Sign in to follow this  
General Duke

NRC continues with more clans voicing concerns

Recommended Posts

Shirka DUH Qaran oo ay Maanta ka hadleen Beesha Shanaad iyo Gudoomiye ku xigeenka Shirka oo sheegey in aysan jirin Cabsi dhinaca Qarashaadka ah

Last Updated::2007-07-26 17:48:23

 

Muqdisho:-Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho oo si habsami leh u socda ayaa maanta waxaa dib shirka ugu soo noqdey

 

Ergada Shirka iyo Isimada lagu casumey shaley ka dib markii Maalintii shaley Fasax gaaban la siiyey Ergada Shirka Baaqina Shirka looga dhigey isimada Beelaha.

 

Shirka ayaa Maanta waxaa Dooda ay qabaan soo bandhigtey Beesha Shanaad oo shirka ka hor sheegtey in la duudsiyey Xaq ay lahaayeen, isla makraana aysan ku qanacsaneyn Guud ahaan Hanaanka ay oga soo qeyb galeen Shirar ay Soomaalida ay horey u qabsatey oo uu ka mid ahaa shirkii Carta ee ka dhacay Sanadku markii uu ahaa 2000 Tuulada Carta iyo shirkii lagu soo dhisey Xukuumada Soomaaliya.

 

Ugaas ku hadley Magaca Beesha Shanaad ayaa sheegey in dhamaan eedeymahaas iyo Eedeymo ay dib u dhiganayaan ay u soo gudbinayaan Beelaha ugu tunka Weyn Soomaaliya ee kala ah Beelaha ******* iyo ******.

 

Dhinaca kalena Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Cabdaraxmaan Guulwade oo hadal ka soo jeediyey Madasha Shirka ayaa sheegey in ay jiraan dad doonaya in shirka la soo gaba gabeeyo xili hore iyada oo aan la jeex jeexin lana fallanqeyn waxyaabaha kalifey in shirka la qabto.

 

Waxaa uu sheegey in Kharash iyo Amaan ahaanba ay Xukuumada Soomaaliya ay Ballanqaadeyso in ay ku bixiso shirkan, isla makraana aysan Mas'uul ka ahayn cid kale in ay ka fikirto arintaas.

 

Waxaa uu sheegey in Xukuumada oo shirkan isugu yeertey Beelaha Soomaaliyeed in ay kafaalo qaadey waxkasta oo ku saabsan Kharashaadka Shirka uu ku baxayo iyo Amaanka halka uu ka dhacayo shirka iyo Ergada Shirka ka soo qeyb gashey Amaankooda Gaar ahaaneed.

 

Guud ahaan Shirka ayaa maanta waxaa uu ku soo afmeermey Jawi aad u wanaagsan iyada oo la isku afgartey in Maalinta Berito ah oo Jimce ah in la nasto Sabtida hadii uu Rabbi Idmona dib la isugu soo noqdo oo doodihii iyo Hadaladii ay halkoodii ay ka sii socdaan.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

HorseedNet News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeyay shirka

26 Jul 26, 2007 - 8:41:46 AM

 

Waxaa maanta mar kale xarunta Gaadiidka Booliska dib la isugu soo laabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 15-kii bishan Muqdisho ugu furmay iyadoo weli ay ka qeyb galayaasha shirkaasi ku guda jiraan howlahoodii dib u heshiisiin.

 

Kulamo gooni gooni ah ayey belaha ku yelanayan hoolka shirka iyo hotelada ay degan yihiin iyadoo kii u danbeeyayna ay gaba gabo u mareyso kulamo beelaha ******* ee wada dega Juboyinka ugu socday Muqdisho.

 

“Meel fiican ayey noo mareysaa kulamada gooni goonida ee ay yeelanayeen beelaha ******* kaasoo iminka gabagabadiisa laga soo saari doono go’aano ay ku farxaan shacbiga ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudahiisa” ayuu yiri C/raxmaan Waldiire oo ka tirsan ergooyinka Jubbooyinka ugu qeybgalaya shirka.

 

Dhinaca kale Sh. Muqtar Cabdi Rooble oo ku hadlayey magaca beesha Shanaad ayaa maanta hadal ka jeediyay madasha isagoo ku eedeeyay beelaha ******* iyo ****** iney iyagu ka danbeeyeen in la siiyo saami bar ah.

 

“Shirka Carta ayey Hogamiyeyasha ****** iyo ****** ugu gudbiyeen Madaxweynaha Jabuuti kaasoo aan heyno saxiixooda, iyadoo beelaha ...... ay ku raaceen markii loo balan qaaday Guddoomiye Baarlamaan, halka beesha *** ay arintaas iska diideen caddaalad daradaa ah” ayuu yiri Sh. Muqtaar oo kasbaday taageerayaal badan oo shirka ku jiray.

 

Gabagabadii Guddoomiye ku xigeenka shir guddoonka shirka C/raxmaan Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dhaqaalihii beesha Caalamka ugu tagalay socod siinta shirka ay gacanta ku heyso dowladda xiligii uu gaarana ay diyaar u tahay iney socodsiiso.

 

Dhinaca kale xubnaha mucaardka ah ee ku sugan magaalada Asmara ayaa ku gacan sayrey casumaad ka timid Gudoomiyaha shirka dib-u heshiisiinta Cali Mahdi.

 

Cali Mahadi ayaa maalintii shaley shegey in shirka ay ka soo qayb galaan Maxakiimta iyo xubnihii laga saarey Barlamanka Federalka kuwaas oo hada ku sugan wadanka Eritrea.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ali Mahdi[Gudoomiyaha shirka].

History Highlights:

One of the leaders of USC[united Somali Criminals], a rebel group responsible most of Somalia's destruction and deaths. [First created its military wing in Ethiopia in 1989. but hey to some, Ethiopia today is different!!! smile.gif ]. The Founder of USC/SSA, a milita group responsible along with USC/SNA, the deaths of thousands of civilians in Mogadishu alone. Corrupting our beautifull long coast by dumbing nuclear waste. And of course one of the biggest stooges to enemy countries wether its Italy or Ethiopia. Some here might say the man has changed his old bad habits and has now become a good man and we should forget his past. If thats the case, is it not a good idea if he[gudoomiyaha]shows his sincere honest to this conference by publicly apologizing the crimes committed by his *********against the clans and the ordinary Somali men and women in general after the collapse of our last dictator. This might help other criminals including Yeey and Sudi etc..to come out of the closet. I'm not optimistic this to happen as long as such criminals enjoy the backing and the protection of Ethiopia, the main force behing their survival[Ethiopia+USA came to the rescue after the warlord clean-up by the ICU[god bless 'em] smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this