Sign in to follow this  
Jamster

Madaweynaha Soomaaliya:-Waxaanu Diyaar U Nahay In Aan Soomaaliya Geed Hoostii Ka X...

Recommended Posts

Jamster   

Madaweynaha Soomaaliya:-Waxaanu Diyaar U Nahay In Aan Soomaaliya Geed Hoostii Ka Xukuno, Waraysi Dheer Oo Uu Siiyey Wargeyska A-Sharqal Awsat.

Warkii: May 28, 2005

 

London(Radiossc.com):-Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu noqon doono Gudaha Soomaaliya, isla markaana diyaar u yahay Soomaaliya In uu uga taliyo Geed Hoostii Inta Caasimada Laga Nabadeenayo, waxa kale oo uu sheegay in u diyaar u yahay in uu wada hadal la galo maamulka Hargeysa.

 

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ay waraysi siiyey wargeyska A-Sharqalawsat intii uu ku sugnaa magaalada London ayaa waxa uu ka codsaday madaxda dalalka carbeed in ay kaga dhabeeyaan balanqaadkoodii shirkii Aljeeriya , ee ay ku balan qaadeen in ay Soomaliya Garab istaagayaan isla markaana ciidan nabad ilaalin ah u soo diryaan.

 

 

 

Mar wax laga weydiiyey Madaxweynaha waxa ka jira in ay ciidamada Maraykanku xeebaha Soomaaliya ka degaan iyaga oo baadhaya waxa loogu yeedho argagixisada ayaa waxa uu sheegay madaxweynuhu , in maraakiibta maraykanku ku teed san tahay xeebaha Bariga Afrika , ayna suurta gal tahay in ay mar marka qaarkood ka degaan xeebaha Soomaaliya, iyaga oo dadka weydiinaya dad ay doonayaan, hasa yeeshee aanay u socon in ay dalka Soomalaiya qaybo ka mid ah qabsadaan.

 

 

 

Waxa kale oo madaxweynaha la weydiiyey waxa uu ka ogyahay talaaboooyinka ay ciidamada maraykanku habeenadii saqda dhexe ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho dadna la gu soo qabqabto, ayaa waxa uu sheegay in ay jireen talaabooyin wada jir ah oo ay qaadi jireen ciidamada maraykanka iyo hogaamiye kooxeedka Muqdisho qaarkood, kuwas oo u fududeyn jiray in ay ciidamada Maraykanku soo galaan Muqdisho , dabadeedna ka baxaan.

 

 

 

Mar wax laga weydiiyey Madaxweynaha in booqashadiisii ugu danbaysay ee uu ku tagey dalka Jabuuti , in uu jiro wax xidhiidh iskaashi oo dhinaca la dagaalanka argagixisada oo isaga iyo ciidamada maraykanka dhexmaray , waxa uu sheegay Md. C/laahi Yuusuf in aanu jirin wax xidhiidh ah oo gaar ah oo u dhexeeya Maraykanka Noocuu doonaba ha’ahaadee, booqashadiisii uu ku tagey Jabuutina ay ahayd mid uu kaga qayb galay caleemasaarkii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

 

 

 

Waxa kale oo madaxweyne C/laahi Yuusuf La weydiiyey sunta hadhaaga nukriyeerka iyo warshadaha kale ee Soomaliya lagu aaso, gaar ahaan waxa uu ka ogyahay in uu hogaamiye kooxeed ka qaatay lacag dhan 10milyan oo dollar shirkad ajnabi ah , ogolaadayna in lagu aaso dalka suntaas gaar ahaana xeebta waqooyiga ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku jawaabay madaxweyne C/laahi Yuusuf in ay arrintaasi jirto , oo xataa xilligii dawladii Siyaad Barre dagaalkii sokeeye ka hor sunta lagu aasi jiray dalka, meelaha ugu daranina ay yihiin xeebaha, gaarahaan tan ku dhereran Gobolka Banaadir oo ay ku taalo caasimadu, arrintan nadiifinteeda sidii ay wax uga qaban lahaayeena ay la kaashan doonaan qaramada midoobay ,waxaana khatar ku jira ayuu yidhi madaxweyne C/laahi Yuusuf nolosha dadka , deegaanka iyo hantida qaranka sida kaluunka ,wuxuuna sheegay in talaabo laga qaadi doono dadkii waxaan ka danbeeyey marka dalka nabad galyadiisa la sugo.

 

 

 

Mar wax laga weydiiyey madaxweynaha Goorta ay dalka Ku laabanayaan , isaga iyo xukuumadiisu waxa uu sheegay, in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu laaban doonaan, wuxuuna yidhi “ waxaan ku noqon doonaa Nairobi marka baadhitaanka Caafimaadku ii dhamaado, waxaana ku hakanayaan caasimada dalka Kenya maalmo, ka dibna waxaan uga duuli doonaa Soomaaliya , annaga oo fulinayna Go’aankii golaha wasiirada uu amrayey in dalka dib loogu guuro, taas oo aanu go’aan sanay in aanu dalka ka hogaamino meel aamin ah geed hoostiina ha ahaatee, xilligana waxa ay dawladu ka hawl gali doontaa , labada magaalo ee kala ah Jawhar oo caasimada u jirta 90km, iyo Baydhabo oo u jirta Caasimada 250km, Muqdishana waa caasimada qaranka Soomaaliya, hasa yeeshee nabad galyo xumada ka jirta xilligan ayaanu ku sii shaqayn doonaa gooba aan soo sheegayâ€.

 

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadan ay saran yihiin waajibaad aad culus, kuwaas oo ah sidii Soomaaliya xaaladii caadiga ahayd loogu soo celin lahaa, iyada oo aanay jirin dhamaan adeegyadii bulshadu, dawladuna aysan haysan xafiisyo ay ku shaqayso, wuxuuna sheegay in ay xukuumadani ka bilaabi doonto hawlaheeda meel aan waxba ka jirin, waxa kale oo uu sheegay in ay horyaalaan arrimo aad u mugweyn xukuumada.

 

 

 

Wuxuuna tilmaamay madaxweynuhu in laga sugayo sidii loo soo diyaarin lahaa distoorkii dalkan lagu hogaamin lahaa ee rasmiga u noqon lahaa , kaas oo haatanba loo saaray gudi, mustaqbalkana shacabka loo soo hordhighi lahaa si ay ugu codeeyaan ,waxa kale oo uu sheegay in ay hortaalo sidii looga hirgalin lahaa dalka nidaamka federaalka ah, isagana loo saaray guddi,kaas oo ah ayuu yidhi mid dhib badan, oo ay ku adkaan doonto xukuumada, waayo ayuu yidhi, waxaa jira gobolo doonaya in ay israacaan, kuwaas oo ku salaysan beelo, wuxuuna sheegay in aanay dawladu arrimahaas wax fara galin ah ku samayn doonin ee ay u danayso dadka gobollada ku nool.

 

 

 

Mar wax laga weydiiyey Arrinta Jamhuuriyada Lamagc Baxday Somaliland , ayaa waxa uu ku jawaabay madaxeyne C/laahi Yuusuf, “Marka Koonfurta Soomaaliya degto ayaanu isku dayi in aanu wada xaajood arrintasi ku saabsan la yeelano, kuna qancino in ay ka noqdaan gooni isu taaga, kana wada shaqayno mideynta dalka, arrintaas oo ku imaan doonta wada hadal , marnaba aanay noqon doonin gacan ka hadal iyo dagaal, waayo nidaamka manta aanu qaadanay waa mid federal ah, taas oo macnaheedu yahay in ay yeelan doonaan, xukuumadooda hoose, baarlamaankooda, waxayna u madaxbanaan doonaan in ay umuurahooda iyagu maaraystaan iyaga oo ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya, distoorka Soomaaliyana waa mid dimuqraadiya oo ogol xisbiyada badan, damaanad qaadayana xoriyadaha, isla markaana dhawraya xuquuqda saxaafadda .

 

 

 

Waxa kale oo uu tilmaamay madaxweynaha Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed in ay Soomaliya dhibaato weyn ku hayso hubka sharci darada ah ee ku baahsan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Soomaliya Ku sugan yihiin in ka badan 50 kun oo malayshiyo hubaysan ah, iyo 2malyan oo hubka qaybihiisa kala duwan ah, wuxuuna ugu baaqay dawladaha carbeed in ay fuliyaan balan qaadkoodii shirkii Al-jeeriya, kaas oo ahaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo naba ilalain ah, isla markaana hubka ka dhiga malayshiyooyinka, si nabadu dalka ugu soo noqoto “dawladu waxay u baahan tahay ciidan qaran, iskumana halayn karto malayshiyooyin beelo lee yihiin, sidaas daraadeed waxaanu walaalahayo carbeed uga baahanay in ay naga caawiyaan sidii ay ciidamo noogu soo diri lahaayeen kuwaas oo naga caawiya mustaqbal sidii ay noogu tababari lahaayeen ciidan qaran, waxaana aamin sanahay in anau u baahanahay ciidamada dalalka carabta muddo sanad ah, wixii intaas ka danbeeyana nabad galyada dalka annagaa gacanta ku dhi karna,.

 

 

 

Wuxuuna intaas ku daray madaxweyne C/laahi Yuusuf, in uu midowga afrika ogolaaday in Soomaliya Ciidan loo diro, kharashka ku baxayana midowga reer Yurub bixin doono, dawladaha carbeedna ay iyagu wixii hanti ku baxaysa ciidamadooda iyagu u bixiyaan, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne C/laahi in ay wadamada carbeed kalin wax ku ool ah ka qaatan sidii Soomaliya Dib loogu dhisi lahaa.

 

 

 

Mar wax laga weydiiyey Madxweyne C/laahi Yuusuf waxa uu ka ogyahay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Abaanduulka Ciidamada Suudaan Cabaas Carabi ee uu ku sheegay in aanay Soomaaliya Xilligan ahayn dhul diyaar u ah in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro ayaa waxa uu ku jawaabay C/laahi Yuusuf “ ma maqal warkaas, laakiin waxa aan ogahay in midowga Afrika Go’aan ku gaadhay in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah, dalkan Uganda waxa uu sheegay in ay ciidamadu diyaar ka yihiin, madaxweynaha Suudaana mar uu jabuuti joogay wuxuu sheegay in ay ciidamadu diyaar ka yihiin, xillikastana la soo diri karoâ€

 

 

 

Waxaa soo diyaariyey

 

Asad Caddaani Ibraahim

 

Isha warka=A-sharqalawsat

 

الرئيس الصومالي لـ «الشرق الاوسط»: سأعود وأحكم حتى من تحت شجرة

 

Qormadii: Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this