Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Vice president of puntland gets humiliated at buuro wadal

Recommended Posts

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Oo Waji Gabax Kala Kulmay Buuro-Wadal

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku Simaha madaxweynaha ayaa shalay safar aan la sii shaacin ku tegey deegaanka Buura wadal...

 

Kulankan oo ahaa mid uusan u sii sheegin Garaadada ku sugnaa Buura wadal oo markaas shir u socdey ayaa waaa ka soo baxaya warar badan.

 

Cabdi Samad Shire wuxuu markii hore kaga soo baxay magaalada Garoowe in uu doonayo in uu Garaad Jaamac Garaad Cali ka soo raali geliyo dhacdadii Tuko raq maalinimadii sabtida ahayd ee shirka Holhol qabsoomayey. Wuxuuna u sheegay xubnaha ay sida aadka ah isugu dhaw dhaw yihiin in uu doonayo in Garaadka uu ka soo shaafiyo Isku deygii shirqoolkii dhicisoobay ee ka dhacay Deegaankaas ka dib markii uu Wasiir ku xigeenka Maaliyaddu C/halas ka daba yimid Garaadka.

 

Waxaana la sheegay in markii uu C/Semed halkaas gaadhay uu judhiiba u gudbey guri ay markaas ku jireen dhamaan Isimadda oo dhan. Waxaana la sheegay in intuu gudaha ku jirey Madaxweyne ku xigeenku ay is afdhaafeen Ilaalada Garaad Jaamac iyo ilaaladii uu Garoowe kala yimid C/Semed.

 

Waxaa la sheegay in arintaasi ay ka danbeysey ka dib markii qaar ka mid ah ilaalada C/Semed ay sheegeen in ay Hubka dhigaan ilaalada Garaadku si ta bedelkeeda ayagu ay Amaanka u sugan. Waxaa arintaas si weyn uga cadhooday Ilaaladii garaadka oo qoryaha soo rugtay una arkay hadalkaas mid meel ka dhac ku ah ayaga.

 

Waxaana meeshaas ka dhacay Car iyo Car ayadoo ay soo kala gaadheen isimaddi gudaha ku jirey oo ku soo baxay Qoryaha Sanqadhooda.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in mudo 10 daqiiqo ah oo uu C/Samed gudaha ku jirey aysana jirin Garaad la hadlay marka laga reebp Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo asagu u sheegay in meeshan aan lag casuumin ayna quman tahay in uu iskaga tago.

 

Ugu danbeyntii waxaa halkaas dib uga soo Hulaalay Madaxweyne ku xigeenkii oo aan wax Natiijo ah kala soo kulmin halkaas.

 

 

 

Source widhwidh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this