Sign in to follow this  
General Duke

Tragedy: Two Somali merchants burned to death in SA...

Recommended Posts

CAPE-TOWN: Laba Wiil oo ganacsadayaal ah oo lagu gubay xalay dukaamo ay ku lahaayeen South Africa

Posted to the Web Mar 19, 14:11

 

Cape-town (PP) – Ganacsadayaal Soomaaliya oo lagu kala magacaabo C/llaahi Muumin Muuddeey iyo Axmed Muuse ayay xalay kooxo madow ah ku gubeen dukaammadooda xilli ay hurdeen.

 

Wararka ka imaanaya South Afrika oo ay dhallinyaradaas ku lahaayeen dukaamada lagu gubay ayaa waxay sheegayaan in sababta dhabta ah ee loo gubay dhallinyaradaas ay ahayd iyadoo la diidan yahay ganacsiga ay Soomaalidu halkaas ku leedahay.

 

Kooxo madow ah ayaa la sheegay inay dabka qabadsiiyeen dukaamada ay ku jireen labada marxuum ee gubtay, waxaana wararka ka imaanaya halkaas ay sheegayaan in dukaamada ay ku yaallaa deegaan ku yaalla dhanka bari ee Magaalada Cape town ee dalka South Afirka oo lagu magacaabo Muzalbay.

 

Dhallinyaradaan ayaa waxay ahaayeen laba wiil oo dhallinyaro ah oo dhawaan dhanka lugta ka galay dalka South Afrika, si ay halkaas ugu badbaadaan, waxaana la sheegay inay horay u ahaayeen shaqaale ka shaqeyn jiray dukaanno ay lahaayeen dad South Afrikaan ah oo ku nool isla gobolkaas.

Soomaalida ku dhaqan dalka South Afrika ayaa waxay inta badan la kulmaan dilal kaga yimaada dhanka kooxo qowlaysato ah oo ka jira dalka South Africa kuwaasoo rasaas iyo budad ku dila dadka Soomaalida ah, mararka qaarkoodna dab qabadsiiya xarumahooda ganacsi sida dhowr jeer oo hore ka dhacday dalka South Afrika.

 

Dhacdadii xalay waxay ahayd middii ugu xanuunka badnayd ee soo marta Soomaalida ku dhaqan dalka South Africa, waxaana dadka madow ay yihiin kuwo loo soo kireysto dadka Soomaalida inay dilaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this