya ayaa marar badan ay isku af dhaafeen siyaasiyiin badan masiirka ummadda soomaaliyeed, waxaana xusid mudan khilaafkii dhexmaray Isaga iyo Cabdiqaasim Salaad Xassan ugu dambeyntiina sababtay in Dr. Galeydh uu ku waayo xilkiisii uu ka yahay Dowlada Carta.

 

Mar wax laga waydiiyay Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf Axmed oo xiligaa ahaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland khilaafaadka dhexmaray Dr. Galeydh iyo C/qaasim wuxuu ku sifeeyay in Dr. Galeydh yahay Nin mowqif adag isla markaana jecel qaranimada ummadda soomaaliyeed, wuxuuna yidhi “Dr. Galeydh wuxuu gali waayay Jeebka C/qaasimâ€.

 

Dr. Galeydh oo macaaradad xoogan kala horyimid Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf xiliggii ay socotay tartanka Doorashada Madaxweynaha xukuumada FKMG ee soomaaliya iyo magacaabistii xubnihii Baarlamaanka ee ***** ayaa hadda u muuqda inuu kalsooni farabadan u hayo xukuumada cusub, ugana digay xukuumada cusub inaan lagu tilmaamin mid fadhiid ah sidii Carta, wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha inay la yimaadaan siyaasad fur furan.

 

Intii aanu Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf magacaabin wasiirka kowaad ee xukuumada KMG ee Soomaaliya, wuxuu Dr. Galeydh kula taliyay Madaxweynaha inuu jagada Wasiirka Kowaad u magacaabo Nin ka gadmaya beesha caalamka, taasoo kuu muujinaysa in Dr. Galeyd mar walba siinayay Madaxweynaha iyo dowladiisaba talooyin dhaxal gal ah.

 

Dr. Galeydh oo hadda wadanka dibadiisa ku nool ayaa marar badan xusay inuu aad ugu qanacsan yahay hogaanka cusub ee soomaaliya yeelatay, sidoo kale madaxweyne Cabdillahi yuusuf ayaa isaga qudhiisu meelo badan ka sheegay in Dr. Galeydh ahaa Nin Aqoon leh, xilkiisana gudan og, hadalada Madaxweyne Cabdillahi waxaa ka mid ahaa mar la waydiiyay cida uu damacsan yahay inuu u magacaabaya jagadda wasiirka kowaad, wuxuu Cabdillaahi ku jawaabay “Anigu xilka wasiirka koowaad u dhiibi maayo Nin Aqoon leh sidii Dr. Galeydh, kadibna tafaha qabsan maayo sidii Cabdiqaasim, ee Anigu Ninkaan magaacaabo waan ku ixtiraami xilkiisaâ€, taasi waxay kuu muujinaysaa in Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf og yahay in Dr. Galeydh yahay Nin Aqoon leh balse tafaha lala qabsaday xilkiisii.

 

Laba Nin oo labaduna ka soo jeedaan Gobolada Puntland ayaad moodaa inayna aad u kala fogeyn, balse uu jiro faraq yar oo dhinaca siyaasada ah, Dr. Galeydh wuxuu aaminsan yahay inaan Ethiopia lala yeelan karin gacan saar weyn, halka Cabdillaahi Yuusufna aaminsan yahay in dowladaha deriska ah xaq weyn inagu leeyihiin, gacan saar weyna aynu la yeelan karno, loona baahan yahay in wax lala qeybsado.

 

Marka aynu wada duubno arimaha siyaasada, waxaa muuqata in labada Siyaasi ee isku beesha ka soo jeedaa ayna wax badan ku kala taganayn, isuna hiiliyeen marar badan, iyagoo labadooduba yihiin halgamayaal jecel qaranimada iyo hurumarka ummadda Soomaaliyeed.

 

Haddaba waxaa nasiib daro ah in saxaafada qaarkeed ay ku mashquulsan yihiin siday u kala fogeyn lahaayeen labada siyaasi ee isku beesha ah ee is jecel, iyagoo inta badan daabaca warar aan sal iyo baar toona lahayn oo Dr. Galeydh iyo Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf midkoodna odhan.

 

 

Qormadii: Radiossc.com Desk News

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have always believed Abdulahi Yusuf should reach out to Somali intellectuals such as Dr. Galeydh. Despite their past political disagreements, the two are toning down their rhetoric, atleast.

 

The future of this nation is at stake. Yeey needs men like Galeydh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this