Sign in to follow this  
me

Waa niman shidaal lagu shubtoo shilin u muuqdaaye

Recommended Posts

me   

Sheydaanku bini-aaadamkuu shar u horseedaaye

 

 

Hadba wuxuu ku shalansheeliyoo dib uga shaacdaaba

 

 

Shilal iyo wuxuu kugu xiraa shalowgii naareede

 

 

Shareecada markuu ka ambiyee sharaf ka dheereeyay

 

 

Rag badan buu shukaanta u qabtoo shaahid loo yahaye

 

 

Maantana Shariifyaa ku dhacay shabakadii Bushe

 

 

Xabashida waxay ula shurkeen shicibka naafeeysay

 

 

Waa niman shidaal lagu shubtoo shilin u muuqdaaye

 

 

Qiyaamada kufrigu soo shaqlay iyo sheeko baraleyda

 

 

Sharam-sheeikh halkii reer xamaas lagu shirqoolaayay

 

 

Waa shuqul nin soo wada unkoo waa is-shabahaane...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaabkuba waakuwan lagu shuf beelaaye

Shilaabaha nimankaa jiree shicibka naafeeyay

Ee sheekh iyo ninkii shariifaba ugu quluulaaya

Ee shaydaan la naaray sidiisi shafka dhiganaaya

Ee sheekadii c/laahi yara hee shareeraaya

Shacabkiina gumaadaye lagu shuf beelaayo

Shahiidkaan kugu dhaariyee maxaad u kala showrtaysan ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Nice try Jacayl baro.

 

Me, waa gabyey (waa hadduu isagu tiriyey'e) laakiin gabaygiisu qodob ma haysto.

 

Ninka gabayga soo shiilayow shay kalaa jire'a

 

Haddii uu shidaal jiro iyo xarfaan shillin lasoo siiyey

 

Ragga yurub shaxaadaayya ee shabacsanee jiifaa

 

Ee intay shanlaystaan timaha sheexada samaystay

 

Misna shuruftamaaayyee intaa shuqul hinraagayyaa

 

Ee showrka diidee intaa nabadda sheelaayye

 

Ee sheekha xamanayya oo sharafti iilayyaa

 

Shiddadoo weeyaan waxaa shicibka naafeeyey

 

Shankalena waa ME iyo sheeka xumadiisa... :D

 

War ma wadaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Mr. me :D :cool: .

 

----------------------------------

 

 

 

Doodna waxaan u leeyahay,

Culimada dafaarka ah,

Dalkaad iibiseen baa,

Dacarta igu kiciyeye,

 

Shan halood idiin daran,

Danigiina ka fiirsada.

 

Mar waa inaad dayowdeen,

Dibad hadaydun qabateen,

Dadkaa aydun raacdeen,

Isna wuu idi digo gubi,

Dilaalkii la idi siiyana,

Dunna ka heli maysaane.

 

Ninkii idiin darana

Ajar iyo ducoo heli,

Dibnna Deeqa Eebahay,

Dibna Saariye maysaan,

Diin nimaan lahayni,

Dameer caysan weeye,

Waar maxaad duflayahaw,

Cadaawaha ugu daranteen(to join)??

 

Wanka doosha wayn iyo,

Ma dagaadaad uxilanteen,

Qandiga maad iska duubtaan,

Dawarsigu mafiicnee.

 

 

Awyaalaw ma diideen

Jahaad maad udareertaan?

 

Warma danana iyo seef,

Dadka maad ku qaadaan,

Darmaan haad laqooqay iyo,

Doolaad maad ufuushaan.

Daacuf leeyda madidaa,

Degdeg maa wax ubadhaan,

Idinkaa dalkaba lehe

Dawlad maad uhaataan.

 

Ileen doqoni Calaf maleh,

Dibadaha maxaa ka baylahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by me:

 

Rag badan buu shukaanta u qabtoo shaahid loo yahaye

 

 

Maantana Shariifyaa ku dhacay shabakadii Bushe

 

looooooooooooooooooooool@ Shariifyaa ku dhacay....

 

Xinn,

 

That was good piece from you, laakin ciddaad difaaci baan u qalmin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this