Sign in to follow this  
General Duke

International support grows for TFG....

Recommended Posts

DOWLADAHA KU BAHOOBAY URURKA SAAXIL IYO SAXARA OO CIIDAMO NABAD ILAALIN AH U DIRAYA SOOMAALIYA

Dowladaha Liibiya iyo Nigeria oo ciidamadaas hoggaamin doona

 

Axad, June 26, 2005(HOL): Shir ay wadamada ku bahoobay Ururka Saaxil iyo Saxara 1-dii iyo 2-dii bishan ku yeesheen magaalada Ouagadougou ee dalka Burkino Faso ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, kadib wixii ka dambeeyay shirkii mudada dheer ka socday dalka Kenya oo ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Shirkaasi oo uu Soomaaliya u metelayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka Dahab ayaa waxaa ka soo baxay go’aano ay ka mid ahaayeen in ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Wadamada ku bahoobay Ururka CEN-SAD loo diro Soomaaliya, iyadoo la isla gartay in ciidamadaasina ay hoggaamiyaan Dowladaha Liibiya iyo Nigeria, sidoo kalena laga taageero dowladda Federaalka Soomaaliyeed dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

 

Warkan waxaa HOL u xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka Dahab oo aan xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah la sameynay isagoo ku sugan magaalada Tripoli ee dalkaas, wuxuuna xaqiijiyay in shirkaasi uu ahaa mid si gaar ah loogu lafo guray arrimaha Soomaaliya.

 

Dr. Ilka Dahab, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya waxaa kale oo uu booqasho ku tegay Dalka Bulgaria, isagoo halkaas kulan kula soo yeeshay madaxweynaha Dalkaas Mr.George Parvanov, kaasi oo uu guddoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, isagoo weliba uga xog waramay xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

 

Safiirka, wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Bulgaria Mr. Parvanov uu ballanqaaday in dowladdiisu ay garab istaagi doonto dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qeybqaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Kalluumeysiga, waxayna sidoo kalena labada dhinac isku af-garteen in la sameeyo Jimciyad loogu magac daray Jimciyadda Saaxibtinimada Soomaaliya iyo Bulgaria, taasi oo dabagal ku sameyn doonta heshiisyada ay labada dhinac wada galaan, iyadoo ay jiri doonaan wufuud ay labada dowladood is-dhaafsan doonaan.

 

Ugu Dambeyntiina Madaxweynaha Bulgaria Mr. George Parvanov ayaa dalkiisa ku martiqaaday Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo booqashadaasina ay dhici karto xili kasta oo ku haboon.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this